“Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC), laakiin
waxaan aaminsanahay in..”Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar– Waraysi gaar
ah

Hargeysa, 24 July 2010
(TNN)- Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Xisbiga toddobaadkan
talada dal ka la wareegaya ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdilaahi
Cumar, ayaa baaq u diray Kooxda Somalilan d-diidka ah ee
dhawaan laga abaabulay magaalada Buuhoodle. Waxaanu ka warbixiyay
qorshaho oda markay talada la wareegaan ee habka ay u waajahayaan.
Dr. Maxamed Cabdilaahi oo Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka ugu
waramay isaga oo ku sugan Hargeysa, ayaa ka warbixiyay aragtidooda
la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada Koox la baxday SSC oo laga abaabulay
magaalada Buuhoodle, waxaanu tibaaxay qorshaha Dawladda cusub ee uu
hogga amiyo Axmed-Siilaanyo uga meel yaala Kooxdaas. “Qolooyinka la
sheegay ee is-urursaday ee Wee rarada ku soo qaaday Deegaanka
Sool, waxaanu u aragnaa in ay arrintaasi tahay arrin xasiloonida
Somaliland iyo ta mandaqaddaba waxyeelli karta guud ahaan, waxaananu
ugu baaqaynaa Kooxa haasi inay xasillooni-darrada joojiyaan.
Maamul ahaanna, maamulkayaga cusub ee Dawladda cusub ee Axmed
Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha ka yahay, qorshahayagu waxa weeye, in
haddii ay jiraan aragtiyo iyo khilaafyo kale lagu dhammeeyo
wada-hadal oo aanu wada-hadal la yeelano. Laakiin, aanay arrintu
noqon mid xasilloonida Deegaanka Sool, ta Somaliland iyo ta
mandaqaddaba waxyeellaysa. Waayo, taasi maaha mid faa’iido u
keenaysa dhinacyada kala duwan.
Mar aanu Xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE waydiinay in ay
jiraan wax xidhiidh ah oo ay K ooxahaas la sameeyeen, ayaa
wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, wali waxa talada dalka
hay a Dawladdii hore, maalinta Salaasada ee bishan July 27 tahay,
ayaanu anagu talada la wareegay naa. Markaa masuuliyaddu waxay
noo bilaabmaysaa maalintaa wixii ka dambeeya, qorshahayaga siyaasiga
ah ee arrintaa ku wajahanina waxa weeye, in haddii cabashooyin ku
saabsan arrimaha Gobolku ay ka jiraan meelo Gobolka ka tirsan in
laga wada hadlo oo aanu ka wada-hadalno dadka cabashooyinkaas qaba.
Waxa kale oo qorshayaashayada ka mid ah in Dawladda Axmed Siilaanyo
ka hawl-gasho sidii mashaariic horumarineed laga fuliyo gobolka oo
horumarka Gobolka wax laga qabto, gaar ahaan dhinaca Biyaha iyo wax-qabadka
kale. sidoo kale, in haddii khilaafaadyo siyaasi ahi jiraan laga
wada hadlo. Laakiin, waxaan aaminsanahay in khilaafyo iyo saluug
hoose oo dhinaca ka qaybgalka maamulka ahi jiro, taasna waxaanu
qabnaa in wada-hadal lagu dhammeeyo.”
Mar uu ka jawaabayay Dr. Maxamed su’aal nuxurkeedu ahaa, waxa uu uga
jeedo saluugga ka-qa b-galka siyaasadda ee dadka ku dhaqan
Deegaankaas iyo qaabka ay u wajahayaan, ayaa wuxuu yidhi, “Ma
aaminsani in khilaafku ku salaysan yahay ka-qaybgalka xukuumadda,
waxaanse filayaa inay ismaandhaaf siyaasi ah oo gobolka u gaar ah,
waxaananu aaminsanahay in wada-hadal lagu dhammeeyo. Laakiin, taa
macnaheedu maaha in Xukuumaddayadu arrintaa u mari doonto
Xukuum adda dawliga ah. balse, wada-hadal toos ah laga wada hadlo oo
xukuumaddu kaalin hoggaamineed ka qaadato wada-hadalladaas. Waxa
kale oo iyana ah in Xukuumaddu dib u eegto horumar-la’aan dhinaca
Gobolka ah oo aan filayo inay cabashooyinku ku salaysan yihiin oo
wax laga hor-qabto.”
Mar Xoghayaha la waydiiyay su’aal xidhiidhay habka ay u waajahayaan
haddiiba waxyaabaha ay ku andacoonayaan Kooxda la baxday SSC ka
duwanaadaan waxay filan karaan KULMIYE ahaan ee dhinaca horumarka
Gobolka ah, gaar ahaan mabda’a Soomaaliweyn, ayaa wuxuu oo uu ku
jawaa bay, “Madax-bannaanida Somaliland waxay u martay afti dalka
laga qaaday sanadkii 2001 oo mujt amaha Somaliland badankoodu
u codeeyeen inay la soo noqdaan madax-bannaanidoodii. Markaa
arrintaas go’aankeedu halkaas ayuu saaran yahay, maaha arrin lagala
hadli karo Koox diidan arri mo gaar ah oo ku saabsan deegaan
gaar ah oo Somaliland ah. Laakiin, waxaan aaminsanahay in c
abashooyinku inta badan ku saabsan yihiin wax arrintaa ka sokeeya oo
ay tahay in aanu dhegays ano, wixii garowshiyo lehna laga
bixiyo, arrimaha horumarintana wax laga qabto. Balse,
goonni-isu-taagga Somaliland wuxuu ku salaysan yahay rabitaanka
shacabka Somaliland iyo go’aan ay ku gaadheen afti laga qaaday.”
Source:Ogaal
|