Waaxda Warfaafinta ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ay aa War murtiyeed ka soo saaray xubno sheegay inay ku biireen xisbiga Kulmiye.

 


Hargeysa (TNN):-Waaxda warfaafinta ee urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa war murtiyeed ka soo saaray xubno sheegay inay ku biireen xisbiga Kulmiye.

War murtiyeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska shabakada wararka ee Timac ade  News ee magaalada Hargeysa , ayaa waxa lagu sheegay inaan ururka Xaqsoor marna ba waxba ku darsan doonin xisbiga Kulmiye, kaas oo ay sheegeen inuu kaw ka ahaa cadaa la daradii ka dhacday doorashada golaha deeganka.

War murtiyeedkaas oo dhamays Tirana waxa uu u dhignaa sidan.

Xukuumada oo doonaysa in ay rubiyad wiil cad ku dhasho.

Qaranka mushkuladihiisa waxa lagu xalin karaa maamulkana bulshada uu xukumo kalsoonid eeda u soo jiida cadaalad,xigmad iyo maamul caafimaad qaba; hase yeeshee, xukuumada maanta talisaa waxay isku mashquulinaysaa mar walba inay isticmaasho tabo raqiis ah , is la markaana ku bixiso kharash aad u faro badan oo ay warbahinta ku bixiso. Kharashkaas hadii bulshada wax manaa facaad leh loogu qaban lahaa baahiyo badan dabooli lahaa.

Xukuumada waxa aanu kula talin lahayn intay isku mashquulinayso waxaan maamulka iyo bulshada midna waxtar aan u lahayn in ay u jeedsato sidii ay u hagaajin lahayd siyaasada heeda dibada , ta gudaha,kobcinta dhaqaalaha,adkaynta amniga qaranka iyo wixii kale ee wadanka waxtar u leh.

Waxa kale oon halkan ku cadaynaynaa in ururka xaqsoor uu jiro jirina doono,mar walbana shaqsiyaad meelaha lagaga hadliyaa anay Xaqsoor majarahiisa waxba u dhimi karin oo aa nay marka horeba xaq u lahayn in ay magaca ururka meelahaas kaga maxaafsadaan iyada oo aanay madaxda ururku waxba kala socon. Masuuliyiinta Xaqsoor ee gobolka saaxil sida Cabdi Basbaas iyo xildh Adan cabdi waxay caddaynayaan in aanay xubnaha la adeegsaday Meteli Karin ururka oo aanay cidina u igman in ay magaca ururka ku hadlaan .

Tabaha rakhiiska ah ee ay xukuumadda Kulmiye adeegsanaysaa waxay u egtahay sidii isla antii dhali wayday ee aleelaha ku waalatay ee dabadeedna lagu yidhi wallee rubbiyad baan ad wiil cad ku dhalin.

Ururka Xaqsoor waxa uu caddaynayaa in aanu la midoobin lana midoobi doonin Kulmiye. Waxa kale oo aanu canbaaraynaa xadhiga iyo tacadiga lagula kacayo dhalinyarada iyo ha w eenka taageera Xaqsoor.

 



Ururka xaqsoor

Waaxda Warfaafinta