Waa Wax Laga Xumaado Inay Xukumadeenu Hadasho Mar Uu Qarraarka Gollaha Amaanku Soo Baxayba

 



Waxa wax lala yaabo ah inay Xukumada Somaliland Qayliso wakhti ay Xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen oo Gollaha Amaanku soo Saaray Qaraar diyaarintiisu socotay mudo dhawr bilood ah oo hadal hayntiisu meel walba taalay. qaraarkan oo ku saabsan dhawr arrimood isku dhafan sida in Laga qaaday Cunaqatayntii Hubka ee wixii la isku odhan jiray Somalia saarnayd, wada shaqaynta Qaramada Midoobay iyo Somalia iyo waliba midnimada iyo israacsanaanta wixii la isku odhan jiray Somalia (territorial Integrity of Somalia).

Xukumada Somaliland intii hadal haynta arrimahani socdeen si cad ugamay hadal arrimahan halis ta badan ee runtii xagal daacada ku ah qadiyada Somaliland. Xukumadu marna si adag oo rasmi ya ugumay gudbin doodeeda Gollaha Amaanka, wax qoraal rasmiya ah oo ka hadlaya mawqifka

Xukumada Somaliland ma jirin kaasi oo hadii uu jiri lahaa wax weyn ka badeli lahaa mawqifka Goll aha Amaanka oo xiitaa suuragal ka dhigi lahayd in lagu daro qaraarka in Somaliland si gaara loola shaqeeyo oo aan waxba loo soo marin Somalia iyo in Wada hadalada Somaliland iyo Somali in lagu daro qaraarka kaasi oo kor u qaadi lahaa mustawaha wada hadalada Somaliland iyo Somalia mee shana ka saari lahaa qodobka odhanaya Midnimada Somalia waa muqadas kaasi oo runtii sawir xun siinaya beesha Caalamka siiba inta u soo jeeda Qadiyada Somaliland.

Waxan aad uga xumahay Inay Xukumadeenu tahay Xukumada huruda oo aan xiitaa garanayn af ka diplamaasiyada iyo sida Caalamka wax loogu sheego, maaha inuu Wasiir microphone ka hadlo balse caalamku wuxuu leeyahay hab loo gudbiyo mawqifkaaga iyo luuqad lagu qoro iyo in cida ay khusayso ee rasmiga ah gacanta laga saaro, iyada oo la xulanayo luuqada ku haboon ee ay ku fa hmi karaan mawqifkaaga. Somaliland Wasiiradeedu waxay ku hadlaan af Somali oo waxay la had laan warbaahinta Gudaha, warbaahin caalami ahina ma joogaan Dalka inta badan haday joogaa na waxa u jooga Somali, warbaahintuna ma turjunto hadalka sida loo yidhi ee waxay ka soo qaa taan inta ay rabaan. sidaas darteed Xukumada uu madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Siil aanyo way ku fashilantahay doorkeeda ka hadalka arrimaha xaasaasiga ah ee ka socda mandaq ada iyo caalamkaba, kaasi oo marwalba Xukumadu aanay warba ka hayn waxa socda, iyada oo soo baraarugta mar dhacdadiiba dhacday oo aanay ka daba tag lahayn.

Shalay wixii ka dhacay Gollaha Amaanku wuxuu ahaa wax ku lidi ah Qadiyada Somaliland, waxana wax aad loola yaaba ah inay Xukumadu hadasho mar uu qaraarkiiba soo baxay, hadaba Xukum ada ma shacabka ayay been u sheegaysaa oo ay leedahay waxan diidnay Qaraarka Hubka lagag a qaaday Somalia. Xukumadu ha iska dhaafto laba wajiilaynta iyo ducufnimada ay ku hagayso So maliland oo ha noqoto mid hogaamisa dhacdooyinka gudo iyo debadba ka dhacaya.

Xukumadu waa inay iska deysaa Jilayca iyo hadalada ay ka muuqato daciifnimada iyo aqoon darr adu, waa inay u hadasha si adag oo diplomaasiyadi ku jirto. kana toostaa hurdada oo ay saada alisaa dhacdo kasta oo wax u dhimaysa Qadiyada Somaliland ha noqoto mid gudo iyo mid dedaba deedba.

(NINKII SEEXDAA SICII DIBI DHALAY - XUKUMADEEY)
 

 


Yuusufu S. Wacays

muwaadin2000@gmail.com