Waar Bal duul Allaw dhegeysta, duumo xaaqday!
Hamud H. Duale





“Xamarahan dagaagee dam ka siiyey beeraha, ninka wadhaf u daydayey, M/weynihii la doortay, dimuqraadiga ahaa ma ka daaya buu yidhi, ma ha duulin buu yidhi, ma ha daardaarin buu yidhi! Maalinba tay keenaa tii kale ka daran, Waar bal duul allaw dhegeysta duuma xaaqday, waar bal duul allaw dhegeysta duma xaaqday!

· Marka hore taageero af iyo adinba ah oo aan u dirayo Golaha wada tashiga iyo toosinta Qaranka, the first of its kind (National Politcal Presure Group) oo aan xil qaran u tartamayn. Marka xiga, waxaan balan qaadayaa ajuuradii, jilib dhiga amma burmayeelka ee xubinimadayda( Membership fee), maxaayeelay, waa halkii Gaariya eh :“Sheekadan dhanbaan ahay, dhex dhexaad kamaan ihi”. Weligayba xusbi qaran iyo xusbi beeleed midna kumaan toobad seegin, xildoon iyo xoola doon ma ahi, dantii maraate magac beeleed adeegsanayana weligee umma mashxaradin, col iyo laandayr baanu nahay, abkuu doono ha sheegtee.

· Kan waxaan ugu degdegey taageeradiisa hal aan tebayey ayuu u badheedhay oo kaalin banaanayd oo aan jecelaa in la buuxiyo ayuu galay; waa xertan doonayey in la asaaso, maantana baahi jirta ayaa keentay. Aniga waxay iiga dhigan yihiin Xerta wada tashiga iyo toosinta ee Qaran, si aan loogu malayn in uu yahay xusbi qaran oo afraad oo la asaasay oo baalmarsan sharciga, oo dhangag laha beelaysani dhufays u soo gelo, abkuu doono ha sheegtee. Golahan xubnihiisa iyo dawladu midna aflagaado ma gayaan, waxaasay mudan yihiin dhaliil iyo taageero macquul ah, hadday jiraan. Dawlada iyo golahan tartan kama dhexeeyo, Qarankaa ka dhexeeya, mid walba waajibaad gaar ah ayaa saran.

· Waxaan ku rajo weynaha in dawlada Somaliland ay garawsato Golahan, maalgeliso oo hawlahooda u fududayso, waayo waa baarumahii dawladu in ay dhoohdo ka ilaalinayey. Waxaan ku rajo weynaha in deeq bixiyayaasha maalgeliyaa doorashooyinku, hadday daacad yihiin maalgelin doonaan kaabayaasha barbaarinta iyo geedi socodka dimoqraadiyada iyo ururada bulshada ee siyaasada, ee madaxa banaan.



Intaasi waa aniga iyo dummadayda, aragtidaan qabo oo aan oogta ka cadeeyey. Bal aan hoos u daadego oo aan hadaltire ku sii ladho.

Layli biyaha uurkiisa ku jira, ayuu ka diidaa, iyada oo aan garri lagu afuufin, galoolna ku foodhyin. Dhagar qabana dhulka u dhaqdhaqaaqa, dhirtaa ku cida, foodhida dabayshiyo, ta fiinta ka didaa. Ilayn waa danbiiley.

Waxaan uga dan leeyahay dawladan ka didaysa Golaha Wada tashiga iyo toosinta, wuxuu daaran yahay maageedu in dalba juuqadeedaa wax la dedo ka xeel dheer tahay, qalqalooca geediga way og tahay. Waxaa ku sargo’an sumad laba aflayntii KULMIYE sameeyey, kala saaristiisii Madaxweynaha iyo Xusbiga. Denbigaana cid leh mooyi. Tolow yaa yidhi innoo kala gooya?

Macal cune muuqan dooneeye, diidmada qayaxan ee distuurka iyo dimuqraadiyadu baalmarsan ee dawladu waxay I xusuusey sheekadii ninkii ugaadhsadaha ahaa iyo biciidka. Haddaan soo koobo sheekadu waxay leedahay nin ugaadhsade ah ayaa kayn biiciid joogo soo galay. Ugaadhsadihii intaanu biciidkii arag, ayuu biiciidkii dareen galay oo ka shakiyey in loo soo dhukusayo, markaasu “bif” yidhi. Ugaadhsadihii ayaa maqlay biftii. Intuu yaabay ayuu yidhi “Taloo yaa u sheegay”. Malahayga wuu uriyey. Kadibna ugaadhsadihi wuxuu ugu jawaabceliyey biciidkii: “Ma ganide, ha sahadsan”. Dulacadaydu waa bifta dawladda wax baa nooga iftiimay. Waxaan leeyahay: “dawladee ma ganidey ha sahadsan”.

Haddaan intaa kaga gudbo hoga tusaalayntaa nasteexada ah iyo tamashlaynta waayeel oo aan dulmar ku sameeyo Ururada bulshada (pressure groups) gaar ahaan kuwa “Political Pressure groups”, waxaan ku soo qaadan doonaa Golaha wada tashiga iyo toosinta madax banaan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ee ummaddu yeelato iyo kuwii hore u jirey iyo kuwa haatan abuurmay ee danahooda gaarka ah ee u midoobey.

Sideedaba ururada loo yaqaan “Political Pressure Groups” ee madax banaani waa kaabayaasha dimoqraadiyada, waa dhaabadaha ummadi kaga badbaado diktaatooriyada iyo anigay igu gudhaa iyo maamul xumo.

Ururada bulshadu waa laba qaybood, qaar madax banaan oo habka dimoqraadiyada waafaqsan iyo qaar aan madax banaanayn oo magac u yeel ah oo waafaqsan habka diktaatooriyada oo dawladu maamusho.

Ururada bulshada (pressure groups) ee wadanada diktaatooriyada ku dhaqma, madaxdooda iyo ururkoodaba waxaa maalgeliya oo masruufa dikteetarka iyo mishiinkuu adeegsado, sidaa daraadeed isaga ayay u hogaansan yihiin oo danihiisa iyo ammaantiisa ka horeeysiiyaan danta bulshada, isaga ayay u adeegaan, bulshadana way marin habaabiyaan, mar haddaan la ogolayn kuwu u dhigma oo madax banaani oo toosiyaa. Waad soo aragteen kuwaas oo kale oo waa kuwii Bedel Bukaas adeegsan jirey, waa kuwii ku luuqayn jirey: “Burhaankaa baxaaya, Nuurkaa bildhaamayaa, dhawaaqay isku baaqayaan, barbaarta iyo shaqaalahoo is biirsadoo ………………………….”,

Ururada bulshadu waxay ka kooban yihiin qaar danahooda gaarka isku baahaysta in ay u doodaan oo u ololeeyaan, kuwaas oo ay ka mid noqon karaan ururka danaha macalimiinta, ururada xuquuqda haweenka, ururada xuquuqda dadka la yaso amma laga tiro badan yahay, ururada u dooda reer miyiga, ururada warfidiyeenada, ururada ardayda, ururada xuquuqda dhallinyarada iyo abaydinka iyo qaarkale oo badan. Kuwani bulshadeena way ka hirgeli waayeen oo dantii ay wada lahaayeen weli waxaa ka weyn Abnimadaa iyo qaadhaanka. Ma koraan, ma kobcaan. Waxaa ka gacan sareeyey oo hadheeya “Trible Political Pressure Groups”, kuwaas oo ka faa’ideysta iyo dhaqanka soo jireenka ah.

Dhinaca siyaasada, Somalida markaad eegto ururada danahooda gaarka ah isku bahaysta, waxaa ugu xoog weyn, uguna da’ weyn ururada garaadka la colka ah iyo wax alla wixii aragti cusub ku taamaya. Waa ururka odayaal dhaqameedka ee nidaamka beelaha intifaacsada. Ururkan dawladuhu kama maarmaan oo waxay u fududeeyaan nidaamka qaybi oo xukun, waxay taageeran siduu Gaariye sheegay: “Nin iskii kartidii isu taagi kareen, oo u haysta atteero laga hoos galo eeda” oo halkii lagala xisaabtami lahaa abuura beel wada mucaarid ah iyo beel wada muxaafid ah.. Ururkan iyo dhaqankaasi waa kii Xaaji Adan Afqalooc, Faarax Omaar, Timacadde, Gaariye iyo qaar kale oo badan tiirka qabadsiiyey, oo wax kasta oo ay dudubiyeen dabaqa saaray. Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ururkani waa ka soo hogaan bare ee af dhabaandhab aayar ah uu la aamusay.

Urur dhaqameedkani dhaaxuu nin hanaqaad isbiday soo hogaan baraye bal dayaa, waa kaa Proffessor Axmed Ismaciil Samatar sii dabayshadaye, waa kaa ka duday duulkii uu u bogi jirey iyo wadartii Somali weyn. Wuu nasiib badan yahay oo sidii SNM-ta Xabashida ummu gelin, ee Hargeysa ayuu jabhadiisa ka furtay, isaga oo ku luuqaynaya ninba waa mar eh, mus ma kula koray.

Urur dhaqameedkani waa ka soo xula golayaasha deegaanka, wakiilada iyo Guurtida. Waa miisaanka la saaro maalinba golaha fulinta cidda xilka loo dhiibayo, iyada oo aan karti iyo hufnaan loo eegin. Urur dhaqmeedkani wuxuu kala furfura Arday isku dan ah, macalliimiin isku dan ah, shaqaale isku dan ah………………….

Ururkani wuxuu ku guuleystey in warbaahinta casriga ee adeegsata teknoolijiga ma dhaafaanka ah, in aanay beelnimadii iyo aragtida odayaal dhaqameedka ka madax banaan . Waa ururka kelifey in ay beel waliba xaadhin samaysato oo ay keeb la yuurur ahaato, jil isla tooxaaya.

Ururka kale ee laxaadka weyni, waa urur diimeedyada; culimada dafaarka ahi, adeegsadaan. Waa fiqiyada aan tolkood ka janna tagin. Waa fiqiyada xildoonka ee dhallinyaradu u adeegsada in ay isbiimeeyaan. Waxay gacan saar leeyihiin oo isku hiiliyaan Odayaal dhaqameedyada. Danahood guud iyo baqamaalka bulshada way ka midaysan yihiin. Waxay adeegsadaan “Xagu gebi, Xaguna gebi, guntu walalac, aakhiruu war jiraa” dabadoodna lama baano. Ururkani weligii umma hiilin waxgarada iyo abwaanadii aan kor ku xusay. Dantooda kama gaabsadaan oo way isku duuban yihiin iyaga oo islamarkaana, sida siyaasiyiinta beelnimada isku ekaysiinaya, in ay daacad u yihiin.

Ma soo wada koobi karo ururada eh, waxaan intaa raacinayaa ururada nin iyo meeshii ka dirirka ah sida guul wadayaasha Darban ee meel laga dalbanayo aanad garaneyn iyo gaara bildhaanada markay xil hayaan iftiima ee difaac beeleedka galay, marka xilka laga wareejiyana weerar beeleedka gala ee aan labada goorood garaadkisu mid uun yahay, waayo ninka reer difaacaya iyo ninka reer u dudayaa, wax isma doorshaan. Gabal dayaha, la shaqeeya cadceeda beeshooda hadba u soo baxda, ee marka mid reerkooda ah la magacaabo, wishiiriya ee wiwidha, marka laga wareejana murugooda ee madoobaada ee weliba wallaha ku rafta iyo anaga ayaa la noo jeedaa. Kuwan laftoodu ma hawl yara, waa kalkaaliyayaasha, kooxda Odayaal dhaqameedka iyo dawlada, si toos ah iyo si dadban ba.

Haddaba ururadani waa kuwii hidaha iyo dhaqanka oo barkhadooda iyo balaayadoodaba horaa loo soo arkaye, waxaa Somaliland daad u soo galay markii KULMIYE la wareegey xilkii qaranka. Waxaa Abuurmay urur kooxoodyo aan la isku ogeyn. Markiiba waxaa kala xidhiidh furtay ururkii la doortay iyo hogaamiyahoodii oo Madaxweyne noqday, kadibna Waxaa Unkamay urur kooxyadan danahooda u midoobey:

· Urur kooxeedka dawliga ee uu hogaamiyaha ka yahay Axmed Maxamud Siilaanyo.

· Urur kooxeedka Kulmiye oo sii kala kacay, kuna murmaya biciidkaan dili doono baruurtiisa, sabaga laga shiili doono anigaa cabi doona iyo cabi meysid.

· Golihii Wakiilada ee dadweynuhu soo doortay, ayaa iyaguna isku rogey urur kooxeed danahooda gaarka u midoobey oo la hal maalay urur kooxeedka dawliga ah, muxaafid iyo mucaaridna aan kala lahayn, taladood waxay noqotay mashahar kordhis, cimri dhererso iyo in ay isku dhigaan wadiifad iyo wasiir sugayaal. Dadkii soo doortay ee xilka u igmadey way ka maarmeen.

· Guurtidii iyaduna waxay isku bedeshey urur kooxeed danaheeda ka doorbiday danihii qaranka. Taladood waxay noqotay waqtiga oo la kordhisto iyo mushaharka oo la kordhisto, waxay ku luuqeeyaan geerida horteed, daar cad bay gogshu ii taal. Dana kama laha xilkii qaran ee loo igmadey.

· Ururadii mucaaridka ee shacbigu xilka qaran u qoondeeyey, ayaa iyaguna siqiiray, markay golayaashii midoobeen, ee afti ay ku yeelan waayeen golayaasha dhexdoooda ee la takooray. Iyaga laftoodu haybadii xusbi qaran, way ka guureen oo waxay iskugu biyo shubteen xusbi kooxeed. Qaar badanina xubnahoodu waa wasiir sugayaal iyo wadiifad loo magacaabo.

· Distoorkii qaranka, waxay ka dhigeen distoor kooxeed iyaguun u adeega, waana sobobta keentay in dawladdu ku doodo Golaha wada taashiga iyo toosinta wuxuu baalmarsan yahay sharciga. Ma baalmarsana laakiin waxay baalmarsan yihiin distoor kooxeed iyo sharciga la jiifiyaana banaan.

Intaas oo halbaas ah is hareer taal, waxaa masruufa wadhatada. Ku darso, ina dan sheegow, waxaa sii dheer la taliyayaa G/Madaxtooyada hoganeysa oo aan tiro iyo cadad lahayn, iyo guddiyo isa saarsaaran oo tiro mooyee aan tayo lahayn oo dhammaantood ku luuqaynaaya nafta dooji mooye qaranimo laga xawaaree. Midi bay daabka haystaan.



Waxaas Xamara ah oo dagaagay oo beerihii dam ka siiyey, colka wadhaf ku dayayaa ma danbiilayaalbaa? Waa su’aal jawaab leh iga war dhawr.



“Intaas oo marxaladood duulka soo mara nahay, haddana maanta ka horoow, dhagaxyaale nama helin, haddan manta ka horrow dhuunyaale ”.

La soco qaybaha danbe