Waayaha Nolosha – Qoraallo Googgoos Ah
W/Q: Axmed Iid Aadan

Waxan halkan inoogu soo gudbinayaa qoraallo kala duduwan oo aan
waqtiyo kala duwan qoray, kuwaas oo ku saabsan arrimo nolosha la
xidhiidha oo si uun innoo khuseeya suugaa nina aanay ka madhnayn.
I.Silsilad Maanso
Silsilad maanso waxa lagu qeexi karaa dood maanso oo dhex-marta ugu
yaraan laba abw aan, taas oo ay maansayahannada ay dhex-martaa ay
kaga doodaan arrin ay ku kala ar agti duwan yihiin, mid bana uu u
arko si ka duwan sida uu ka kale u arko.
Suugaanta soomaalida waxa laga heli karaa silsilado badan, waxana
silsiladahaa ugu caans an Guba, Hurgumo, Siinley iyo Deelley.
Siinley waxa ay ahayd silsilad qurux badan oo si qurux badan loogu
dooday. Waxa wada bi laabay abwaanka caanka ah ee Cabdi Aadan Xaad
“Cabdi Qays” iyo Maxamed Ibraahin Wa rsame “Hadraawi”. Silsiladdani
waxa ay ahayd silsilad hufan oo ay garasho iyo aragtiyo aad u
wanaagsani saldhig u ahaayeen. Mar waxa ay u ekayd jacayl mar kalena
siyaasad. Af-Soomaali tayo leh ayaa wax lagu cabbirayey. Sarbeebi
kama ay madhnayn, falsafadi kama ay madhnayn, kaftan kama uu
madhnayn, halxidhaale kama uu madhnayn, xiisaha bulshada
soomaaliyeed ee dhegaysataana in kor u kaco mooyee marna hoos uma
dhaco.
Maansada sidaas u quruxda badan waxa ka qayb-galay maansayahanno
waaweyn oo caan ah, hase yeesho ee berigaa dhallinyaro u badnaa.
Waxa ka mid ah raggaas Cabdi-Qays, Ha draawi, Gaarriye, Xaaji Aadan
Afqallooc, Siciid Saalax, Ibraahin-Gadhle iyo maansayahanno kale oo
tirsi leh. In kasta oo uu maansayahan kasta oo silsiladdaa wax ku
darsadayba kaali n fiican ka qaatay, haddana maansayahannada ay
kaalmahoodu ugu muhiimsan yihiin ugun a xiisaha badan yihiin waa
Cabdi-Qays iyo Hadraawi, siiba Cabdi-Qays.
II. Rag Yaa U Kibir Badan
Waxa la yidhi, waxa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan beri u yimid nin
murti badnaa oo la odhan jiray Sheekh Maxamuud Cali Qablax. Sayidka
ayaa doonay in uu in uu wax ka ogaado xikmadda Maxamuud lagu
sheegay, dabadeed wuxu Sayidku yidhi: “Maxamuudow rag yaa u kibir
badan?” Maxamuud waxa uu ku jawaabay: “Kolba ka u ladan”. Sayidka
ayaa haddana weydiiyey: “Rag yaa u caqli xun?”. Maxamuud wuxuu
haddana ku soo koobay: “Kolba ka u ladan!”
Weydiimahaa Sayidka iyo jawaabaha Maxamuud Cali Qablax oo la isku
daray ayaa waxa ay noqdeen murti dadka yaqaanaa marka ay u baahdaan
ay soo qaataan, halkii ku habboonna ay u adeegsadaan. Waxa dhici
karta in loo wada bogi karo murtidan amase lagu kala aragti duwanaan
karo. Arrintaas waxa aan ku dhaafayaa waa qof iyo aragtidiis.
III.Waddani iyo Sicirbararka
Warsaxaafadeed taariikhdu markii ay ahayd 19-kii Diisambar, 2015 la
faafiyey oo uu soo saaray xisbiga WADDANI ayaa waxa uu sicirbararka
la sheegay in uu dalka ka jiro ku eed eeyey xukuumadda. Haddii uu
sicirbarar jiro maxaa sababay waa in horta la isweydiiyo.
Sicirbararka arrimo dhowr ah ayaa sababa: arrimahaa qaar ka mid ah
waxa ay ka dhashaa n suuqa xorta ah iyo xoogagga ka dhex-jira (Demand
and Supply). Qaar kalena waxa ay ka dhashaan tallaabooyin ay
xukuumadda markaa jirtaa qaaddo. Markaa xisbiga WADDANI isaga oo aan
soo bandhigin baadhis ku saabsan waxa sicirbararka keenay uun buu
xuku umadda dhalliil ku qaadqaaday. Taasi markaa waxa ay u ekaan
kartaa dhalliil saldhiggeedu yahay kaambayn.
IV.Ka Fog Siyaasad
Qofku marka uu dhinto arrinkiisu waa laba mid uun: in uu iilka ku
bedbaado iyo in lagu ciqaabo. Waxa ka dambaysa aakhiro. Aakhiro dad
badan baa inta cidhibta iyo foodda la qabto naarta madax-madax loogu
tuuri doonaa sida ay diinteennu innoo sheegtay. Qaar baa inta naarta
lagu tuuro tiirar lagu xidhxidhi doonaa oo weliba lagu dabooli
doonaa, markaasay aad u bislaan doonaan. “Berrise waxay la iil tegi
allaha baaqiyaa garane; qofkaan daaqad boos le`eg jannada
uga bannaanaanin; waxa ba`ay nin baynoow cadaab lagu bisleeyaaye”.
Waxa aan uga socdaa in uu qof kastaaba garansanaado in ay xisaabi
dambayso. Dadka siyaasiyiinta ah ama dadka talada ummadda haya iyaga
taxaddir dheeraad ah ayaa la gudboon, waayo xoolo ummadeed oo si
sharci-darro ah lagu qaato ama dulmi la sameeyo iyadoo awoodda
dawladda la adeegsanayo adduunkana waa lagu khasaarayaa, aakhirana
dambarkeedu waa jahannama iyo dogob naareed.
V.Shaqada Siyaasadda
Dadka shaqo-doonka ah ee shaqooyinka u tartama waxa la weydiiyaa in
ay aqoontoodu shaqada ay doonayaan dabooli karto iyo in kale. Waxa
kale oo la weydiiyaa waayo-aragnimo shaqo oo dhawr sannadood ah oo
shaqooyinka ay doonayaan la xidhiidha. Qof aan aqoontii loo baahnaa
iyo waayo-aragnimo lahayn shaqo looma qaato.
Shaqada siyaasadda ee waddankeennu waa shaqada keliya ee aan
aqoontii ay u baahnayd iyo waayo-aragnimadii waxtarka noqon lahayd
aan la isweydiin ee la iska galo uun. Waa halkii abwaankiiye, "Waa
macnaha aakhiro seben midabbadiisiiye".
VI.Haweenay Fikiraysa.
Haweenay akhriska iyo qoraalka ku wanaagsan oo u dhalatay dalka
India ayaa waxa ay ka hadashay dabeecadaheeda wax-akhriska la
xidhiidha. Waxa ay tidhi: “Haddii uu qof iga codsado in aan kula
taliyo buug fiican oo uu akhriyo waxaan dareemaa mas’uuliyad weyn.
Waxa ay arrintaasi u eg tahay sida qof iga codsaday in aan kala
taliyo qofkii uu jeclaan lahaa oo kale”.
Waxa kale oo ay sheegtay in ay jeceshahay in uu had iyo jeer ka ag
dhowaado buugga ay akhriyeysaa. Waxa kale oo ay sheegtay haddii uu
qof kala furo buugga ay markaa akhriyeyso oo uu eego halka ay
akhriska marinayso in ay u aragto arrin xadgudub ah oo la mid ah
sida qof, qof kale la sheekaysanayey oo sheekadoodii ay si qarsoodi
ah cidi u dhegaysatay.
Waxay tidhi: “Waxan doonayaa in ay carruurtaydu qabatimaan
wax-akhriska, maxaa yeelay akhriska buug fiicani waxa uu qofka ka
dhigaa mid maskax badan, aqoon leh, ereyo badan garanaya,
xirfaddiisa waxqoristu ay horumar samayso isla markaasna si fiican u
fikira”.
Waxa kale oo ay sheegtay qofkii ka codsada in ay u yara dhiibto ama
amaahiso buug ay akhriyeyso in aanay codsigaa ka aqbalayn. Waxay
tidhi: “Codsiga jaadkaas ahi waxa laga yaabaa in uu igu kelifo in
aan qofka u iibiyo buug la mid ah ka aan haysto ee uu iga codsaday
in aan u yara dhiibo. Marnaba dhici mayso in aan qof u dhiibo ama
ammaahiyo buug aan gacanta ku hayo”.
Innaga dadkeennu hadal uun bay ka shaqeeyaan oo in ay wax fiican
qabtaan inta badan kuma dadaalaan, qofkii in uu wax wanaagsan qabto
isku dayana waa ay niyadjabiyaan.
VII.Maahmaah Gabay Lagu Daray
Abwaannada Soomaalida qaar ka mid ah ayaa maahmaahda mararka
qaarkood si qurux badan u adeegsada, oo inta ay farsameeyaan
maansooyinkooda ku dara. Maahmaahda caanka ah ee ah “Libaax nin
ganay iyo nin galladay kala og” waxa beri hore si qurux badan gabay
ugu daray Faarax Cismaan Kowto oo yidhi:
Libaaxuba nin ganay waa yaqaan guutaduu timiye,
Gibilkiisa nabarkii ku dhaca geydhi loo dhimaye,
Hadduu soo gadaalkaco asuu nolol cid gaadhsiiyo,
Geshigiisa wiilkii qabuu foodda geliyaaye.
VIII.Adkaysiga Geela
Geelu abaarta waa uu uga adkaysi badan yahay xoolaha kale.
Maansayahan Axmed Caynoosh ayaa beydadkan gabayga ah ku sheegay in
marka adhigu baxo, lo’duna ay tabaalowda uu Geelu yahay ka ugu
dambaysta soo hadho ee waxtarkiisa loo aayo. Waxa uu yidhi:
Marka adhi tirsiimadii hadheen dhaqasho loo tooyan,
Ee tacab ninkii moodayow lo'i tabaalowdo,
Ee Nugul tubaha ceelka iyo taagan yahay goob xun,
Ee waxa duleeddada laf togan tacajab loo yaabo,
Toobkaha hadhuubka ee la shuban Teeyoy adigaa leh.
IX.Af-Soomaali Gurracan Baa Lagu Heesaa
Heesaha dambe ee waqtiyadan danbe la sameeyo lana qaado, iyada oo
aan miisaankooda la eeginba, haddii loo fiirsado afsoomaali ahaan
bal inay si fiican oo naxwe ahaan sax ah macne buuxana leh u
samaysan yihiin iyo in kale. Waxa marar badan la arkayaa in ayna
afsoomaali ahaan meelaha qaarkood sax ahayn ama naxwe ahaan u
khaldan yihiin. Haddii miisaankooda la eegana dhalliiluhu waa ay sii
badanayaan.
Waxa yaab leh khaladaad yar yar oo fudfudud oo mararka qaarkood uu
qofka caadiga ah ee aan maansayahanba ahayni arki karo in ka
samaynaya iyo ka qaadayaaba ay arki waayaan. Dabadeedna waxa aad
maqlaysaa iyada oo la leeyahay “abwaanka qarniga” ama “fannaanka
qarniga” ama “alfannaan,” iwm.
X.Hadal Ay Munaafaqadi Ku Jirto
Reer Soomaaliya hadalkooda ku saabsan Soomaaliland waa uu is
buriyaa. Mar waxa ay yidhaahdaan: “Soomaaliland iskuma fillaan karto
haddii ay gooni isu taagto.” Mar kalena waxa ay yidhaahdaan: “Idin
kama maaranno oo waannu idiin baahannahay ee aynu mid ahaano.” Marka
ay leeyihiin idin kama maaranno iyagu iskuma filnaan karaan sow ma
aha macnaha qarsooni? Waa hadal ay munaafaqdi ku jirto.
Dhammaad
…La soco qaybo kale
W/Q: Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
|