WADA TASHI BALAADHAN OO QURBAJOOGA S/LAND KU QABTEEN LONDON

 


Wixii Waddanka kadhaca Waxaa kamasuul ah 42 Yidhi Riyaale Adaa Madaxweyna ah oo annaga kaadhignay, Xasan Cali Weyd.


Xukumadani Waa Gows Maal ee Maha Xukun Doon, Suldaan Yuusuf Suldaan Cali Cilmi.

Dhamaan Caalamku Waxay isha kuhayaan Hab dhaqanka Madaxweyne Riyaale, Xoghaya Arrimaha Dabada Xisbiga Kulmiye Maxamed Cabdillahi.
 


Waxaa Maanta Kadhacay Magaalada London Shir wadatashi balaadhana oo Qurbajooga Somaliland iyo Tegeerayasha Xisbiga Kulmiye ku qabteen, Shirkaas oo kadhacay Xaafadda Tower Hamlets Shirkan oy kasoo qaybgaleen dadweynaha Kunool London iyo Magalooyin kale oo UK ah.


Shirkan oo losoo agaasimay si aad uhersareysa waxaa soo qaban qaabiyay Guddida East London oo u hormood kayahay Xogyaha Xisbiga Kulmiye ee East London Ahna Xubin golaha dhexa iyo Guddida Fulinta ee UK oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Xisbiga ee UK Ibraahim Xuseen, Waxaa Shirkaas kasoo qaybgalay Madaxdhaqameedyo Saladiin Xildhibaano Barlamaanka iyo dad badan oo iskugu jiray Tageerayasha Xisbiga Kulmiye iyo Jaliyada Somaliland ee Cariga Engiriiska.
Uguhoreyn waxaa halkaas kahadlay Osmaan Saciid Jamac oo Shirka fury wuxuuna kusoo dhaweeyay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Uk, oo isagu daa’dihinayay Shirka.


Waxaa halkaas hadalo wax ku oola kasoo jeediyey dad badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin waxaana ka mid ahaa Suldaan Yuusuf Suldaan Cali, Xoghaya arrimaha dabada ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Cabdilaahi Cilmi, Mudane Cabsiiye, Xasan Cali Weyd, Maxamuud Xaashi Cabdi, Cabdi Bacow Prof Muumin, Faraax Xasan Jagac, iyo dadkale oo dhamaan tood katirsan Jaliyada Somaliland Guddomiyaha Uk ayaa hadalka qaatay.


Wuxuuna kusoo dhaweeyay Cabsiiye oo kamid aha Golahii Barlamaanka ee hore Mudane Cabsiiye wuxuu kahadlay arrimaha kataagan waddanki sida maanta ragii dalkan utudhay loogu handadaayo isagoo arrimaha kahadlaya wuxuu yiri, Maanta Somaliland waxay maraysa meel fiican dadku yagaa nabadooda dhistay yagaa qoryaha iska dhigay yagaa isqarameeyay maanta ninka adeegsanaya Ciidanka Qarranka ee anuu ogayn halkii lagu aas asay een ogayn halkii hubka loogu dhiibay ee aan ogayn halkii nabadan lagu yagleelay maha maanta in ninkaasi u adeegsado.

Waxaa isna halkaas kahadlay Xasan Cali Weyd oo Kamida odayaasha Jaliyada Somaliland ee UK, isagoo Xasan kahadlaya waxyaabaha kataagan Waddankii wuxuu yiri Maanta waxaa kamas’uul ah wixii Somaliland kadhaca 42 ucodeeyay Riyaale ee yiri Shacabka Saddexda Milyan ah annaga mantalna oo kamas'uule kufadhi yagaa lagala xisaab tamayaa wixii waddanka gadha, isagoo Xasan kahalkiisa sii wata wuxuu yiri Somaliland wada tashi ayay kucaano maashay ninka diidan ee kalidii meel istaagay ee 42 Odey codkood leh waan kufadhiyaya isagaa og halkuu isku wado.
Waxaa isna dadkii halkaas kahadlay kamid ahaa Suladaan Yuusuf Suldaan Cali Cilmo oo kamida Madax dhaqameedka Somaliland Suldaanku wuxuu shegay in Maanta Mamulka jira yahay niman Gowsku shaqeynaayo ee aan talo kale meesha kuhayn isagoo arrinta kahadlaya wuxuu yiri, Somaliland cida maamusha maha cid ummadda utudhaysa ee waa niman kashaqeysanaaya wana laogyahay waa niman gowsku shaqeynaayo ee maha niman dal iyo dad dankaleh.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo kamida Siyasiyiinta Xisbiga Kulmiye ayaa halkaas isna kasoo jediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa Maxamuud Xashi wuxuu kahadlay sidii dalka loonabadeeyay Marxaladihii uu soomaray in Kulmiye yahay kii 80 cod kaga tanaasulay isagoo dalka xeerinaya, Maxamuud wuxuu kajawabay hadal kasoo yeeshay Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir iyo Xaji Cabdi Waraabe wuxuuna yiri Suldaan Maxamed waa Suldaankii Somaliland oo dhan maha maanta inuu yiraahdo beelbaanu eeganaynaa iney baxdo Suldaan Maxamed waxaan leeyahay Kulmiye maha beel bixina maayo nabad gelyo darana mawado lakiin xaquu uleeyahay inuu tartamo kama tanaasulaayo cidii wada hadal wadana diidi mayno oo danta Somaliland baa kujirta.

Waxaa isna halkaas kahadlay Maxamed Yoonis oo kamida Saraakisha Kulmiye ayaa yiri maanta ninka Madaxweynaha sheeganaya ee Madaxda Xisbiyada ee lamidka ah rasaasta ladhacaya ee Xafiisyada weeraraya ee Dumuquradiyada aan ogolayn eeleh kalidey ayaa joogaya kalidey ayaa jiraya runtii Caalamkuna waa arka rer Somalilandna way arkaan isaguna ha-ogaado in anay sidaa ugu dhalayn oo anu Madaxweyne ku ahaanayn ninku Xabada u-ladhacayo waa kii Shalay uga hadhay 80 cod.

Waxaa isna halkaas kahadlay Cabdi Bacow oo ah Guddomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye ee Uk. Oo isna kahadlay mowqifka Xisbiga ee qurbuhu inuu yahay kay qaateen Madaxda Xisbiga ee guduhu, isagoo hadalkiisa siiwata Bacaow wuxuu yiri waanu ku garab taaganahay Hogaamiyaha Xisbiga mowqifkuu qatay wana in Waddanka loo dhisa dowlad dalka doorasho gadhsiisa Riyaalena wakhtigiisi wuxuu ku eeka 6/04/2009, Xisbiga Kulmiye wuxuu ka kooban yahay dhamaan beelaha Somaliland min Lowyacado ilaa Dhahar, Beel kamaqani majirto dadkana maha in naxli iyo buqdi lagu kalabeero beena loo sheego isbadal ayaanu waddanku ubahan yahay.


Gebogebadii Shirka waxaa halkaas hadal kajeediyay Xoghayaha arrimaha debeda ee Xisbiga Kulmiye mudane Maxamed Cabdillahi wuxuuna kahadlay arrimaha maanta Waddanki katagan iyo sidey ulasocoto beesha Calamku, Wuxuuna halkaas ka-akhriyay warsaxafadeedkii Shirka oo ka koobna qodobadan.

1 In laga bilaabo 6/04/2009 Riyaale Kaahin yahay Guddomiyaha Xisbiga UDUB oo ay dhamaatay Mudadii Xilka Madaxweyne ee kudhisnaa Doorashada Shacabka Somaliland.


2.. Shirku wuxuu ugu baaqaya Dahir Riyaale Kahin inuu joojiyo arrimaha xasilooni darida abuuraya ee uu kawado Jamhuuriyada Somaliland oo ay kamid tahay cabudhinta xuquuqda Shacabka Somaliland Xidh Xidhista iyo Cagajoglaynta lagula kacaayo Masuuliyinta iyo tageerayasha Xisbiga Kulmiye.

3.. Shirku wuxuu ugu baqayaa Cidamada qalabka sida iyo kuwa amniga iney unoqdaan dhex-dhexaad Axsaabta Qarranka oo aan Dahir Riyaale u adeegsan Cabudhinta masuuliyinta Shacabka Somaliland.

4.. Shirku wuxuu ugu baaqaya beesha calamka oo muujisay dareen welwel leh oo laxidhiidha nabadgalyaynta iyo dimuquradiyada waddanka in Kulmiye kashaqeynaayo sidii nabad galyo loogu soo dabaali laha siyasadaha cakiran ee maanta kajira Somaliland.

5.. Xisbiga Kulmiye wuxuu diyaar uyahay in uu kaqayb galo doorashooyin xora oo xalaala wakhtiga ugu horeeya ey isla gartaan Axsaabta Qarranka iyo Golaha koomishanka Qarranka.

6.. Maadama uu wakhtigii madaxweynuhu dhamadey sanad kahor muddo sanada loo kordhiyay nasiib darose Xukuumadu ku fashilantay iney dalka doorashooyin ka abaabusho wuxuu Xisbiga Kulmiye soo jeedinaya in laysaga yimaado.

Wuxuu shirkaasi oo aha mid wadatashi kana qayb galeen Dhamaan Jaliyada Somaliland iyo teerayasha Xisbiga Kulmiyeba yadoy isla qateen in latago wadanki lagana qayb qaato sidii loo adkayn laha Nabada Somaliland in dalka loo sameeyo maamul dalka gaadhsiiya doorashooyin .

 


Muniir Axmed Cigaal
Free journalist
Uk/ London