Wakiilka
Somaliland Ee dalka Kenya Oo Shaaciyey In
Khilaafkii Siyaasadeed Ee Wadanka Ka Taagnaa
Ictiraackii Fogeeyey

Hargeysa(Longlivesomaliland
News)- Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Maxamed Nuur Axmed [Indho-buur],
ayaa xaqiijiyey in khilaafaadkii siyaasadeed ee wadanka ka taagnaa
uu ictiraafkii la sugayey sii fogeeyey, isla markaana waxa uu
sheegay in muranada siyaasiga ahi ay caqabad ku noqon karaan
qadiyada aqoonsiga Somali land.
Waxaa kaloo uu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay socdaalka ku
jooga dalka Caasimada Hargeysa, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan
nahay inaan maanta dal kaygii joogo, waxaanan salaamayaa
shacbiga Somaliland, Madaxweynaha iyo Gudd oomiyeyaasha
sadexda xisbi qaran.waxaanan hambalyaynayaa go’aankii ay dhaw
aan gaadheen ee ay ku soo afjareen khilaafaadka dalka.” Ayuu yidhi
Mr. Indho-buur,
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Run ahaantii war war weyn
ayuu khilaafkii dhawaan ku hayay beesha caalamka iyo shacbiga
Somaliland. Waxaan leeyahay Somaliland doorashadu wakhti yar ayay
qaadataa laakiin khatar badan ayay leed ahay, waxa imika inoo
yaalaa waa sidii doorashadu u qabsoomi lahayd.”
Wakiilku wuxuu ka waramay qul qulatooyinkii ka dhashay natiijadii
doorashadii mad axtinimada Kenya ee lagu murmay, oo uu
tilmaamay in ay ku dhinteen 1500 oo qof isla markaana ay ku baro
kaceen kumanaan qof oo kale. waxaanu ka digay in aanay doorashada
Somaliland noqon mid lagu murmo oo rabshado ka dhacaan.
Mar uu ka hadlayay hamiyga siyaasiyiinta waxa uu yidhi “Sadex nin oo
reer Soma liland ah oo siyaasiyiin ah ayaa kursiga ku
loolamaya, dhibaato faro badan ayaa Kenya ka soo gaadhay doorashadii
ina soo dhaaftay qabyaalad ayaa soo gashay haddii ay qabyaaladi soo
gashana colaad ayaa ka bilaabantay waa tii la isku dhac ay
1500 oo qof ayaa ku dhintay, 500,000 oo qofna way ku baro kaceen.
Dadkii baro kacay illaa maanta waxay ku jiraan xeryo, madaxdii
waxyaabahaasi keentayna waa ta imika la leeyahay waxa loo wadaa
Maxkamada Heague.”
Waxa uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Somaliland sadex doorasho ayay
soo qabatay dhibaato la’aan ayay ku soo qabsatay. Doorashadan afraad
waxay ahayd inay no qoto doorashadii ugu sahlanayd.kursigan
sadex nin ayaa ku loolamaya mid uun baa ku fadhiisan doona.”
Wakiilka Somaliland ee Kenya wuxuu ku dooday in ictiraafku ku iman
karo dooras hadan madaxtooyada oo si hufan oo wanaagsan u
qabsoonta, waxaanu sheegay in muranadii siyaasiga ahaa ee dalka ka
dhacay ay ictiraafkii xoogaa Somaliland ka sii fogaysay loona baahan
yahay in laga wada shaqeeyo arrintaasi. “Buuqii dhacay Ictiraafkii
way yara fogaysay, waa inaynu barri nidhaahnaa waanu Heshiinay
door ashadiina si fiican ayay noogu qabsoontay ee na ictiraafa.”
Ayuu yidhi Indho-buur.
Wakiilku wuxuu sheegay in baaqa uu ka sido jaaliyada Somaliland ee
Kenya iyo bee sha caalamkuba ay tahay in Somaliland marxaladan
taagan kaga gudubto Midnimo isla markaana loolanka siyaasiga noqdo
mid aan mijo xaabin nabad gelyada dalka.
Source:Oodweynenews.com
|