Wafti Wasiirro ah oo Maanta Dhagax Dhigay Dhismaha Bi riijka iyo
Dooxa Wayn ee Dumiyay Xabaalaha Maga alada Arabsiyo oo Madaxwaynuhu
Damaanad Qaaday Fulintiisa.

Wasiiradda Madaxtooyada, Maaliyada iyo Waxbarashada ayaa si wada jir
ah uga Qayb qa atay..... Daawo Sawiradda
Arabsiyo (TNN)- Wafti Balaadhn oo uu Hogaaminayo wasiirka wasaarada
Maaliyada somalil and C/casiis Maxamed Samaale oo ay wehelinayaan
Wasiirka wasaarada waxbarashada So maliland Marwo Samsam Cabdi Aadan
iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi X.Cali Xasan
ayaa Maanta Dhagax dhigay Dayr Biyo Xidheen ah oo Biyaha lagaga hor
joogsanayo Xabaalaha Magaalada Arabsiyo ee Dooxu Baabiiyay.
waftigani ayaa Saaka soo gaadhay magaalada arabsiyo si ay uga qayb
galaan xaflada lagu dhagax dhigayey dayr balaadhan oo lagu sameynayo
xabaalaha doox magaalada Arabsiyo oo mudooyinkii ugu danbeeyayba
Qayladhaantiisu socotay, horena madaxwayne Siilaanyo iyo Waftiyo ka
Socda xukuumadiisu kormeero ugu soo mareen.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadley Badhasaabka gobolka gabiley
Axmed cali nuur sh.maxamed,waxaanu waftiga si diiran ugu soo
Dhaweeyey gobolka gabiley isaga oo ka warbixiyey xaalada guud ee uu
Ku sugan yahay gobolku mahadnaqna ujeediyey Madaxweyne Siilaanyo.
waxaana hadaladiisii ka mid ahaa‘’ mashruucan maanta ay bilaabayno
wuxuu noqdoonaa Mid qiime weyn yeesha,dadweynaha gobolka gabileyna
aad bay usoo Dhaweynayaa waayo mudo badan loogu soo hawlanaa oo aanu
Sugayney. dayrkani waxa uu daryeelayaa xabaalihii hore oo maydadkii
Uu daadku banaanka keeney, oo iilalkiiiyo lafihii dadku wada
Muuqdaan,marlabaadna inuu daryeelo iskuulka hoose dhexe ee Arabsiyo
‘’
Waxa kale oo halkaasi ka hadley maayarka magaalada gabiley shucayb
Maxamed muuse oo aad ugu mahad naqay madaxweynaha somaliland Axmed
maxamed maxamuud (Siilaanyo) sida uu marwalaba iskaga xilsaaro
Baahiya muuqda ee ka jira Gobolka Gabiley oo ah Gobolkii uu Codadka
badan ka helay wakhtigii Doorashada madaxtooyada iyo
Deegaankaba,Maayar Shucabay waxa kale oo uu umahad celiyey waftiga
wasiirada ah ee Booqashada ku yimid gobolka gabiley,waxaanu maayerku
ku dheeraadey sida ay ugu baahnaayeen sidii waxa looga qaban lahaa
dooxan oo dhibaato laxaad leh ugaystay Xabaabaha iyo dugsiga la
jaarka ahba.
wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland marwo samsam cabdi aadan
oo iyaduna halkaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa ku dheeraatey inay
Aad ugu dadaalayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen xabaalaha
Daadku qaado oo ay aad uga damqadeen iyada iyo marwada Madaxweyanaha
Aamina Waris. waxaan hadaladeedii ka mid ahaa ‘’runtii hawshani waa
hawl cusub oo u baahan in gacamaha la is Qabasado oo wada jir lagu
dhameeyo hadii illaahay yidhaahdo aan guul Ku dhameyno,oo aynu waxa
ka qabano beeraha,wadada iyo Xabaalahaasi si daadka soo socda looga
qabto,waxaan rajaynayaa in Hawshaasi bilaabantey reer arabsiyo iyo
reer gabileyba ay ka qayba Qataan dhismahaasi’’
wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji
xasan ayaa isaguna maamulka gobolka gabiley uga mahad celiyey soo
Dhaweynta diiran ee loo sameeyey watiga waxaana hadaladiisii ka mid
ahaa ‘’aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inay maanta inoo dhabowdey
Mashruucii uu madaxweynuhu balanqaadey ee uu nagu Amrey inaanuu
Halkan ka fulino,oo aan ka qayb qadano sidii loo joojin lahaa
Xabaalahaasi dumaya. runtii haddii ay sidaa ku sii socotana
ciqaabteeda leh, oo uu baabuurtii xayiro, inlooga sameeyon qorshihii
biyahaasi lagu Jooojin lahaa,runtiina waa mashruuc adag hadda
madaxweynuhu uu ka Dabaashay sidii u daboolo baahida halkaas
taala,dadweynaha reer Gabileyna haka qayb qaataan ‘’
Gabogabdii waxaa xafladaasi dhagax dhig ah soo afmeerey wasiirka
Wasaarada maaliyada somaliland c/casiis maxamed samaale,waxaanu
Sheegay inuu u mahadcelinayo madaxweynaha somalilnd oo amarkiisi
bixiyey waxaanu yidhi’’ inbadan ayey dadweynaha reer arabsiyo
tabayeen ina xabalahaas wax laga qabto,waxaan umahad naqayaa
madaxweynaha somaliland oo lacagta ku baxaysa bixinaya, anaga noo
xilsaarey hawshaasi dhaqaajinteenda iyo dabo galkeeda,wasiirka
waxbarashada iyo wasiirka madaxtooyada oo qayb libaaxleh ka qaatey
hawshaasina way mahadasan yihiin, waxaan rajaynayaa mashruucaasi
inuu noqdo mashruuc gobolka iyo degmadaba wax uqabta,dadweynaha
gobolka daganna waxaan leeyahay gacmaha isqabsada oo ka shaqeeya
horumarka gobolka ’’ ayuu yidhi Wasiir Samaale
Mashruucan ayaa haddii uu Guul ku dhamaado noqon doono kii ugu
horeeyay ee ay si Rasmi ah Xukuumadda Dhexe uga Fuliso Gobolka
Gabiley iyada oo Dhibaato ba'ani ka haystay Baabuurta iyo Dadwaynaha
kale ee magaalada Arabsiyo.
Cabdiraxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Arabsiyo,Somaliland
|