Wadahadallo la Xidhiidha Shirka London oo u Socda Dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska


 

 


“Waxaa laga shaqaynayaa sidii loo heli lahaa hab lagu wada qanacsan yahay oo Somaliland k aga qaybgeli karto shirka arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada London”

Hargeysa (TNN)- Wadahadallo la xidhiidha qaabka Somaliland uga qaybgeli karto shirka arrima ha Soomaalida ee ka qabsoomi doona magaalada London, ayaa si wadajir ah uga dhex socda dawladaha Britain iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa waxa wadajir ugu dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi llaahi Cumar iyo Wasiirka Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka u qaabilsan dawl adda Ingiriiska Mr. Lord Howell, kuwaasoo caddeeyey in labada dal leeyihiin wadaxajood la xidhiidha qaabka Somaliland uga qaybgeli karto shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee 23 February 2012 ka dhici doona magaalada London.

Sida lagu baahiyey bogga wararka internetka ee Baarlamaanka Ingiriiska, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee Britain Mr. Lord Howell oo ka jawaabayey su’aal uu shirka London ka waydiiyey mudane ka tirsan baarlamaanka dalkiisa, waxa uu sheegay in shirkaas lagu martiqaaday Somaliland, balse hadda labada dhinac u socdaan wadahadallo ku saabsan sidii Somaliland shirkaas uga qaybgeli lahayd hannaan labada dawladoodba ku qanci karaan.

“Shirka London waxa lagu casuumay Somaliland, martiqaadka Somaliland loo fidiyeyna waxa d aba socda wadahallo iyo wada-xaajoodyo u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, waxana laga shaqaynayaa sidii loo heli lahaa hab lagu wada qanacsan yahay oo Somaliland kaga qaybgeli karto shirka arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada London. Aad baannu u rajaynay naa in Madaxweyne Siilaanyo ka qaybgeli doono shirka London. Somaliland waxay leedahay khibrad la doonayo in lala wadaago si loo sameeyo xasiloloni buuxda oo ka hirgasha Gobolka geeska Afrika.

Waxa kale oo shirka London lagu martiqaaday dawlado badan iyo ururro kala duwan oo saamayn la leh Soomaaliya, waxaanunaaad ugu faraxsanahay in aannu sheegno inay shirkaas ka qaybgeli doonaan madax sare oo ka socda Gobolka Geeska Afrika. Tusaale ahaanl dalalka Itoobiya, Kenya Uganda iyo beesha caalamkaba sida Turkiga, Qadar, Nayjeeriya, Sweden iyo Midowga Yurub, wakiillo ka socda dalka Soomaliya, Midowga Afrika iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka u qaabilsan Boqortooyadda Ingiriiska.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo khadka telefoonka ugu warramay Jamhuuriya shalay isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxa uu shaaciyey inay dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska u socdaan wadahallo ku saabsan qaabka Jamhuuriyadda Somaliland uga qaybgeli karto shirka London.

“Waxa jira wadahadallo u socda dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland oo la xidhiidha qaabka Somaliland uga qaybgeli karto shirka London, maadaama Somaliland aanay la mid ahayn maamullada iyo kooxaha ka jira Soomaaliya ee shirkaas ka qaybgelaya, markaa iyadoo Somaliland ku jirto wadatashiyo la xidhiidha shirka London, haddii tallada qaran noqoto in shirkaas laga qaybgalo waxa meesha taal sidee ayey Somaliland shirkaas uga qaybgeli kartaa? Waxaanan doonanaynaa in dawladda Ingiriiska iyo beesha caalamkuba go’aamiyaan qaab lagu qanci karto oo shirkaas lagaga qaybgalo.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa kaloo uu sheegay inuu Addis Ababa kulamo kula yeeshay Wasiirrada Arrimaha Afrika iyo dhinacyada horumarinta u qaabilsan dawladda Ingiriiska, isla markaana ka wadahadleen qodobo la xidhiidha iskaashiga labada dawladood iyo shirka London.

Waa markii u horreysay ee uu bannaanka u soo baxo in wadahadallo ku saabsan shirka London u socdaan dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland.

source: amhuuriya