Wada-hadalo Xasaasiga Ah Oo Maanta Laga Yeelanayo Arrimaha Doorashada

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbigaas, ayaa shalay gelinkii dambe ka degay magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Weftigan oo subaxnimadii shalay ka dhoofay Madaarka Berbera, waxay maanta kulan la yeelan doonaan Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada London. Afhayeenka xisbiga UCID Xassan Xusseen (Codyare) oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay ujeedada socdaalka weftigan waxa uu sheegay in socdaalkoodu ka dambeeyay ka dib markii ay martiqaad ka heleen Laamaha xisbigaas ee Wadamada Yurub, isla markaana ay ka qaybgali doonaan munaasibad xisbigu ku muujinayo taageerayaashooda Yurub iyo u diyaargarawga doorashada soo socota.

Weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha UCID, ahna Murashaxa Madaxweynaha Inj. Faysal Cali Waraabe waxaa ka mid ah; Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo xubin ka ah hoggaanka xisbiga, Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan, Guddoomiye Ku-xigeenka Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Xil. Naasir Xaaji Cali Shire iyo Xoghayaha Arrimaha dibadda xisbigaas Axmed Fagfagaash.


Dhinaca kale, wakiilo ka kala socda saddexda xisbi, Komishanka doorashooyinka iyo hay’adda Interpeace ayaa la filayaa inay maanta kulan ka yeeshaan abuurida Xeer wada-shaqayneed oo ay ka yeelanayaan waxa laga yeelayo Diiwaangelinta. Sida uu Ogaal u xaqiijiyay Afhayeenka xisbiga UCID Xassan Xusseen (Codyare), waxay kulankooda maanta ku lafoguri doonaan qorshaha ay ka yeelan doonaan Diiwaangelinta iyo sida loo xalilayo khaladaadkii ka soo baxay Diiwaangelinta, marka lagu shubayo Kambuyuutarka kala-shaandhaynta dadka laba jeer codeeyay. Waxa uu xusay in xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Kulmiye ka midaysan yihiin inta badan qodobadda Xeerka (Code of Conduct), marka laga hadlayo waxa laga yeelayo dadka hal mar wax ka badan isdiiwaangeliyay. Hase yeeshee, waxa uu tilmaamay in xisbiga UDUB ku dheganyahay in dhammaan meesha laga saaro fursad dadka dhowrka jeer isdiiwaangeliyay loogu ogolaado codaynta, balse Mucaaradku aaminsan yihiin in qofkii hal mar wax ka badan isdiiwaangeliyay loo reebo hal mar uu codaynta kaga qaybgali karo, inta kalena laga tirtiro. Wuxuuna taas ku sababeeyay in aanay markii hore dadku fursad u helin wacyigelin lagu fahamsiiyo Diiwaangelinta, taas bedelkeediina ay jireen aragtiyo dadku qaateen oo ah inay qiimeeyaan tirooyinka deegaan kasta iska diiwaangelisay.


Af hayeenka UCID waxa uu sheegay in kulankan maanta ee laga yeelanayo arrintaasi Axsaabta uga qayb geli doonaan mid sadex xubnood, hase ahaatee muu carabaabin xubnaha UCID uga qayb galay maadaama inta badan hogaankii Xisbigu ku midaysan-yahay waftiga ka degay London shalay, kaasoo aan la ogeyn mudada ay joogi doonaan halkaas iyo inay uga sii gudbi doonaan wadamo kale.

 

 



Source:Ogaal