Tog-wajaale meel wasaarada xanaanada xooluhu illowday

magaalada tog-wajaale oo ah xaruunta ganacsi ee ugu balaadhan dalka
isla markaana ay ka taalo saylda ugu wayn s/land ee xoolaha nool ee
sida joogtada ah looga dhoofiyo maalin walabana laga raro xoolaha
nool ee la dhoofinayo dalalka carabta cashuur adag in ay ka soo
gasho wasaarada xanaanada xoolaha , kana qaado neefkiiba 2.5 $ laba
doolar iyo badh ugu yarana todobadi cishaba 300 saddex kun oo nef oo
lo'da ah ay ka dhoofan sida la wada ogsoon yahay waxaa jirta
wasaarada xanaanada xoolaha inay dayacday islaa markaana anay ka war
hayn dhibaatooyinka ka dhex jirta xanaanada xoolaha ee wajaale oo
aan laba yaarate lahayn laydh ljogto ah oo lagu qaboojio talaalka
iyo dawooyinka xoolaha iyaga oo haba yaraate aanay haysan wax qalab
oo lagu qaboojiyo ama baraf joogta ah oo talaalka lagu hayo taasi oo
aad arkayso shaqaalah oo talaalkii jeebadaha ku sita cadeedana la
taagan taasna ay keeni karto inay mar badan dawooyinku is badaelaan
waxa kale oo jiro in sanadkii hore xoolaha lagu talaalay dawo
dhacdey markii ganacsatadu ka cadhooden dhacdadasi waxay wasaaradu
ugu soo jawaabtay in dawada dhacday laba bilood la isticmaali karo
isla markaana fadeexadi dhalatay xoolihi la dhoofiyay lagu soo
celiyay waxa kale oo jirta inanay xanaada xoolaha wajaale lahayn
adeegyadi aasaasigii ahaa ee laf dhabarta u ahaa sahqadeeda sida
laydh joogta ah oo lagu qaboojiyo talaalka xanaada xafiisyo ay ku
shaqayso wax kale oo jirta aan loo dartyeelin xoola sidii loogu
talagayay oo ahayd in caafimaadka xoolaha si joogta ah looga war
hayo wasaarda xanaanad xooluhu wax kali oo ay ku dadaashaa ururinta
dhaqaalaha ka soo baxa xoolaha nool ee la dhoofinayo taana waxa
kaaga markhaati waxqabad la'aanta iy dayac ka muuqda xanaada xoolaha
wajaale oo muqaalkeeda aad mooda xaafad miyi dagan iyada oo aad
arkayso halkii dayr loogu tala galay in laga dhiso ood lagu
wareejiyey lacagtii dayrka loogu talagalay la cunay wasiirka
wasaarada xoolaha . Dr. cabdi aw-daahir cali ilaa iyo intii uu xilka
la wareegay ooo lagu joogo laba sano ayaanu gobolada galbeedka
inaanu iman gaar ahaan gobolka gebiley oo ahaa laf dhabarta xoolaha
nool ee dalka , taa bedelkeedina uu ka dhegtay inauu maalin walba
buuqdo gobolada bari ee uu wasiirku hayb ahaan uu ka soo jeedo wax
kale oo dadwayanaha ku dhaqan gobolka gebiley ay is waydiinayaan
sabata wasiirku wax qaban la yahay baahiyaha ka jirta xananada
xoolaha ee degmada tog-wajaale dadka reer wajaale inu wasiirku u
leexiyey gobolada uu deegaan ahaan ka soo jeedo mar walba uu wax ka
qabto baahida gobalkiisa ja jirta waxa kale oo aan mar walbadaananaa
warbaahinta isaga oo xadhiga ka jaraya mashaaric ka jaraya mudane
wasiir waxaanku waydiinaynaa ma waxaad wasiir u tahay gobolada aad
ka soo jeedo kali ah mise soomaliland oo dhan hadii ay dhab ka tahay
in aad u adeegayso qaran maxaa markaliya lagaaga wayaay inaad u
timaado halkad xukumaysay baahiyahoogana aad ogaato taasi waxaynoo
cadysay inaa tahay wasiir xaafadeed oo aanad hay wasiir qaran oo
umada si dhex ah ugu adeega waxaanu kugula talinaynaa wasiir cabdi
aw daahiroow inad isa saxdo dadka reer wajaalena mahaa ku indhola'a
hadii aad is lahayd cidi kuma arkayso ama lagu ogyahay waa laga
sareeyaa , oo laga
hooseyaa. jamhuuriyada soomaliland mudane axmed maxamed maxamuud
siilaanyo . waxaa ka codsanayaa inuu si degdeg aha waxuga qabto
wasiirkan qarankaloo direy inuu adeego ee beeshiisa soo dhaafila'a
dantii umadana ku lumiyey booqashada tog dheer iyo sanaag hadaba
mudane madaxweyne anaga oo ah dadkii hantigooda murqooda iyo
maskaxdooda u huray in isbedelkiina dhaco adigu ka soo baxday waxaan
kaaga fadhinaa inaad wax ka qabato daba galana ad ku samayso
wasiirkan si aad uga midho dhaliso geedi socdkaaga horumarineed ee
aad mar walba wadwado .
by: maxamed c/laahi maxamed (qombor)
tog wajaale
|