Wakiilka
Somaliland ee Dalka Ireland oo KULMIYE ku Ha mbalyeeyey Mawqifkooda
ku Waajahan Dib-ufurista Ururada Siyaasadda
London (TNN)- Wakiilka Somaliland ee Jamhuuriyada Ireland Md.
Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa hoggaanka sare ee xisbiga siyaasiga
ah ee KULMIYE ku hambalyeeyay mowqifkooda ku wajahan dib u furida
ururada siyaasiga.
Ambasadoor Cabdifataax oo dhawaan waraysi kooban siiyay
Telefiishanka Universal, waxa uu
shakhsi ahaan si aada u soo dhaweeeyay go’aanka xisbiga KULMIYE ku
gaadheen in ay u hoggaansanaan doonaan sida dastoorka qaranku
dhigayo furitaanka xisbiyada haddii ay ku guuleysataan doorashada
madaxtinimada ee Somaliland, isaga oo intaasi ku daray in tal
laabadani tahay mid ku dhiirigalin doonta dad badan oo reer
Somaliland ah, gaar ahaan qu rba-joogu in ay ka qayb qaataan
siyaasada dalka.
Wakiilku waxa kale oo uu si cad u taageeray Ganacsade Maxamed Aw-Siciid
oo dhawaan si da warar xogogaal ahi sheegeen khilaaf soo
dhexgalay isaga madaxtooyada Somaliland, ka dib markii la sheegay in
madaxweyne Rayaale dad aan reer Somaliland ahayn siiyey Cable-ka
isgaadhsiinta badda, isla markaana uu kaga noqday rag reer
Somaliland ah oo uu khadk aasi hore u siiyey. Cabdifataax waxa
uu ku tilmaamay ganacsadahaasi nin muwaadina oo door muhiima ka soo
qaatay halgankii dalka dib loogu xoreeyay oo u qalma intaasi iyo in
ka badan.
Dhanka kalena waxa uu ka waramay safarka Madaxweyne Rayaale ku joogo
dalka Faransi iska oo sida uu xusey ilaa iyo iminka la kulmay
xubno muhiima oo ka tirsan dowladda Farans iiska. Sidoo kale
waxa uu deedafay warar sheegay in wasiirkii boosaha iyo
Isgaadhsiinta si khaldan looga reebay weftigii madaxweynaha waxaanu
sheegay in sababo dhinaca caafim aadka ah darteed ay wasiirka ugu
suurtagali wayday inuu weftiga madaxweynaha uu u sii raaco dalka
Faransiiska.
Source: Jamhuuriya Online
|