Waayaha nolosha –Talo Waayeel (Sheeko gaaban)

 



Waa nin oday ah. Waxa uu ku nool yahay mid ka mid ah dalalka Aasiya. Waxa uu muddo dheer oo gaadhayso 30 sannadood u shaqaynayey xafiis booseed oo ku yaalla magaal ada uu deggan yahay. Imika waa hawlgab, hase yeesho ee waxa caado u ahayd, imika na u ah, in uu maqaallo qoro oo uu mid ka mid ah tifaftirayaasha wargeys uu akhristo u gudbiyo.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ninkan odayga ahi u baahday qalimaan uu wax ku qo ro. Dabadeed inan (wiil) uu dhalay oo maalmahaa shaqo helay ayuu u sheegay in uu lab  a qalin u soo iibiyo marka uu shaqada ka soo baxo ee uu guriga ku soo socdo. Inankii ay aa aabbihii u keenay qalimaan ka badan intii loo diray, waxana dhex maray hadalladan:

Odaygii oo faraxsan ayaa inankii weydiiyey, “Maxaad waxan oo qalimaan ah u soo iibis ay, laba keliya ayaan u baahnaaye?” Inankii oo degganaani ka muuqato isla markaasna dhoolla-caddaynaya ayaa yidhi, “Maan soo iibin ee waxay ka mid ahaayeen alaab-xafiis eed badan oo la ii keenay. Alaabtaas oo haddii aan si walba u adeegsado sannadka oo dhan aanan badhkeedna dhammayn karayn.”

Halkaa markii uu hadalku marayey odaygii wejigiisii waa uu isbeddelay, farxaddiina waa ay ka tagtay, waxanu isaga oo magaciisii ku dhawaaqaya inankii si toos ah ugu sheeg ay:

Ma qaadanayo alaabtan maaddaama ay tahay qayb ka mid ah hantidii xafiiskaaga. W axa loogu tala-galay in aad hawlaha xafiiska u adeegsato oo keliya. Fadlan ku celi halkii aad ka soo qaadday!

Ma waxay kula tahay in aan khalad sameeyey?

Haa khalad ayaad samaysay. Sida aanay arrintaa hore sax u ahayn ayaanay weydiint aadan dambena sax u ahayn!

Inankii waxa uu si dhab ah u gartay wixii uu aabbihii u sheegayey. Waxa uu aabbihii uga tegay talooyin fiican oo arrimaha nolosha wax uga taray intii uu noolaa oo dhan. Laakiin dhacdadaa isaga iyo aabbihii dhexmartay mar kasta oo uu soo xasuusto waa uu murug oodaa. Markii uu alaabtii xafiiskii ku celiyey isaga oo doonaya isla maalmahaas in uu fuli yo dalabkii aabbihii ee soo-iibinta ahaa ayuu aabbihii dhintay.

Ninkaa odayga ahi, sida sheekada ka muuqata, waxa uu ahaa nin fiican oo daacad ah, wi ilkiisiina daacadnimo baray. Daacadnimadu waa wax aad iyo aad u qiima badan oo dadni mada qofka wax weyn ku kordhisa, la’aanteedna uu qofka qiima weyni ka maqnaanayo. Dadkeennu waxa ay rumaysan yihiin in aanu qofka daacadda ahi marnaba wanaag waa yeyn. Doodda caynkaas ah waxa xoojin karta maahmaahda ah: “Daacadi ma hungowdo”

Dhanka kalena daacadnimadu waxay ka mid tahay sifooyinka wanwanaagsan ee in uu q ofku arrimaha nolosha ku guulaysto suurta-gelin kara. Qof aan daacadnimo ku sifoobini malaha guul ma haybsado, haddii uu haybsadona guushaasi waa kumeelgaadh! Murti qa laad ayuu macnaheedu ahaa: “Daacadnimadu waa cutubka ugu horreeya ee dhiganaha (buugga) murtida”.
 

 

 

 

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com