Waftigii ka socday Somaliland oo booqan doona Minneapolis & St Paul

 



 

Waxa dhammaan la ogeysiinayaa Jaaliyadda reer Somaliland ee deggan Labada magaalo ee Mataanaha ah ( Minneapolis & St Paul) iyo nawaaxigeeda in uu ku soo fool leeyahay wafdi  cu lus oo hadda ku sugan magaalada Washington, DC, kana kooban Xukuumadda iyo labada  Shir guddoon ee Somaliland.

Waxa ay jaaliyaddu nasiib u heshay inay la kulanto wafdigaas maalinta Axadda ee 28ka bishan March. Wafdigu wuxuu inooga xog-warramidoonaa wixii ay kala kulmeen socdaalkoodii  Washi ngton, DC, iyo guud ahaan xaaladdadalkii.


Waqtiga kulanka:

March 28, 2010 (2:00 PM).


Meesha:
Ramada Plaza (ex Sheraton hotel)
1330 Industrial Boulevard, Minnesota, MN 55413


Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh

Hassan Yonis, Martin Mohamed, Fuaad Abdalla, Mohamed Alabari, Idris Abdi biirsheh iyo
Abdihakim Haji Saeed
612-618 29 69 / 612-781-5108/ 612-4233246 / 507-3042313 /651- 528 4168
 

 


Fuaad Maxamud
fuaad81@hotmail.com