Wacdarihii Xafladii Maalinta Suugaanta Soomaalida Iyo Stockholm
Stockholm,Sweden (TNN)-Maalintii sabtida ahayd oo ku beegnayd 19
November 2011, waxa uu Naadiga Akhristayaasha Stockholm ku qabtay
magaalada Stockholm ee waddanka Sweden mu naasibad aad u balaadhan
oo loogu magac daray ”maalinta suugaanta soomaalida ee Stockho lm.
Munaasibaddan oo ahayd tii ugu weynayd ee nooceeda ah ee lagu qabto
magaalada Stock holm, ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad u
tiro badan oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshadda. Ha
noqdeen soomaali iyo waliba dadyawga kale ee waddankan ku nool.
Wakhtiga ay munaasibadu
bilaabmaysay oo ku beegnayd labadii duhurnimo ee saacada maga alada
Stockholm, ayaa waxaa xusid mudan in iyadoon laba furin hoolkii
hawshu ka qabsooma ysay ay dad weyne tiro badani soo buuxiyeen
barxadii weynayd ee dhismaha ay hawshu ka dhacaysay.
Barnaamijka oo ku bilaabmay wakhtigii loogu talo galay, ayaa ugu
horayn waxaa eray mahadn aq iyo soo dhaweyn ah madasha ka jeediyay
Eng Maxamed Ibraahim oo ahaa daadihiyaha bar naamijka. Waxa uu sidoo
kale Maxamed dadweynihii ku war geliyay in barnaamijku ka koobnaa n
doono laba qaybood; qaybta koowaad oo ku socon doonta afka
iswiidishka iyo qaybta laba ad oo ku socon doonta afka soomaaliga.
Intaas kadib waxa codbaahiyaha lagu soo dhaweey ay Saynab Hassan oo
ah xubin ka tirsan naadiga. Saynab ayaa u mahad celisay dhamaan dad
weynihii tirada badnaa ee munaasibada ka soo qayb galay. Waxa aanay
dhanka kale war bixin kooban ka bixisay hawsha uu naadigu qabto iyo
waliba waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu jiray. Intaas kadib waxa
hadalkii la wareegtay Karin Sohlgren oo ka socotay maktaba xaafad da
Rinkeby. Karin waxa ay ku dheeraatay mihiimahada akhriska iyo
qoraalka, iyo sida loogu baahan yahay in bulshada loogu baraarujiyo.
Sidoo kale waxa iyana madasha hadal qiimo ba dan ka soo jeedisay
Matilda oo ka socotay maktabada caalamiga ah ee magaalada Stockholm.
Matilda iyana waxa ay aad ugu dheeraatay qiimaha uu leeyahay
akhrisku iyo sida loogu baa an yahay in da’ yarta lagu barbaariyo
ama lagu dhiiri geliyo akhriska, si ay berri u soo baxaan jiil
bulshada wax u qoraa.
Waxa isna madasha hadal kooban ka soo jeediyay Amir Aden oo ah
mudane ka tirsan baarla maanka waddankani Sweden. Amir waa mid ka
mid ah labada xildhibaan ee soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka
Sweden. Waxaanu Amiir aad ugu dheeraaday mihiimada uu leeyahay afku
iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in qofkastaaba marka hore
barto afkiisa, si ay hadhow ugu dhib yaraato barashada afafka kale.
Intaas kadib Sulaymaan Carraale oo ka socday dugsiga waxbarashada ee
UTAN, ayaa hadalkii la wareegay. Waxa uu Sulaymaan ku dheeraaday
mihiimada aqoonta iyo waliba sida loogu baahan yahay in wacyi gelin
badan loo sameeyo bulshadda afka soomaaliga ku hadasha ee qurbaha ku
nool.
Barnaamijka oo ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimay, ayaa
haddana lagu soo dhawee yay Gunilla Lundgren oo ka socotay ururka
qorayaasha buugaagta carruurta ee waddanka Sweden. Gunilla oo ah
qoraayad ruug cadaa ah, muddo ka badan 40 sannadoodna ka soo
shaqaynaysay maktabadaha ku yaala xaafadaha ay u badan yihiin dadka
ajaanibka ahi, gaar ahaan soomaalidu ayaa aad ugu dheeraatay
mihiimada afka iyo waliba sida loogu baahan yahay dhiiri gelinta
erayga dhigan. Gunilla ayaa madasha ku soo bandhigtay buugaag
carruureed tiro badan oo ay qortay. Taasi oo ay aad ula dhaceen
dadweynuhu. Halkaas uun lagagama hadhin buug carruureedkiiye, Ulf
Nilsson oo ah qoraa ruug cadaaya, qorayna buugaag carruureed tiro
badan, ayaa hadalkii la wareegay. Ulf waxa uu aad ugu dheeraaday
mihiimada qoraalka iyo waliba sida ay waajibka u tahay in xil layska
saaro sidii buugaag tayo leh loogu qori lahaa carruurta. Ulf waxa uu
madasha ku soo bandhigay buugaag carruureed tiro badan oo uu isagu
qoray. Dhanka kale waxa uu Ulf aad u amaan weyn u soo jeediyay
naadiga akhriska Stockholm, oo uu sheegay inay qabteen hawl aad u
weyn oo bulshada waxtar u leh.
Barnaamijka oo laba qaybood ahaa, kuna kala baxayay laba af. Waa
afka soomaaliga iyo ka iswiidhiskee, ayaa intii aanay dhamaan
qaybtii koowaad ee af iswiidhiska ku baxaysay, waxaa madashii lagu
soo bandhigay riwaayad aad u xiiso badan oo la magac baxday: Dambi
ma leh carruurtuye, daryeel wacan baysan helin. Riwaayaddan oo uu
sameeyay qoraa Muse Dalmar, ayaa waxa ay raad weyn ku reebtay dad
weynihii munaasibada ka soo qayb galay. Riwaayadda oo socotay muddo
45 daqiiqadood ah ayaa dadweynihii madasha fadhiyay aanay mar qudha
sacab iyo qosol kala goyn. Riwaayaddaasi oo ka hadlaysa waayaha
qoyska soomaaliyeed ee qurbaha, ayaa noqotay mid soo af meertay
qaybtii koowaad ee barnaamijka ee ku baxayay afka iswiidhiska.
Waxaana la galay 15 daqiiqo nasasho ah.
Hadda uun baa la galay ubucdii barnaamijkee, waxa la soo gaadhay
wakhtigii madasha lagu soo dhawayn lahaa abwaanka weyn ee Mustafe Sh
Cilmi. Intii aanu codbaahiyaha la wareegin abwaanku, ayaa waxa
taariikh nololeed yar oo kooban oo abwaanka ku saabsan madasha ka
soo jeediyay guddoomiyaha ururka qoraaga Somaliland, Sayid M. Yuusuf.
Intaas kadibna wax aa hadalkii la wareegay abwaan Mustafe. Abwaanka
oo suugaantiisa dad badani xiiseeyaan, ayaa markaliya sacab iyo
farxad lagu soo dhaweeyay. Abwaanka oo Ilaahay hibo u siiyay ka
qoslinta dadka ayaa madasha ka soo jeediyay gabayo iyo sheekooyin
murtiyeed ka hadlaya duruufaha nololeed ee maanta ay ku sugan yihiin
bulshada afka soomaaliga ku hadashaa. Mustafe oo hadalkiisu isugu
jiray wax sheegmo, hogo-tusaalayn, canaan, waano iyo waliba
madadaalo ayaa dareenkoodii kiciyay dhamaan dadweynihii madasha
isugu yimid. Abwaanka oo aanay fari ka qodnayn suugaantiisa xiisa
badan ayaa qaatay qadar nasasho ah, isagoo raacayay nidaamkii
barnaamijka u yaalay oo ahaa inuu laba jeer oo kala duwan madasha
soo galo.
Haddaba murtida abwaan Mustafe oo dad badani xiisaynayeen, ayaa
dhextaal looga dhigay hadalo qiimo badan oo ay soo jeediyeen
aqoonyahano iyo qoraayo kale oo soomaali ahi. Waxaana ugu horayn
hadalkii la wareegay Yuusuf X. Xassan oo ka socday ururka dhaqanka
iyo qoraaga soomaalida. Yuusuf oo isagu maalintaa ku qornaa soo
jeedinta suugaanta carruureedka soomaalida, ayaa madasha ka soo
jeediyay heeso carruureed aad looga helay, oo badiba dadkii madasha
fadhiyay aad ugu qosleen. Dhanka kalena Qoraaga Maxamed Xirsi ayaa
madasha ka soo jeediyay cashar kooban oo ku saabsan erayga suugaan.
Maxamed waxa uu sharaxaad badan ka bixiyay micnaha eraygaasi iyo
waliba waxa uu ku noqonayo afka iswii dhiska. Intaas kadib waxa
madasha lagu soo dhaweeyay Sayid M. Yuusuf oo ah guddoomiy aha
ururka qoraaga Somaliland. Sayid oo soo diyaariyay taariikh kooban
oo ku saabsan qo ra alka afka soomaaliga, ayaa si xarago leh u bal
balaadhiyay. Isagoo ku dheeraaday halgankii loo soo maray in afka
soomaaliga la qoro.
Fari kama qodnee, abwaan Mustafe oo nasasho kooban soo qaatay ayaa
barnaamijkii ku soo noqday. Abwaanka oo ay aad u xiisaynayeen
dadweynuhu ayaa mar labaad sacab weyn lagu soo dhaweeyay. Mustafe oo
Rabi hibo u siiyay aftahanimo ayaa madasha ka soo jeediyay
sheekooyin suugaaneed iyo gabayo kale oo aad loola dhacay, waxa
aanay dadkii kala goyn waayeen sacab iyo qosol.
Gabogabadii barnaamijka ayaa lagu soo gunaanaday su’aalo ay
dadweynuhu waydiinayeen abwaanka.
Barnaamijkan oo socday wakhti ku dhowr shan saacadood ayaa ahaa mid
xiiso badan wakhti ga sidaa u dheerna aanay dareemin dadweynihii ka
soo qayb galayo. Barnaamijka ayaa ku dhamaaday jawi farxadeed, waxa
aanay dadweynihii ka soo qayb galay aad uga mabsuudeen qaban
qaabadii heerka saraysay ee naadiga akhriska Stockholm.
Naadiga Akhriska Stockholm
Email: sreadersclub@gmail.com
www.hiddodhowr.com
|