Wada-hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya oo Mar kale dib u dhacay
illaa January 2014-ka

Hargeysa (TNN):-Wasiirka Arrimaha
dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa daboolka ka qaada y in
dawladda Soomaaliya ay ka dalbatay Somaliland iyo Turkiga in mar
saddexaad dib loogu dhig o wada hadaladii u socday Somaliland iyo
Soomaaliya oo loo balansanaa bisha December ee food a innagu soo
haysa.
Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya ay soo codsatay in wada
hadaladii dib loogu dhigo illaa bisha January ee kal-dambe, sababo
la xidhiidha dhibaatooyinka ka taagan dalkaas dartood.
Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlayay arrintaasna waxa uu yidhi
“Turkigu aad iyo aad ayay u gu jirraan oo ay wax noola wadaan
Somaliland iyo Soomaaliya, aadna waanu ugu faraxsan nahay wada
hadalada ay fududeynayaan iyo kaalinta ay kaga jiraanba, hase
yeeshee wadahadaladii dib ayay u dhaceen Bisha December ee inagu soo
fool leh ayay markii hore yidhaahdeen waayo dhibaatooyin badan baa
ka taagan Xamar. Imikana waxay na weydiisteen inaanu December-na dib
uga dhigno oo wada hadaladii la qabto bisha January ee sanadka
2014-ka.”
“Sidaas ayay na soo weydiisteen Soomaaliya annaga (Somaliland ) iyo
dawladda Turkigaba, wakh tina wali lama cayimin ee labada toddobaad
ee ugu horeeya bisha January ayaannu isla soo qaa dnay, waxaanan ka
wada shaqaynaynaa sidii haddii ALLE yidhaahdo aanu wakhtigaas isku
arki lahayn,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo caawa u
warramayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.
Wasiirka oo la weydiiyay sida uu yahay xidhiidhka wada shaqayneed ee
ka dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi “Xidhiidhka
Somaliland iyo Soomaaliya waa laba wadan oo jaar ah oo cilaaqaad ka
dhaxeeyo ayaanu nahay. Waxaanu doonaynaa inaanu wada hadaladda iyo
wala altinimadda wadno oo caalamku noo arko dad degan. Waxaanu ka
shaqaynaynaa annagu (Somali land) inaanu walaaladayada Xamar iskaashi
la samayno, wada hadaladayaduna noo socdaan oo aanu farsamadeeda
keeno sidii aanu u kala tagi lahayn.”
Md. Maxamed Biixi Yoonis waxa kale oo uu ammaanay dawladda Turkiga
oo uu tilmaamay inay ka go’an tahay inay Somaliland wax la qabsato,
waxaanu sheegay in weftigii dhawaan yimid Somalil and ay si rasmi ah
u shaaciyeen inay Hargeysa ka furan doonaan qunsuliyad isku xidha
wax wad a qabsiga labada dal.
Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku ladhay in Ganacsato Turki ahi ay
daraasad ku sameeyeen So maliland isla markaana ay balan qaadeen inay
mashaariic waaweyn oo maalgashi ku sameeyaan Somaliland.
Wada hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa muddo laba jeer
oo hore dib u dhacay sababo la xidhiidha mashaakilka siyaasadeed iyo
wacdiga adage e Soomaaliya ku sugan tahay darteed, waxaanay
noqonaysaa markii saddexaad ee wada hadalladani baaqdaan.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliand
|