Waftigii Dawladda Somaliland Oo Cusbitaalka Jabuuti Ku Booqday
Dhaawacyadii Rabshadihii Saylac

Wasiirku waxa uu sheegay inay maanta weftigii ka socday xukuumadda
Somaliland ay booqdeen madal balaadhan oo loogu.........
Jabuuti (TNN) - Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed
Cabdilaahi Cumar oo hogg aaminayay Weftigii Xukuumadda Somaliland u
dirtay Aaskii qaran ee ALLE ha u naxariistee Gu ddoomiyihii Hore ee
Baanka Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud Xayd ayaa galabta Booqday
Cisbitaalka weyn ee Jabuuti oo lagu dawaynayo 8 qof oo ka mid ahaa
dadkii ku dhaawacmay rabashadihii Arbacadii hore ka dhacay degmadda
Saylac.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar oo
galabta u waramayay Wariye Cumar Maxamed Faarax oo ah Tifaftiraha
Wargeyska Dawan iyo shabakada wararka ee Somaliland.Org, ayaa
sheegay ka waramay dhaawacyada ay qabaan sideeda qof ee lagu
dawaynayo cisbitaalka Jabuuti, waxaanu yidhi “Waxaan galabta Aniga
iyo Wasiirka Madaxtoo yadda oo ka mid ahayn weftigii Madaxweynaha ka
wakiilka ahaa ee ka qeyb galay aaskii Gud doomiyihii hore ee Baanka
dhexe ee Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud (Xayd), aanu cisbit aalka
Jabuuti ku booqanay sideed qof oo ku dhaawacmay rabashadihii ka
dhacay Saylac kuwa as i oo lagu dabiibayo cisbitaalkaas.waxaanu ka
xog-waraysanay dhakhaatiirta dawaynaysa. Waxaana na loo sheegay inay
dhammaantood xaaladoodu ka soo raynayso oo dhaawaca ay qabaan ay ka
bogsan karaan.”
“Sidoo kale, waxaanu waraysanay dadkan dhaawacmay laftooda oo aanu
ILAAHAY uga barin ay inuu shaafiyo isla markaana u sheegnay in
xukuumadda Somaliland ay taakulo iyo gacan ka geysanayso
caafimaadkooda,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay inay maanta weftigii ka socday xukuumadda
Somaliland ay booqde en madal balaadhan oo loogu tacsiyadeynayay
qosykii uu ka baxay marxuum- jaamac Maxam uud Xayd oo shalay galab
lagu aasay magaaladda Jabuuti.
“Waxaanu u tacsiyadeynay Madaxweynaha, Raysal wasaaraha Jabuuti,
Marwo Khadra Maxa muud Xayd iyo xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay
marxuumku. Waxaanan ILAAHAY uga barinay inuu naxariistii jano ka
waraabiyo Marxuumka, qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Jabuutina
samir iyo iimaan ka siiyo,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.
Weftigan oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadd, waxa xubno ka
ah Wasiirrada Mada xtooyadda, Maaliyadda,Warfaafinta, Waxbarashadda
iyo Marwadda Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.
Timacade News Desk
Jabuuti , Jamhuuriyada Jabuuti
|