Wafti Uu Hugaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Manta U
Ambabaxaya Dalka Shiinaha

Mujaahid,Mudane Muse Biixi Cabdi
Socdaalka weftiga KULMIYE ku tegayo dalka Shiinaha , waxa uu ku
saabsanyahay.......
Hargeysa (TNN) Wafti uu hugaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Muuse Biixi Cabdi ayaa la fil ayaa in ay manta Socdaal ugu kicitimi
doonaan Dalka Shiinaha
Guddoomiyaha xisbiga, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa
socdaalkiisa ku weheliya Masuulliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha
Fulinta ee xisbiga KULMIYE, oo ay ka mid yihiin; Mujaahid Maxamed Ka
ahin Axmed oo ah Afhayeenka xisbiga iyo Axmed Cabdi Xuseen oo ah
xidhiidhiyaha hawlaha xisbi ga.
Socdaalka weftiga Kulmiye ku tegayo dalka Shiinaha waxa uu ku
saabsanyahay martiqaad rasmiya oo hoggaanka sare ee xisbiga talada
haya Dawladda Jamhuuriyadda Shiinaha uu ku casuumay hog gaanka
xisbiga Kulmiye.
Waftigan ayaa la filayaa in ay dalka Shiinaha ku maqnaan doonaan
muddo kal todobaad ah.Masuu lliyiinta Xisbiga KULMIYE mudada ay
booqashada ku joogaan Dalka Shiinaha, waxay la kulmi doona an madax
sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriyadda Shiinaha.
Labada dhinac waxay yeelan doonaan wadahadalo ku saabsan xidhiidhka
iskaashi iyo wax wada q absi oo dhexmari doona labada xisbi xaakim
ee labada Jamhuuriyadood, Shiinaha iyo Somaliland.
Waxa kale, oo weftiga Xisbiga Kulmiye la kulmi doonaan masuulliyiin
ka tirsan Xukuumadda Shiinaha iyo madaxda qaar ka mid ah Shirkadaha
ganacsi ee Shiinaha iyo kambaniyada caanka ku ah maalga shiga
debedda.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|