Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 7-aad)




Qormaddii 6-aad ee qoraalkaygan taxanahaa waxa aan kusoo qaada dhiggay heshiiskii Istanbuul ee Somaliland iyo Somalia waxaanan tuduc-ciisii (paragraph) ugu dambeeyay si bilaw ah ugusoo qaatay dalalka amma umaddaha aynu wax ka baran karno ee sideeno kale ka baxay amma ka go’ay dal ay ka mid ahaan jireen anigoo markaas rabba inaan tusaaleeyo umadda reer Somaliland in wada hadalka aynu Somalia kula jirnaa wakhtigan xaadirkaa uusan aheyn wada hadal lagu kala baxayo ee laakiin uu dib-u-heshiisiin yahay sidaan hore usoo sheegay Xoghaya Ariimaha Dibada ee dalka Maraykan-kuna cadeeyay weegii hore mar ay shir jaraa-id wada qabteen madaxwaynaha Somalia. Inkastoo dal walba qadiyadiisa iyo sida uu ku abuurmay kala gadisan tahay hadana ka midha dhalinta go’aanka qaranimo ee ay umaddi gaadho ayaa leh dariiq siyaasadeed oo loo maro sidaa daraadeed ayeey ujeedada qoraaladaydani tahay inaan tusaaleeyo in dariiqa ay Somaliland maraysaa aheyn mid ujeedadiisuu tahay in lagaga midha dhaliyo go’aanka qaranimmo ee umadda reer Somaliland maadaama ay madaxda Somaliland xitaa ilduufayaan inay khubburo kala talisa adduunka amma dalalka aynu saaxibka nahay ka dalbadaan haddii ay khibrad darro jirto.

Hadaba qormadii 6-aad waxa aan kusoo qaatay ugu horeyn Eritrea oo aan soo tilmaamay inay mustacmarad (colony) Talyaani ah ahaan jirtay laakiin Ingiriisku ka qabsaday 1941 wakhtigii dagaalkii 2-aad ee adduunku dhacayay.

Anigoo halkaas kasii amba-qaadaya, Ingiriisku waxa uu Eritrea ka talinayay ilaa iyo 1952. Mudadaas uu Ingiriisku haystay Eritrea waxa socday wada hadal ku aadanaa aaya ka talinta dalkaas oo ka dhex socday golaha UN-ta. Ingiriiska iyo Maraykan-kuba waxa u qorshaysnaa taageerayeena in Eritrea lagu daro dalka Ethiopia madaama Ethiopia dal weyn oo iyaga saaxib la ah oo dagaalkii 2-aad ee adduunkana lasoo galay aheyd. Waxa hirgalay, iyadoo dadka reer Eritrea rabbeen inay gooni-dooda u taagnaadaan, qorshihii Ingiriiska iyo Maraykan-ka oo September 1952 ayeey guddi UN-ta ka socday oo qadiyada Eritrea maareynteeda loo xil saaray ka saxeexday Barlaman (Assembly) Eritrea Ingiriisku u sameeyay heshiis amma Axdi dhigaya midaw nooca Federation-ka loo yaqaano ah oo markaas Eritrea kulla midawbeysay boqortooyadii Ethiopia ee uu madaxa ka ahaa boqor Haile Selassie. Axdigaasi waxa uu dhigayey in Eritrea maamulkeeda hoose iyo calankeedaba haysanayso, luqadaheedana (Carabi iyo Tigrinya) ay noqonayaan luqada ay wax ku bartaan.

Hadaba Haile Selassie ummuu hoggaan-sammin Axdiggii damaanad qaadayay xoriyada hoose ee Eritrea ee isla markiiba waxa uu bilaabay innuu Eritrea ka dhiggo gobol Ethiopia ka tirsan. Sanadku markuu ahaa 1958-kii ayeey dadka reer Eritrea bilaabeen halgan oo waxa abuurmay urur la odhan jiray Eritrean Liberation Movement (ELM). Sanadku markuu ahaa 1962-kii ayuu Haile Selassie ku dhawaaqay in Eritrea gobol Ethiopia ka mid ah tahay oo uu markaas baabiiyay barlamankii iyo dhammaan sharciyaddii Eritrea xaqeeda gaarka ah dammaanad qaadaysay. Isla sanadkaas waxa sameysmay jabhada la odhan jiray Eritrean Liberation front (ELF) madaama jabhaddii hore ee ELM, oo iyadu xagga halganka siyaasiga ah u badneyd, Ethiopia u dhamaysay. Sanadku markuu ahaa 1972-kiina waxa abuurmay EPLF (Eritrean People’s Liberation front) ka dib markii khilaaf soo kala dhex gallay jabhadii ELF oo ay sidaas ku noqotay EPLF jabhadii ugu wayneyd ee Eritrea kula dagaalamaysay Ethiopia ilaa iyo 1991-kii.

Bishii May 24-keedii 1991-kii ayeey jabhadii EPLF caga dhigatay caasimada Eritrea ee Asmara, guushaas oo kaamishay amma dhamaystirtay halgankii hubeysnaa ee dheera ee ay ugu jirtay xornimada dalka Eritrea. Isla bishaas May 1991-kii waxa isna ka baxay dalka Ethiopia hogaamiyihii milateriga ahaa ee Mingiste Haile Mariam oo dalka Zimbabwe u baxsaday ka dib wada hadal waan-waana oo Washington ku qabsoomay bishii March ilaa iyo April ee isla sanadkaas oo u dhaxeeyay taliskii Mingiste iyo jabhadihii la dagaalamayay. Ka dib bixitaankii Mingiste waxa dalka Ethiopia taladiisii si ku meel gaadh ah u qabatay xukuumad ku-simme ah (care taker government).

Geedi socodkii madax-banaanida Eritrea

Magaalada London ayaa waxa ku qabsoomay bishii May 1991-kii kulan Maraykan-ku hogaaminayay oo ay iskugu yimaadeen jabhadihii dalka Ethiopia ka dagaalamayay iyo waliba tii Eritrea xoriyadeeda u dagaalamaysay ee EPLF. Kulankaas waxa ay EPRF ugu aqoonsatay jabhadii Eritrea ee EPLF inay tahay xukuumadii ku meel gaadhka aheyd ee Eritrea. Ka dib kulankii London ee May, waxa magaalada Addis Ababa lagu qabtay kulan ay Maraykan-ku goob-joog ka ahaa oo lagu dajinayay hab maamulka mustaqbalka dalka Ethiopia isla markaana lagu sameeyay dawlad ku meel-gaadh ah. Kulankaas jabhadii Eritrea ee EPLF waxa ay uga qayb gashay goob-joog ahaan (observer) ka dib-na waxa ay kala hadashay dawladii ku meel-gaadhka aheyd qadiyada Eritrea iyadoo markaas waftigii Maraykan-ka ahaana goob-joog amma dhex-dhexaadiye ka yahay. Dawladii ku meel-gaadhka aheyd ee Ethiopia waxa ay qirtay xaqa ay dadka Eritrea u leeyihiin inay aayahooda iyagu ka tashadaan waxa ayna aqbashay in afti laga qaado shicibka Eritrea intaas ka horeysana EPLF sii maamusho aftidana u diyaariso. Jabhadii EPLF oo markaas noqotay dawladii ku meel-gaadhka aheyd ee dhulka Eritrea ayaa ku guulaysatay inay qabato afti (referendum) April 1993 taaso dadkii reer Eritrea ugu codeeyeen si aqlaabiyad ah (99.8%) madax-banaanida Eritrea oo lagu dhawaaqay 27-kii April 1993-kii inkastoo maalinta xoriyada ee dalka Eritrea ay ka dhigteen 24-ka May oo ah maalintii ay jabhadii EPLF gashay caasimada Eritrea ee Asmara..

Hadaba wada hadal noocee ah ayeey jabhadii EPLF ee Eritrea xoraysay la gashay Ethiopia iyo jabhadihii xoreeyay. Wada hadalka Ethiopia iyo Eritrea, amma jabhadihii 2-da dal kala xoreeyay wada galeen, ma aheyn mid bilaa shuruud ah mannuu bilaabmin 1991-kii markii Mingiste Haile Mariam laga xoreeyay dalkii la isku odhan jiray Ethiopia (Ethiopia iyo Eritrea). Jabhada EPLF ee Eritrea xoraysay way ka wada da’weyneyd jabhadihii 4-ta ahaa ee ay ka midka ahaayeen jabhadihii Tigray-ga iyo Oroma-da. Jabhada EPLF waxa ay halganka ku jirtay ugu yaraan 20 sanadood marka ay samaysmeen jabhadahan kale, sidaa daraadeed EPLF waxa ay lug ku laheyd oo ay taageertay abuuritaanka jabhadahaas. Madaama jabhada EPLF hadafkeedu caddaa oo ay u taagnaayeen xoreynta dal Eritrea la yidhahdo, waxa ay jabhadihii kalee ay cadawga qudha wada lahaayeen ka saxeexatay inay hadafkooda ka hor iman markay dalka wada xoreeyaan iyaguna sidaas ayeey la qaateen. Sidaa daraadeed Eritrea kulamay hadal Ethiopia bilaa shuruud ee waxa ay sharciyaysteen uun heshiis hore ay usoo wada galeen jabhadihii halganka ku wada jiray, wax ay Ethiopia ka bariday amma cid kale ku khasabtay inay la hadlaan Ethiopia-na ma jirin.

Tusaalaha Eritrea halkaas ayeynu ku dhaafaynaa, taariikhdaas cadna waxa aynu ka dheehan karnaa in Eritrea wada hadal bilaa shuruud ah la galin Ethiopia dadkeedana ku odhan Ethiopia ayuu aqoonsigeena iyo qaranimadeenu ku xidhan tahay waana sababta ay 24-ka May uga dhigteen maalinta xoriyada dalkooda iyadoo 27-kii April 1993 lagu dhawaaqay natiijadii aftidii loo qaaday madax-banaanida dalkaas.

La soco qaybta 8-aad iyo tusaalaha dalka South Sudan.

Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist

iidsl@hotmail.com

London