Waa Sheeko Taxane Ah oo magaceeda la yiraahdo Isbedel Doon - Qaybtii 2-aad

 

 

Dhalinyartani Dhawr jeer ayay ka dalbadeen Cali yare  kooxdo odan DHAWGA la yidhaa inuu ku soo biiro oo uu waliba  Ciyaar aha meelaha dhexe ka ciyaaro wuuse ka diiday in badan  arinka as Daciifkaa, waxay u sheegeen in hadii uu kusoo biiro  ciyaary ahanadan uu si dhib yar u noqon doono Wiil Ilbaxnimo badan oo sificiin ula jaan qaadi kara caalamka ,


Waxaanay u raaciyeen Reer Miyinimada(Badawnimada) iska daa niyaw sawdiga Magaalo ku dhashay ee intaa kusoo leekaaday maaha waa ku side saaxiib?, kaalay wakhtiga la Jaanqaad hadii kale waxaad la kulmi doontaa dib udhac iyo madaw madaw badan. Waa maxay dhaqankan xunee aad sidataa? Waar niyaw  aduuny adu hore ayay u socotaaye maxaa dib kuu celinaya? Oo dhaqan Gaboobay oo  dad kii lahaa dhinteen aad dib ugu laabanaysaa? ,Waar kaalay Nacasyahaw  aduunya da la jaan qaad oo horumar iyo ilbaxnimo samee Dharkan xun iyo Dhaqankan xuna iska badal Cajiiiiiib..Cajiiib waxay tuseen Humaag yaroo Dhalanteeda.


Dhalinyartani waa qaar wakhtiyo hore la geeyay, Iyo qaar ku dhashay Dhulalkaasi Yurubta, America iyo Imaaraadka Carabta Balse markii ay ku maqnaayeen in mud o ah ku dhex wareeray Caalamkaas iyagoo dhibta ugu waynee haleeshay ay  aha yd in ay ka tageen Diintoodii iyo Dhaqankoodii una horseeday inay  garanwa  aya an Yoolkooda, kadibna lagusoo muday waxyaabo Drugs ah oo uu ka lumiyay  Ham igii iyo dadaalkii saaxiibna ka dhigtay Badwaynta Balwadaha ee aan dhamaan . waxaa loo tilmamay Daruuro aan jirin, Ilbaxnimo samee intii ay islahaayeen ayay jar ka dhaceen waxaanay laaceen Laamo Foorara oo Laagna ka hoosayso.

Marka aad isha ku dhufato waxaad la yaabaysaa Qaab dhismeedkooda, hadii ay na dhegayso ku yidhaahdaan waxaad moodaa Loox meel lagu tiiriyay, Humaag ahaan way ina matalaan,Waxaad moodaa inay Caafimaad qabaan balse arinku sidaa ka Qoto dheer !!!! In muddo ahba saaxiibadani waxay ku daaleen Helida Musbaarkii juxe, Markan waxay ka heleen isaga oo lagu tuuray Ceel Qudhun Badan oo loo yaqaan “ Ilbaxnimo”, Ceel lagu Guro, Qashinka, Eyda dhimatay, iyo  waxyaa b aha laga fogaynayo Deegaanka, waa yaabe Ma ididiiladooda ayaa dhigaysa In qashinka Umada La quudiyo, mise waxay saaxiibadani Hilmaameen in qashinka Xanuuno badan laga qaado, sawkuwa Iskuulada Orobba ku dhigtay in ka hortagu ka fiicanyahay Dawaynta”

Cali yare waa kan waxuu dhago adaygaba aqbalay codsigii ay u soo gudbiyeen nimankii u gacan haadiyay iyagoo ku Harawsaday erayga ilbaxnimo iyo  ilbaxnim ada la jaanqaad oo is badal samee waxay ku rideen ceelkaas qudhunka badan …… Cajiib.

Maalmihii hore Cali yare waa uu ku dhex dawakhay qaabka ay wax uwadaan, iyo sida ay hawshu u socoto waxaanu ahaa Maqane jooga, waxuu indhaha kala  socd ay hawluhu siday u socdaan,

Intaanay dhawr wiik(Todobaad) ka soo wareeginba Intii u ceelka qudhunka badan ku dhex jiray ayaa waxaa dhacday in ay Cali yare is laayeen mid xunoo Xerta ka mida oo Gabadh Qash-qashaadayay kadib waa kuwii Saaxibadaadii kugu qayliyay ee kugu yidhi: Niyaw maanad Ilbaxaynba?,badawsanidaa!!!,


Cali yare Fikradii waxay ugu dhex baahday sidii Daaq(Doog) qalalan oo dab  qabsa day waxuu ilbaxnimada u qaatay Dheeman oo kale in mudo ahna baadi goobayay *Ilbaxnimada* Baryahan danbe Waxaa kugu badatay Sheekada ‘Civilization’, haa Civilization mar walba waadiga ku hadaaqa, Cali yare wuxuu ilbaxnimada ka  raadiy ay dhaqanka reer galbeed ee wada fusuqa, wuu u jeedaa in dhinaca Teknoolajiga ay ka gaadheen Mudnaan iyo Meel Cajiib ah, balse waxa Indhihiisu u jeedaan in dhinaca Akhlaaqiyaadka ay Mutaysteen Xaqiirnimo halkii ugu dambaysay uguna liidatay. wuxuu is ilawsiiyay waxyaabihii Kaabiga u ahaa fikradiisii hore ee ahaa in Ilbaxnimada iyo Horumar kasta oo ay reer galbeedku gaadheen ay ka baadheen Diinta Islaamka, Saynisyahanadu caalamka kuwooda ugu waawayna ay qireen in wax walba oo ay hindiseen uu Diinta islaamka hore ugu xariiqnaa,Wuu iska  dhaqa a qay isaga oo dhabarka ka tuuray xasuusihiisii Qaaliga ahaa ee uu ka akhriyi jiray Buugta wuu sii xasuusanyahay xusuusihii ugu dambeeyay ee uu ka akhriyay Buugii ka sheekaynayay Ilbaxnimadii Islaamka ee Isbayn, iyo in Boqorada Yurub  Dhalin tooda u soo diri jireen dhulka islaamka, iyaga oo ku soo lifaaqaya Codsi ah in  Wax barasho bilaash ah oo loo hayo, Mar mar dareen ayaa yara canaananaya oo  wux uu is leeyahay sawdigii xataa Muxaadarooyin badan ka dhegaystay ilaa maantana ay muuqato Ilbaxnimadii islaamku ka bineeyay dhulkaa Yurub iyo  Caala mka oo dhanba ,

Wuu ilaabay ama wuu is ilawsiiyay Si kama ah dhaqankisii isaga laftiisu hadda  wax a uu u arkaa waxyaabo Beri hore jiri jiray , wuxuu qaatay dhaqankii saaxiibadii ay ugu tilmaameen Ilbaxnimada iyagoo u sawiray in hadii uu doonayo horumar uu u baahan yahay in aanu u baahnayn inuu dib u jaleeco waqtiyadaa laga yimid .Iyo wakhtigii Rasuulkeenii suubanaa CSW waxaanay u raaciyeen niyaw fulaydnimada iska daa…….. Cajiiiiiiib,, Bal ka waran hadii Cumar binu khadaab la soo nooleeyo Dunidan imika wuu ku dawikhi lahaa runtii !!! jidhka marka uu is geliyo Cali ee  waa yo uu yidhaa waxay ugu jawaabaan, berigaa Xoog iyo awood ayaa dunida ka  sha qayn jirtay oo waxaa lagu dagaalami jiray Seefo u baahan Awood, balse imika qofka Dunida ugu fulaysan ayaa Caalamka Dhulka la simi karaya !!! diyaarad !! markab!!!Nukliyeer !! saaxiib ilbaxnimadu xadhkihii ayay Goysay !!

In mudo markii aad xertan ka mid ahayd waadigii Waxbarashadaadii kolba inyar soo jarayay, waxaad markii hore bilawday inaad iska dayso Sheekhii aad habeenkii ka baran jirtay Kitaabka Buluuqul –Maraamka iyo Salaadii oo aad maalina Tukato maalina is ka dhaafto….. Cajiiiib, waxaad ku badashay halkii Sheekha Sheeko Baralayda Dhalinyarada Halawsan sida Heblaayo Maad taqaan? waaa Subag,.. Taa saw ma aragtid waa Al-qacida ha u dhawaan hadii kale way isku kaa Qarxin,Tan ka waran? Waa dookhayga, Sigaarkii maad haysaa? Haafkaa iisoo gaabi, sidii aad Meelahaa kaabadaha u fadhiday waadigii wax walba Seegay sida iskuulkii oo aad baryahan maalina Tagto maalina iska dayso.

Odaygii ku dhalay wuu ka yaabay baryahan qaabkan Qalafsan ee aad u  dhaqa nto,Tukaankii ayaad iska daysay xisaabtii aad xiliyada danbe ka shaqayn jirtay goor kuugu danbaysay mooyaan, Salaadii ma tukatid, Awal habeenkii hore ayaad u seexan jirtay sida Digaaga aroortiina waxaad toosi jirtay Salaada Subax sida Diigu Aroortii dadka u toosiyo ayaad adna u toosin jirtay Xaafada Salaada Subax dibna ugumaad noqon jirin hurdada, kadibna Dugsiga ayaad u diyaar garoobi jirtay,Habeenadan danbese Xaalkaagu wuu is badalay cid walba way ku ogtahay inaad hawo gadis samaysan Waanay kaa muuqataa inaad Isbedal-doon tahay qof walbaana wuu dareen san yahay taasi Alaw ha na doorin!!!!,

Aroor dhawayd adoo hurdadu kugu yarayd oo aad Afartii habeenimo soo  seexa tay ayuu Aabo ku toosiyay oo uu kugu yidhi aabo xiligan aad hurudaa waa maxay maanad Iskuulkii tagayn anuu baryahan xaalkaaga garan maayee inamari saaka waan kuu Raacayaa Iskuulkee malaha Maba tagtide halkan dhexdaad ka soo  noq otaaye ,

Ma anagaad iskuulka noo raacaysaa maanad arkayn gadhkayaga, “Eeyaahee  oro doo Buuqa Nagala tag,” Allaw hana doorin !!!

La soco Qaybta 3-aad

 

 

 

Fuaad Abdilaahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com