Waargeyska Haatuf iyo weriso oo dhami waa taalo qaran
Hamud Duale

 


Somalidu waxay ku maahmaadaa "Wax dhergey ka cabso, kol ay baraab adhi ku tahay". Waxa kale oo ay ku maahmaadaa intaanad falin ka fiirso. Waxaan uga dan leeyahay falka aad ku kacaysaa, haddanu mid san ahayn, sheeg sheegistiisu way ku dhibaysaa. Falka iyo werintiisa samaan iyo xummaanba, waxaa horeeya falka, werintiisuna way danbaysaa. Laakiin waa laba awooodood oo isbarbar yaala, mid waxaa iska leh adeegayaasha, midna waxaa iska leh warbaahinta. Haddii adeegaha amma xubnaha dawladu ku kacaan fal musuq maasuq, oo warbaahintu ka shifto, ma ku addaaduribaa, mise waa isbarax.


Haatuf xadhigeedu waa tumaati ku dhacday warbaahinta, xoriyatul qawlaka iyo habsami u socodka dimoqraadiyada, haddii hubaal lagu ladhana waa ammur beelaysan. Waa wax laga ajoodaa. Ganaax iyo xadhiga musu'uuliyiinteedu waa laga doodi karaa, laakiin xadhiga meh eradu waa ammuur culus.

Wixii qoran baa quruumo hadhee, ninka tirtir is leh alif macallin dhigayoo, waa kuu aqoonli’. Indhahaa garaadka laguu geliyoo, wixii tegey, waxa jooga iyo waxa soo socda midna ma c anayneysid, waxba dunida kama ogid. Maba ogid gu’ iyo dayr mid la gaadhi doono. Dharkayn baad mudmudeysaaye, waanad hoos maraysaa, waad murxi insha alla. Xaqay tegi. Waxaan la isku ogeyn baad hoos ka unugtee, xaqay tegi.

Sidaa wax ka dhigan, ninka dumi is leh iyo ka daleedshaa leh, danahooga awgood, wargeys ka Haatuf ee ah sumadda Somaliland kaga taala dhabanka, dhegta iyo dheega. Dawladihii Somaliland soo maray, waayihii la soo maray, barbaarintii dimuqraadiyada, wixii moora dug dhacay, wixii doorashooyin dhacay, muran iyo dhammaantii, waxay ku duugan yihiin baala sha wargeyska Haatuf, gar iyo gardaraba, amma jecloo amma ha jeclaan. Raadraaca taa riikhda Somaliland xumo iyo samaanteed maalin walba wixii dhacay, Haatuf waxay ka mid tahay sawracyada iyo isirada la xigan doono waligeed iyo waaqeed, intuu san ku neefle, waarwwarinayo dunida guudkeeda.

Xayiraadda iyo xanibaada lagu soo rogey Hatuf iyo Hubaal waxay la mid yihiin duminta ma saajidka laga dhex qotomiyey marsada Berbera ee loogu magac daray Mudane Sheekh Ax med Maxamud Siilaanyo. Haatuf iyo masaajidka midka sadaqo jaariya noqonaya, culimada ayaan u dhaafayaa, waa hadday ku dhaqmayaan muslinimo iyo muuminimo khaas ah.


Warbaahintu waa awooda sedexaad ee ay ku tanaadeen maamulada dalalka dimuqraadiya da ku dhaqma ee aynu ku dayanayno, hiigsanayno, sida distuurka ku cad. Waajibka warba ahintu waa in ay daaha ka rogto war bulshada laga dahaadhaayey, xumo iyo samaanba. Sidaa soo ay tahay, haddana distuurku umma sii laan daayo. Waxay leedahay warbaahintu xeer iyo xuduudo, iyagana xakameeya, xuquuqdoodana ilaasha. Xaashee kuma jirto xeerar kaas distuuriga ah, xidha, xaja, carjuuq dheh, caga juglayni iyo xukun qarqoosh.

Haddaba ummad yahay, afkaad doog ku cuntay, tan iyo M/weynihii u horeeyey ee Somali land ha ku daaqin caws. Ha dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday. Waxaan leeyahay far qabyaaladeed ayaanay togdheer innala xulin. Siyaad Barre siduu beri ahaan jirey, aya an loo dad qalatoobin. Xarago ayaan laga dawaarayn, midi ayaan daabka la cuskan. Xaqa iyo caddaalada ayaan la dhayalsan.

Waxba ayaanay arraartu ila durkine, aan hoos u daadego oo aan ugu horayn idhaahdo: “Duqii duq dhul gub, soo daadegyey duq dhul gub kaalaya dabraa duq dhulgub.”

Kadibna waxaan fara saari doonaa guud ahaan taariikhda warbaahinta Somaliland, gaar ahaan Haatuf, hirarkii la soo maray iyo haatan waxa jooga.


La soco qaybaha danbe