Wafti balaadhan oo ka Socda Midawga Yurub oo Booqasho ku Tagay Sayladaha Xoolaha ee Magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale

 



Waftigan oo ahaa mid aad u balaadhan oo ka socday Midawga yurub ayaa kormeer..............


Gabiley (TNN)-Wafti balaadhan oo ka socday Midawga Yurub ayaa Maanta Booqasho ku tagay Goobo ka mid ah Gobolka gabiley halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali-Nuur Sh.Maxamed.
.
Waftigan oo ahaa mid aad u balaadhan oo ka socday Midawga yurub ayaa kormeer ku soo maray Goobaha lagu Xanaaneeyo Xoolaha, Saylada Xoolaha ee Wajaale iyo goobaha laga raro xoolaha ee Gabiley. Halkaasi oo qaarkood ay hore midawga yurub uga dhiseen Meelo si dhibyar looga rari karo xoolaha laguna baadhi karo caafimaadkooda inta aan la dhoofin.
.
Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali-Nuur Sh.Maxamed ayaa waftiga Warbixin kooban ka siiyay Goob lagu baadho caafimaadka Xoolaha oo ku taala Deegaanka Jameecada ee Duleedka magaalada Gabiley halkaasi oo uu sheegay in ay tahay goob laga raro xoolaha laga keeno deegaanadda ku dhaw laguna baadho caafimaadkooda.
.
Badhasaabku waxa uu midawga yurub uga mahad celiyay Caawimada iyo taageerada ay siiyaan Bulshada Reer Somaliland isaga oo xusay in loo baahanyahay goobo kale oo noocan oo kale ah oo laga raro xoolaha.
.
Waftiga ayaa kormeerkooda ku soo maray Halka uu kusoo xidhmayo Jidka wayn ee ay dhisayaan Midawga yurub ee isku xidhi doona magaalada Berbera iyo Degmada Wajaale sidoo kale waxay socdaalkooda ku soo mareen Saylada wayn ee Magaalada Wajaale iyo Mashruuca Banka Wajaale oo ay Xoolo badani ku sugnaayeen.


c/raxmaan Xaaji
Timacade News desk
Gabiley,Somaliland