Waddani Oo Dhafoor Taabasho Ku Tilmaamay Qaadacadda Ay Xukuumadu
Kala Hortimi Shirka Doodda Qaran
Xaalada dalku maanta waa mid aad iyo aad u wanaagsan laakiin
xukuumaddu waxay abuuray sa a.............
Hargaysa(TNN):-Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi
Uurcade, ayaa xukuu madda madaaxweyne Axmed Siilaanyo ku eedeeyay
inay been abuur ka baahinayso dooda qaran ee xisbiyada mucaaradka
ahi ay ku hawlan yahiin, waxaanu meesha ka saaray inay qabanayaan
shir beeleed, xoghaye Uurcade waxa uu dhafoor taabad ku tilmaamay in
xukuumaddu ay damacs an tahay inay doodaas qaran hor istaagto iyada
oo hore u qabatay wakhtigii ay mucaaradka ay ahayd, sharciyada
dalkuna ay ogashahay.
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, waxa
kale oo uu xukuumadda ku dhaliilay falalka isku dayada dilalka ah ee
dalka ku soo badanaaya, waxaanu ugu baaqay xuku umadda dadkii
falalkaas gaystay in la hor keeno sharciga, ayna ka waantowdo
cabudhinta ka dh anka ah warbaahinta madax banaan.
Waxa uu arimahan kaga hadlay xoghayaha guud ee xisbiga Waddani
waraysi gaar ah oo uu siiy ay Wargeyska Geeska Afrika,waxaanu
hadalkiisa ku bilaabay“Xaalada dalku maanta waa mid aad iyo aad u
wanaagsan laakiin xukuumaddu waxay abuuraysaa xaalad fawdo ah.dooda
qaran ee xsibiyada mucaaradka ah hadaanu nahay aanu ku baaqnay maaha
mid cusub ee waa mid hore loo qabtay,mid ay KULMIYE iyo UCID ay hore
u soo qabteen, waa wax qarankan iyo dalkan u faa’ido ah cid gaar
ahna ma wadato ee cid kasta oo reer Somaliland ah waa dood u furan,
oo la rabo dhibaatooyinka dalka ka jira sidii loo xalin lahaa in
lagu eego.
Waxa ka mid ah waxyaabaha aanu ka hadli doono golahan guurtida ee
ilaa intay Somaliland jirtay aan lahayn sharci lagu badalo,iyada oo
dastuurkeenu uu dhigaayo in doorasho lagu soo galo illaa maantana
aany dhicin,in golahaas si dhaqso ah sharci loogu sameeyo cidii ka
baxdana loogu bad alo, waayo waa gole mustaqbalka dalku ku xidhan
yahay oo miisaan ku leh dalka,waxaynu doon aynaa in diiwangalintan
aynu dunida ku wareerinay ee inta laga gaadhsiiyo hadana baabayasa
sidii aynu u hagaajisan lahayn,waxyaabo noocaas ah ayaanu kaga
halaynaa, waana dood cid walba u furan.”
Xoghayahu waxa uu nasiib daro ku tilaamay in guddoomiyaha golaha
wakiilada oo leh maamuusk a afraad ee dalka in warbaahinta qaranka
laga been abuuro “Waxa nasiib daro ah xukuumaddii dalkan xukumaysay
wasiiradeedii oo maalin walba TV-ga qaranka iyo Idaacadii qaranku
wada lahaa ka soo daynaaya been abuur, anagu ma qabanayno shir
beeleed mana qabanayno shir qaran, ee waxaanu qabanaynaa dood qaran,
nimanka wasiirada ah waxay ku samaynayaan wanjalaad xisbiyada
qaranka iyaga oo darajo ku raadinaaya,iyaga oo dadkii soo baabulaya
oo faafinaaya been ka dhan ah xisbiyadu waxa ay ku baaqeen iyo
guddoomiyaha golaha wakiiladda Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi oo ah
guddoomiyaha Waddanina, waxa maalin walaba laga soo daynayaa Tv-ga
wax aanu odhan iyada la leeyahay shir qaran ayuu qabanayaa dalkiina
waa uu baabinayaa, waana ayaan daro in isaga oo ninkii afraad ee
maamuska dalka ugu sareeyay warbaahintii qaranka ee dadka ka
dhaxaysay ay xukuumaddu ku aflagaadayso,isaga oo laga sheegayo
waxaanu odhan oo aanu aaminsanayan.”
Xoghaye Uurcade isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Maaha
hogaamiye dalkan la doonay o beelo iyo bur bur, waa mid doonaya in
dalkan halka uu maanta joogo hore uga maro,waxaanu nahay xisbi ay ka
go’antahay in uu shuruucda dalka ilaaliyo,laakiin aan aqbalayn wax
aan sharci ahayn in inan yar noogu caga jugleeyo, doodaas qaran cid
joojinkartaa iyo cid aanu u jiijinaynaa midna ma jirto, way wadayaan
labada xisbi qaran umadda Somalilandna waxii ay talooyin hayso way
ku biirinaysaa waxii doodaas ka soo baxa cida fulinysaana waa
xukuumadda, in la yidhaahdo lama-hadli karo lamana doodi karo sharci
dhigaya ma jiro.Waxaanu canbaaraynaynaa in Tv-ga qaranka iyo
idaacadiiba loo adeegsado wax dalka dhib u ah iyo been aan jirin, oo
la soo abaabulo dad been loo sheegay af lagaadana u gaysanaaya
masuulka afraad ee ugu maamuuska u sareey a qarankan.Waxaanu
diidaynaa oo canbaaraynaynaa cabudhinta warbaahinta lagu hayo, waxa
askari u daadatay xarunta wargeyska Hubaal, wali maxkamad lama soo
taagin dadkii falkaas gaysta oo ciiddanka booliska ka mid
ah,waxaanan u soo jeedinaynaa falalkaas oo kale oo ka dhacay
Gabilay,Burco iyo Ceerigaaboba in wariyayaal lagu wax yeeleeyo hadan
aan cid loo hor keenin sharciga, waa in falalkaas ay xukuumadu ka
waantowdo dadkii gaystayna la hor keeno maxkamad.waxa socda weeraro
fool xun,waxa la weeraray xildhibaan Qabiile walina maxkamad lama
keenin cidii weerartay, Waxa la weeraray Maxamed Kaahin waanu ka
xunahay waana in sharciga la hor keeno dadka falkaas gaystay isaga
oo ah nin aan mudnayan in qoriga loo qaato.”
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, waxa
uu nasiib daro ku tilmaa may in laga dhagaysan waayay talooyinkii ay
soo jeediyeen madasha wada tashigu“Waxanu diidanahay in la dhagaysan
waayo aasaasayaashi SNM oo Maxamed Xaashi iyo Xasan Ciise-ba ay ka
mid yahiin iyo mujaahidiinta kale ee Ibraahin Dhagaweyne iyo Xasan
Guure ee soo bandhigay dhaliilaha jira ee cad cad in la qaabilo in
la diido waa ayaan daro, waa wax aan loo baahnayan in nimankaas
halgankii hadday tahay iyo dhismaa Somalilandba qaybta weyn ku lahaa
in maanta la dhagaysan waayo.xukuumaddu waa inay ka noqotaa oo ay
tixgalisaa dadka mudan in la tix galiyo,haddii ay beelahooda soo
kaxaysan lahaayeen waxaan hubaa in deg deg loo qaabili lahaa, iyaga
oo muwaadiniin reer Somaliland ah haday rayi soo jeediyeen in la
qaabilo madaxweyne xaqbaa laguugu leeyahay, dalkan hadaan dadkiisa
taariikhda leh la’qadarin waxaynu noqonynaa ummad aan jirin jiilka
danbana wax u hadhayaa ma jiraan.”
Ugu danbayntii Uurcade waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday“Waxanu
aad uga xunahay wasiir adan habeen walba abaabulaya dooda qaran ee
shalay la qabtay inay xaaraan tahay,waxii shal ay aanu sharcigu
diidanayan in maamta la yidhaahdo lama qaban karo waxaanu u aragnaa
dhaf oor taabad, cidna ka aqbali mayno, hadday rabaan waxii ay shalay
samaynayeen inay mabnuu caan ha soo mariyaan golayaal qaran ayaa jira
oo shuruuc ha ka sameeyaan,inta ka horaysa waxii qarsnkan u dan ah
ee horana loo qaban jiray cid naga hor joogsan karta iyo cid aanu ka
dhagaysanaynaa midna ma jiraan.”
Timacade News Desk
Hargaysa ,Somaliland
|