WADDANI TORONTO : SHIR-QOOLKA CUSUB EE MUDDO KORDHINTA

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye soo abaabulay
muddo kord hin cusub oo ka baxsan muddadi ay cayimeen G.D.Q , kuna
raaceen beesha caalamku, shacbiguna aqbalay..Hadaba, Hogaanka iyo
taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee To ronto iyo nawaaxigeedu, waxay
isla garteen qoddobada hoos ku qoran:
1.Waxaanu si buuxda uga soo horjeedna muddo kordhinta cusub ee laga
soo macmal a y Madaxtooyada, kana baxsan shuruucda dalka iyo waqtagii
ay qabteen Guddiga D oorashooyinka Qaranka oo ah 1st Jun,2016.
2. Waxaanu si buuxda u taageersanahay mowqifka geesinimida leh ee
Guddoomiye C iro iyo hogaanka Xisbigga WADDANI iska taageen
shirqoolka Madaxtooyada , ayagoo tixgelinaya raabitaanka Bulshada
iyo habsami u socdka hanaanka dimuqraadiyada.
3. Waxaanu uga digaynaa Guddoomiye Sulaiman iyo Golaha Guurtida inay
ku dhaqaqa an muddo kordhin aan waafaqsanayn sharciga &distoorka ,dalkana
u horseedi kara khalkhal siyaasadeed, xasilooni darro iyo burbur
dhaqaale.
WA BILAAHI TOWFIIQ.
PROF. ALI SUGAAL, AFHAYEENKA WADDANI ,TORONTO
|