WADDANI TORONTO :CANBAARAYN,TAAGEERO,
WAANO& HANBALYO

 


Waxa Kulan balaadhan iisugu yimmid xubno ka mid ah haldoorka Somaliland ee degan magaala da Toronto iyo taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Waxay ka falanqoodeen Marxalada adag ee Somaliland ku jirto iyo jaahwareerka siyaasadeed. Dood dheer ka dib waxaa laysla gartay qodobada hoos ku xardhan :

1. Canbaarayn: Waxaanu si adag u canbaraynaynaa fargelinta qaawan ee Xukuumadu ku hay so hawl maalmeedka shaqo ee Golaha Wakiilada, Waxaanaanu ugu baaqaynaa inay si degdeg ah faraha ugala baxdo..


2.Taageero : Waxaanu taageero buuxda la garab taaganahay Gudiga dhexdhexaadinta ee Gola ha Guurtidda, Gudiga aqoonyahnadda, iyo Gudiga Abwaanadda . Go’oan kasta oo ay dantu ugu jirto Somaliland oo ay gudoomiyaana waxaanu ku talinaynaa in sideeda loogu dhaqmo.


3.Waano; Waxaanu ku waaninaynaa Madax-dhaqameedka iyo bahda saxaafada inaanay shaad h qabiil iyo shaadh xisbi midna u gelin khaliaaf ku kooban xeer- hoosaadka iyo habsami u suco dka hawlaha Golaha wakiiladda. Waa in laga fogaado wax kasta oo ku salaysan caadifad qabiil iyo caadifad xisbi.

4.Hanbalyo : Waxaanu hanbalyo iyo bogaadin u diraynaa xildhibaanada sida geesinimda leh uga soo horjeestay qorshaha xukuumadu ku curyaaminayso Golaha sharcidejinta ee ku fadhiya codka iyo kalsoonida shacabka soo doortay. Waxaanu ugu baaqayna bulshadda Somaliland inay ilaashaaan nabadgelyadooda kana digtoonaadan xaalad abuurka ay wado Xukuumado si ay waqtiga ugu korodhsato.

 

 


Wa bilaahi towfeeq
XISBIGGA WADDANI, Toronto.