Waftigii ugu Cuslaa Xukuumadda Siilaanyo oo maanta Gaadh ay Dekadda Berbera iyo Madaxwayne ku xigeenka oo Tower Cusub Xadhiga ka jaray

 


Berbera (TNN)-Madaxweyne kuxigeenka jamhuuriyadda soomaaliland mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Seylici) iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta markii ugu horeysay  bo oqasho kuyimi xarunta Gobolka saaxil ee berbera. waftiga madaxweyne kuxigeenka oo ay kamid ahaayeen wasiirka wassaarada duulista hawda. wasiirka Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka  wasa arada warfaafinta C/laahi Jaamac (Geel jire) Marwada koowaad ee qaranka jamhuuriyada  soom aaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde(Aamina Waris) afhayeenka Madaxweynaha  sooma aliland C/laahi Cukuse Madax barta koolka Madaxweynaha Mudane Maxamed Cimi (Ilkacase)  Ag aasimaha Guud ee wasaarada kaluumeysiga iyo khayraadka bada C/raxmaan Cawil Xassan iyo mudanayaal katirsan Golaha wakiilada iyo masuuliyiin kale oo tiro badan oo katirsan xukumada soomaaliland,waxaana sidiiran ugu soo dhaweeyey deegaanka gobolka saaxil maamulada heer  gobol iyo mid degmo.

Dekeda iyo dadweyne rag iyo dumarba isu jiray oo reer saaxil ah. booqashada waftigan oo ah tii ugu balaadhneyd ee masuuliyinta ugu sareysa hogaanka dalka kuyimaadan G/saaxil ayaa u  muu qatay amaba la sheegay in ay ujeedadeedu tahay in xadhiga laga jaro wixii kafulay balanqaaya dii ay xukumada madaxweyne Siilanyo ku sheegtay in kumuujinayaan waxqabadka ugu horeeya 100ka maalmood. dhinaca kale ayaa waxa siweyn loogu soo ddaweeyey madaarka caalimiga ah ee berbera halkaas oo labadii bilood ee udanbeeyey uu kasocday dhisme dayactir. qalabeyn iyo dub u habeyn balaadhan oo laga waday oo laga waday qaybaha kala duwan ee madaarka sida Terminal cusub oo aad u weyn siwaanaagsana loo qalabeyey oo had iyo jeer dadka  dhoofayaas ha ahi ay kacaban jireen dhinaca adeega iyo terminalka oo cidhiidhi ahaan jiray waxa kale oo  da yactir lagu sameeyey Ran wayga ay diyaaraduhu ka haadan qaybo kamida oo daad  waxyeeley ey. waxaana saaka xadhiga kajaray madaxweyne kuxigeenka soomaalilan mudane C/raxmaan C/laahi ismaacil (Seylici) waxaana hadaladiisii kamid ahaa sidan"waxa farxad weyn ii ah in aan x adhiga ka jaro wax qabadkii ugu horeeyey ee xukumadayadu shicbiga muwaadiniinta ee fiican c odkoodna noosiiyey in aanu wax uqabano maanta tan aan xadhiga ka jarayaa tahay tii ugu  hor eysay waxaanan ku amaanayaa masuuliyiinta heer gobol,Degmo,Deked iyo waliba shirkadaha madaxa banaan ee gacanta kageystay dib u habeynta iyo shirkada gacanteeda ku dhistay  iyad oon faa'iido ka doonayn waanay ku mahad yihiin insha aalaahu anaguna xukumada ahaan wixii aanu idka balan qaadnay in aanu waxqabad iyo hurumar dhinac walba ah idiin fulin doono daacadnimona idiinku adeegi doono anagoo sida aanu intaba u fulinayno ku dhameystiri doono j/s/l dhamaantii waxaanu intaa kudaray in ay berberi waxqabadkii 100ka cisho ay iyadu ugu horeyso tahayna in lagaga daydo waxaanu raaciyey walaalahayaga mucaaradka ah waxaanu leenahay nataageera marka aanu wax wanaagsan qabano wixii talo ah ee aad nasiinaysana diyaar baanu unahay.

Waxa isna halkaa hadalkooban ka jeediyey wasiirka wasaarada duulista hawda Mudane  Maxamu ud Xaashi Cabdi waxaanu sheegay kharashka kubaxay dib uhabeynta iyo dhismayaashaba lacag dhan $110.000 , boqol iyo toban kun oo dollar, isla markaa $25000, shan iyo labaatan ka mida  la cag taa lagu dhisay madaarka ay bixiyeen shirkadaha diyaaradaha ee macaamilka laleh madaar ka oo kala ah shirkada African Airways.Juba Airways iyo shirkada Naasha ee maamusha  shaqala ha kahawl gala madaarada waxakale oo u amaanay Gudoomiyaha Golaha Degaanka ee berbera cabdale maxamed carab oo uu sheegay in uu waxbadan laqabtay imikana uu balanqadaay in uu dhameystiro wadada isku xidha ran wayga iyo Terminalkan cusub waxakale oo uu wasiirku  shee gay in mareeyaha dekeduna wax laqabtay dhismahana uu gacan ka geystay waxaanu yidhi  wax an maareyaha isagana ku amaanayaa in uu gacan ka geystay dhismahan waanu ku mahad san yahay waxa uu wasiirku shegay in ay sii wadidoonan waxqabadkooda oo aanay halkaa kujoojin doonin. kadibna madaxweyne kuxigeenka iyo waftigiisu waxay u soo kicitimeen dhinaca dekeda waxaana uu halkaa maareyaha cusubi ku soo bandhigay waxqabad uu sameeyey intii uu  maare ynta ka ahaa dekeda oo kakoobnaa shan meelood oo uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray  waxa anay kala ahaayeen dhismayaal cusub oo xafiisyo ah iyo xarumo biyo mareena oo ay maraakiibtu biyaha kaqaadan doonan oo la dhigay pep cusub shaqona ay ugu danbeysay wakhtiyadii  dawla dii maxamed siyaad bare iyo xarun caafimaad oo laqalabeeyey oo aan hore u jiri jirin iyo Xarun Raadal oo laga dheehan karo shay kasta oo kusoo xadguba biyaha bada ee jamhuuriyada  soom aaliland iyo xarun lagu kordhiyey dhismaha dekeda looguna talagalay in lagu keydiyo baabuurta soo degta mustaqbalkana laga dhigo xarun lagu rogo koonteenarada sida uu maareeyuhu  shee gay waxana xarumahaas oodhan madaxweynaha mid mid uga waramaayay mareeyaha dekeda Axmed Yuusuf Dirir waxaanu madaxwenuhu ku amaanay maareeyaha waxqabadka muuqda ee uu qabtay waxaanu yidhi waa wax lagaga daydo waxa uu qabtay maareyuhu waanan ku  amaan ayaa waxqabadka fiican ama muuqda ee uu qabtay isaga oo mudo yar oo kooban maamul ka ah aa dekeda.

Ugu dambeyntiina waxa hadal kooban saxaafada ku siisay xarunta madaxtooyada ee Berbera Marwada Koowaad ee Qaranka Soomaaliland,  Marwo Aamina Waris Xaaji Maxamed, waxaanay hadalkeeda ku bilawda sida" Waxaan aad ugu faraxsanahay aniga oo maanta imi Gobolkaygii aan u dhashay ,oo ay wax badani iska bedeleen isbedelkii loo bahnaana uu ka muuqdo oo aan la xaq iri karin ,waxanan u mahad celinayaa dhamaan maamulka Gobolka, Degmada, Maamulka Dekeda iyo waliba dadweynaha reer Berbera, waxanan leeyahay soo dhaweynta aad na soo  dhaweyse en iyo isbedelka aad muujiseenba ,waa ku mahad san tihin ,waxaana aan aamaan gaara u soo je edinayaa Wasiirka Wasaarada Duulista Hawda, oo qabtay wax aan aad ugu farxay waanu ku ma hadsanyahay iyo waliba Maareyaha Dekeda oo isna qabtay wax lagu diirsado iyo adeegyo aad loogu baahnaa ,oo Dekeda aan hore uga jiri jirin ,waxa kale oo aan u mahad celinayaa Bahda Sax aafadda  oo iyaga qudhoodu hawl mihiima u haya Bulshada.

Waxa maanta waftigan uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenku soo dhaweyntooda ka soo  qa yb galay wajiyo aan is arki kari jirin had iyo jeerna hadalo aan munaasib aheyn kaga dhawaaqi jiray fagaarayaasha ololaha ee wakhtiyadii ololihii doorashada madaxtooyada aan filayna in ay sidan wax u dhacayaan qaarkood kamidina ay ka diga rogteena xisbigan talada wadanka haya imika ee kulmiye waxkalena ay isu sawireen iyaga oo ku biiray xisbigii udub ee xiligaa talada  hay ay iskana dhigaayay qaar xogo badan haya oo waxyeelayn kara siyaasada xisbigaa wakhtigaa ahaa mucaaradka hadana ah xisbilk xaakimka wadanka soomaaliland ah waxaana maanta  xaflad ahan xadhiga lagaga jarayay waxqabadyada xukumada cusub ay kulmisay shaqsiyaad aad ugu kala fogaa siyaasada waxaana qaarkood wajiyadooda laga arkayay amaba aad ka dheehan  kara ysay jactad iyo firfircooni la.aan aan hore loogu aqoon. dhanka marwada ayaa waxa ay aad ula mubsuuday isbedelada siyaasadeed ee kadhacay gobolkan ay kasoo jeedo oo wakhtiyadii hore ay maamuladii joogeen aan laga axtiraami jirin oo aanay kala kulmi jirin wax ay ku faraxdo laakiin maanta ay ahayd mubsuud. waxaana maanta loo arkaayay marka laga yimaado marwada koowaad ee qaranka s/land in ay tahay inan timi gobolkeedii



Maxamed Ismaaciil Cumar (Maxamed Biid)
Timacade News Reporter
Berbera Somaliland
Timacadenews@hotmail.com