Wafti Ka Socda Xukuumada Somaliland Oo Maanta Gaaray Maga alada
Muqdisho Si heer sare ahna Loogu soo Dhaweeyey.
Muqdisho,24 September 2011 (TNN)-Wafti Heer Qaran ah oo Ka Socda
Xukuumada Somaliland ayaan Maanta Soo gaa ray Magaalada Muqdisho.
Kadib Markii Ay ka so o degeen garoonka wayn ee Aadan Cade Intenat
ionl airport ayaa waxaan ku soo dhaweeyey ayaa waxaa garoonka ku soo
dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo uu
hogaaminayay guddoo miyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada
Muqdisho, Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. odayaal
dhaqameeydyo haween, barbaarta gaashaaman, fannaaniinta qaranka iyo
ururada bulshada rayid ka ah.
Xubnahan ka socday Xukuumada Soomaliland ee deeqda u wada
walaalahooda Soomaaliyeed ay aa markii ay ka soo dageen garoonka
diyaaradaha waxay mid mid u gacan qaadeen dhamaan da dweynihi ku soo
dhaweeyay garoonka, iyadoo fannaaniinta hobolada Waabarina ay
halkaasi ku soo bandhigeen heeso ay ku soo dhaweeynayaan wafdiga ka
socda maamulka Somaliland.
Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland ahna hoggaamiyaha wafdigan
Xasan Axmed Cawad oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa ka
warbixiyay socdaalkan ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho waxa uuna
sheegay in ay ka damqanayaan abaarta heyso walaalaha Soomaaliyeed ee
ku sugan koofurta Soomaliya.
Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobalka banaadir ahna duqa
magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ku soo
dhaweeyay garoonka wafdiga ka socda Somaliland ayaa sheegay in uu
aad ugu faraxsanyahay gargaarkan ay keeneen walaalaha reer
Somaliland Sidoo kale Waxay Wafti kale oo ay hogaaminayaan Xubno
Wasiiro ah ayaa ku ticitimaday Xeryaha qoxoontiga ee Somalidu u
qaxday ee ku yaala Dalka Ethiopia iyo Kenya
SMC
|