Waddanku Wuxu u Baahan Yahay Isbedel

 

Qurba-Jooga Somaliland Ha Taageero Xisbiga KULMIYE
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaran ayaa caawa la shiray shicibka Somaliland ee ku dhaqan gobolka Virginia ee waddanka Maraykanka. Waxa halkaa isugu yimi dad aad u tiro badan oo isugu jira rag iyo dumar. Jaaliyada Virginia waxay uga soo qayb gashay kulankan si xoog leh. Munaasibadan oo loogu talo galay in lagu soo dhoweeyo Dr. Gabose, gudoomiyaha ururka Qaran, iyo in dhaqaale loogu ururiyo xisbiga mucaaridka ee KULMIYE
Dr. Gabose wuxu aad ugu celcilayay in dalku u baahan yahay isbedel siyaasadeed, sida keliya ee lagu gaadhayaana ay tahay in la taageero KULMIYE. Wuxuu yidhi jeebka gacanta geliya, dumarku dahabka ha dhigeen, waxba yaan lala hadhin hadii aad doonaysaan in waddanka isbedel siyaasadeed ka dhaco.

Dr. Gabose wuxuu ka soo sheekayay taariikhdii halgankii SNM iyo sidii waddanka loogu soo maray halgan aad u kulul, oo dhamaan shicibka Somaliland ka qayb qaateen, gaar ahaana ciidamadii iyo hogaankii SNM iyo qaybtii libaax ee Axmed Silanyo iyo rag kaloo badani ka soo qaateen. Wuxu xusay in shicibka Somaliland aad u muujiyaan dulqaad iyo adkeysi dheeraad ah iyagoo ka duulaya halgankii loo soo maray xoriyada maanta la haysto iyo iyagoo wali sugaya himiladoodii.

Waxa kale oo Dr. Gabose ka hadlay markay arkeen dhibaatada maanta waddanka ka taagan inay ku tashadeen inay sameeyaan ururka Qaran. “Waxaanu la tashanay garyaqaano oo nagu yidhi sharcigu wuu idiin ogal yahay, waxaanu tagnay Maxkamada Dastuuriga oo nagu tidhi anagu waxaanu kala saaraa marka hayadaha dawlada muran soo kala dhex galo, waxaanu u tagnay Golaha Wakiilada oo nagu yadhi wax sharci ah oo idiin diidi kara ma jiro, waxaanu u tagnay Xeer Ilaaliyaha Guud oo nagu yidhi anigu waxa aan soo dhex galaa uun dambiyada ay muwaadiniintu sameeyaan – aakhirkii waxay isugu soo wada biyo shubatay; hadii aan Daahir Riyaale ogalaan cidina wax idin siin mayso. Nasiib darro wixii Dastuurku siiyay muwaadinka “oo aad idinku dhamaantiin ka mid tihiin” waxa ka wayn oo maanta laga horaysiinayaa waxa Hogaanku rabo.

Dr. Gabose wuxu aad uga waramay dhibaatooyinka waddanka ka jira: Xoolihii oo u xidhan nin Sucuudi ah, batroolkii oo u xidhan Total, Warshadii Sibidhka ee Berbera oo u xidhan shirkad Jarmal ah, siyaasadii oo ayana Monopoli ah, musuqmaasuqii oo faraha ka baxay, dayaca ka muuqda waddanka, goboladii oo dhamaan laga soo wada guuray oo la soo degay magaalada Hargeysa. Isku soo wada duuboo, maanta dhamaan dhibaatada waddanka haysata, waxa sababay maamul xumo, waxa keliya ee lagaga bixi karaana waa iyada oo uu yimaado isbedel siyaasadeed oo lagu bedelo xisbiga talada haya.

Anagu Qaran ahaan waanu tashanay, markii aanu wada hadalnay xisbiga KULMIYE, ee ay noo sheegeen, inuu ganacsigunoqonayo suuqa xorta ah, siyaasada muwaadiinta u furayaan oo ogolaanayaan in xisbiyada la furo oo ku balanqaadeen inay xoriyada muwaadinka ilaalinayaan; waxaanu ku tashanay mar hadaanu waynay tii aanu doonaynay inaanu hiil iyo hooba isla garab taagno KULMIYE sidii uu guu guulaysan lahaayeen doorashada soo fool leh. Maanta hadaad runta doonaysaan badbaadada waddanka, danta waddanka iyo dadka, iyo rajaduba waxay ku jirtaa in mujaahid Axmed Silanyo ku guulayso doorashada, taas baana ah taladayada.

Hadaad tihiin reer Virginia, shaki idin kagama jiro in loo baahan yahay isbedel, sida keliya ee maanta wadankii lagu badbaadin karaa waa idinka oo taageera xisbiga KULMIYE iyo mujaahid Axmed Silanyo. Waxaad ku taageeraysaan saddex siyaabood: jeebka gacanta geliya oo siiya dhaqaale. Maanta vote-ka ayaa lagu dagaalamayaaye, xiligii halganka dumarku dahabka ayay dhigi jireen, ee dahabka dhiga oo KULMIYE dhaqaale ugu deega. Sida labaad ee aad KULMIYE ku caawin kartaan waa idinka oo saameyn toos ah ku yeesha xubnaha qoyssaskiina gudaha ee aad gacan-saarka leedihiin oo ku yidhaahda waddanku wuxu u baahan yahay is bedel, isbedelkaasna waxa keenaya oo keliya xisbiga KULMIYE ee taageera oo siiya codkiina. Aad iyo aad ayaa loo dhagaystaa dadka qurbo-jooga ah. Arrinka saddexaad ee aad ku caawin kartaan KULMIYE waa idinka oo waddanka yimaada oo intiina awoodi kara oo KULMIYE ololaha kala hawl gala iyo ugu dambeyn inaad dhiirigelisaan in goob-joogayaal caalamla ka socda la xoojiyo, kuwaasoo xaqiijinayaa inay doorashadu ku dhamaatay six or ah oo xalaal ah.

Dr. Gabose wuxu ku soo gebogabeeyay, dalku wax badan ayuu u baahan yahay, wax badana way ka khaldan yihiin, laakiin waxa ugu horeeya ee loo baahan yahan in la saxo waa in isbedel siyaasadeed waddanka ka dhaco. Taasna sidaan idiin sheegay, anagu waanu tashanay oo inaanu KULMIYE taageerno ayaanu ku tashanay, waa in qurba-jooga Somaliland u guntadaa oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulaa sidii KULMIYE dhaqaale loogu caawin lahaa, si uu ugu guulaysto doorashada.: Waar jeebka gacanta geliya si aydan u qoomamay berito. Waxaanu ku kalsoonahay in mujaahid Axmed Silanyo leeyahay dareenkii, khibradii aqooneed iyo waayo aragnimo sidiiloo daba qabateyn lahaa dalka iyo dadka.
Marxaladan taariikhiga ah, ha isweydiinina waxa ay Somaliland idiin qaban karto ee isweydiiya waxa aad u qaban kartaan Soamaliland.
 

 

 

 


Qore: Rashid Garuf

Virginia, USA