WAR-SAXAAFADEED
Waftiga Jamhuuriyada Somaliland uga qayb-galayey wada hadalada dalka
Somaliya oo ku sugan ma gaalada Addis-ababa xarunta dalka Ethiopia,
oo maal-maha inagu soo aadan u amba bixi-doona dal ka Turkiga, ayaa
maanta magaalada Adis- ababa kulan, kula yeeshay madaxwaynihii hore
ee dalka Nigeria Obasango.
Waftigan oo uu hogaaminayay wasiirka Arrimaha debadda Somaliland,
Mudane, Maxamed Biixi Yoo nis, waxa kulankaasi ku wehelinayay
wasiirka madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaa na
madaxweynihii hore ee dalka Nigeria uga xog warameen marxaladihii
kala duwanaa ay Somaliland soo martay nabadaytii beelaha, dhismaha
dowladnim iyo sababihii keenay in qarinameeda dib-u-la soo noqoto
Jamhuuriyada Somailand.
Waftiga waxay sharaxaad mug leh ay ka siiyeen madaxwaynihii hore ee
dalka Nigeria Obasango, gu ud bahaanba xaalada jamhuuriyada Somailand.
Heerarkii nabadgalyo, dhismaha dowladnimo iyo dimo qraadi yada
Somaliland ay ku talaabsatay oo ku dhisan dhidibo adag oo qawaaniin
iyo sharci distoori ah ku qotanta.
Waxa kaloo intaas ay ugu dareen xog waranka ay siiyeen madaxwaynihii
hore ee dalka Nigeria Obas ango. In Somaliland kaalin nabad-galyo oo
muhiin ah kaga jirto gobolka geeska Afrika, oo dhibatooy in badan oo
soo jiitamay oo mahadhi waaya ka jireen mudo dheer.
Madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Mr. Obasango. oo horeba xog
buuxda uga haystay xaalada Som aliland, waxa uu ku amaanay dowlada
iyo shacabka Somaliland horumarka ay gaadhay iyo talaaboo yinka ay
qaaday oo mudan iyo kuwo u noqonkara tusaale wanaagsan oo inay ku
daydaan ay tahay wadamo badan oo ictiraaf haysta, waxaanu xusay Mr.
Obasango. Muhiiimada iyo sida loogu baahan yahay in beesha caalamku
barbar istaagto dadaalka ay wado dowlada Somaliland ee uu
hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Kulankan oo ahaa mid qiimo gaara u leh labada dhinacba ayaa ku soo
gabagaboobay jawi wanaagsan
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|