Waftigii iyo Oradyahanadii Kasocdey Somaliland Ee Ka Qayb Galley
tartankii Oradka 21km{Hafe Maratonka} Ee Dhawaanta lagu qabtey
Jabuuti oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtey Sibaaladhana Loosoo
Dhaweeyey.....
Hargeysa (TNN)-Waftigii isku jirey Oradyahanada iyo masuuliyiintii
kasocdey somaliland ee kaqayb galey tartankii oradka 21 km ee Lagu
Qabtey jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey .
Wafigan oo ay 07/03/2011 ka dhoofey Garoonka Caalamiga ah Ee Egal ee
magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay kalla ahaayeenAgaasimaha Guud Ee
Wasaarada Dhallinyarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland Md Mustafe
Maxamuud Qodax,.Gudoomiyaha Hayada Wadaniga Ee ODHA Faadumo Siciid
Ibraahim, Maareyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina
Maxamuud Diiriye,Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Xidhiidhka Ciyaaraha
Fudud Ee Somaliland Cumar ,Siciid Mire Iyo Xoghayana Xidhiidhka
Ciyaaraha Fudud iyo waliba Seddexda ciyaartoy ee somaliland uga qayb
gellay tartankii oradka 21km[Hafe Maratonka}ee dhawaanka kaqabsoomey
Dalka Jabuuti oo kalla ah Maxamed Maxamuud Maxamed ,Jimcaale Axmed,
C/laahi Muuse Shaqalle ayaa Maanta kasoo dagey Garoonka Diyaaradaha
Ee Egal.
Waftigan waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey oo kaga hortagey Garoonka
diyaaradaha ee Hargeysa Dadweyne farabadan oo ay horkacayeenWasiirka
Wasaarada Dhallinyarada ,Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland ,Dallada
Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO iyo Kooxda Dhaqanka Ee Ururka
SOCSA .
Wafigan oo Abaaro 9 Subaxnimo Ee Saaka Kasoo dagey Garoonka
Diyaaradaha Ee Egal ayaa waxaa ay qolka nasashada ee garoonka kula
hadleen Warbaahinta iyagoo kaxogwaramey Tartankii Oradka 11/03/2011
Ay kaga qayb galeen dalka jabuuti kaasi oo ay Somaliland kaalin
fiican ka gashey.
Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada .dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland
Md Maxamed Ibraahim Madar Ayaa ugu horeyn waftiga uga mahad celiyey
tartanka fiican ee ay kaqayb galeen Somaliland magaceedii sare ugu
qaadeen waxaa wasiirku sheegey in wasaarad ahaa ay xooga sarayaan in
laga qayb gallo dhamaan tartankasta oo kadhaca wadamada aynu
xidhiidhka fican leenahey laynugu soo martqado.waxaa sawiirku ugu
dambeyntii u maha dnaqey dhamaan dadkiiqaybqaatey Hirgellinta in
tartankan laga qayb agllo oo ay ugu horeyso Marwo Faadumo Siciid
Ibrahim..
Agaasimaha Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee Sonyo Md Siciid
Maxamed Axmed oo isna kahadley soo dhaweyntaasi ciyaartoyga ayaa
sheegey iney aad ugu faraxsan yhiin kaqayb galka ay dhallinyaradaa
ciyaartoyga ahi ay kaqayb galeen tartankaasi,ayna umahad naqayaan
dhamaan dadkii gacanta kagaystey kaqyab galka tartankaasi waxaa
siciid dhallinyarada kula dardaarmey iney xoojiyaan horumarin
ciyaaraha kalla duwan.
Agaasimaha Wasaarada Dhallinyarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland
Md Musafe Qodax oo isagu ugu horey kahadley Waftigii uu
hogaaminaayey iyo socdaalkoodii jabuuti iyo waxay kalla soo kulmeen
ayaa ugu horeyn waxaa uu mahad naq balaadhan u direy dadweynaha reer
jabuuti iyo dawlada jabuuti oo sidiiran noogu soo dhaweeyey jabuuti
.Md Qodax waa uu sheegey in aheyd markii ugu horeysey ee ay
somaliland ka qayb gasho tartan oradka ah oo heer caalami ah
Inamadii Somaliland U Ordaayeyna Ay Galeen Kaalmaha 13aad ,15aad .Agaasimaha
W/dhallinyarada dhaqanka iyo ciyaaraha Md Mustafe ayaa sheegey in
tartankan oo ay ka qayb galeen 72 ciyaaryahan ay somaliland kaalmo
fiican kagashey.waxaanu agaasimuhu ugu dambeyntii u mahad naqey
Jaaliyada Somaliland Ee Jabuuti iyo shacabka iyo dawlada jabuuti..
Mareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud
Diiriye oo sidoo kale kahadashey safarkodii jabuuti ayaa umahad
anqdey Madaxweynaha Jabuuti iyo dhamaan shacabka reer jabuuti sida
fiican ee ay usoo dhaweeyeen .waxaaney Marwo Aamina sheegtey iney
maanta sumcad balaadhan u tahey Somaliland iney kaqay galaan
tartankaasi waxayna ugu dambeyntii umahad naqdey dhamaan
ciyaartoygii kaqayb galey tartanka iyo dadkii kale ee gacanta ka
gaystey ka qayb galid tartankaasi .
Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim
oo laheyd fikirka ka qayb gellida tartankani ayaa waxay kawarbixisey
safarkoogii jabuuti iyo tartankii balaadhnaa ee ay ciyaartoyga
matalaayey Somaliland ay kaqayb galeen.
Waxay Marwo Faadumo Siciid sheegtey in ay aheyd tartan aad uqiimo
leh o Somaliland u ahaa fursad aad ubalaadhan oo ay markii ugu
horeysey kaga qayb gashey tartan caalami,
Marwo Faadumo Siciid waxay Umahad Naqdey dhamaan Dadkii ka qayb
qaatey soo dahweyntood aiyo kaqayb galida tartankaasiba iyadoo
sigaara ugu mahadnaqdey dadweynaha iyo dawlada reer jabuuti.iyo
jaaliyada reer Somaliland ee jabuuti.
Gudoomiyaha Hayada ODHA Marwo Faadumo Waxay ugu baaqdey xukuumada
iyo dadweynaha Somaliland in dhallinyarada kaalinta fiican ka aglley
tartankaasi ee Somaliland magaceedii sare uqaadey iiney hiil iyo
hooba agarab galaan oo ay taageeraan.
C/laahi Muuse oo kamid ahaa oradyahandii reer Somaliland ee kaqayb
galley tartankaasi ayaa isaguna sheegey iney uaheyd fursad dahabiya
oo ay Somaliland kaqayb agshey tartankaasi ,ayna rajeynayaa iney
halkan iyo meel ksareysaba ay ciyaartoyga Somaliland agadhi doonaan.
Waxaanu C/laahi umahad naqey dhamaan dadkii kalla duwanaa ee
kasooqaybqaatey sood ka qayb galida tartankaasi waxanu sigaara ugu
mahad naqey Marwo Faadumo Siciid oo laheyd fikirka tartankaasi ay
Somaliland ka gashey.
Soodhawynta baladhan ee loosameeyey saaka waftigan Ciyaartoyga iyo
masuuliyiintaba isku jirey ayaa aheyd mid aad u balaadhneyd waxay
tani kadambeysey kadib markii waftigani ay ciyaartoyga mataalaayey
Somaliland ay kaga qayb galeen dalka jabuuti tartanka 21km ee oradka
oo ay kasoo qayb galeen wadamao badan oo Afrika ahi..
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland
|