Waa mid aan la ilaawi karin halgankii soomaaliland loosoogalay

 


ugu horay waxaan salamayaa dhamaan umada rer somaaliland meel kastoo ay jogaan waxaan tacsi udirayaa dhamaan dadkii ay kukeeriyoodeen halyayadii usoo halgamay sidii ay uxorayn lahayeen dhulkooda iyo sidii ay dhalaankooda uu hurdo useexdo.

Halgankii snm wuxuu uu ahaa mid xusuus mudan maaha mid aanu ilaawi karno hadii aanu nahay da yarta soomaaliland markastana waxaanu ugalaynaa sidaanu uxusi lahayn dhulkayaga qaaliga ,wuxuu ahaa mid xusuus mudan majiro qof ilaawi kara halgankii loosoomaray dhulka hamhuuriyada somaliland kaas oo ilaa hadana heegan loogu jiro in uu ku waaro barwaaqada ,nimcada uu kusuganyahay ilaa hada waxaan aad ugu mahad celinayaa dhamaan raga iyo dumarkii halganka usoo galay soomaaliland ,fanaaniintii,waxaanaan leeyahay ilaahay intii dhimatay haw naxariisto inta noolna haku waraan barwaaqo ,nimco iyo nabad.



Soomaaliland maanta waxay ku jirtaa wadamada loogu hadal haynta badan yahay caalamkuna uu ku hal qabsado oo ay dhahaan madaxdu kudayo somaliland hadaad rabto horumar,mustaqbalka dhawna wuxuu noqondoonaa dhulka loosoo dalxiis tago inkastoo uu hadaba yahay lakiin waxaan rajaynayaa in uu noqdo ka uu dhamaan caalamku usoo dalxiis tag,soomaaliland waxaan leeyahay umadeeda ilaashada nabadiina ,barwaaqadiina waxaana idinku filan wixii idin soomaray waxaan idin kaga tagayaa,xususnaada somaliland diidkow erayadan



Daraad waxaan tabanayiyo

Shanta isladooniyo

Dareenki lixdaneeyo

Haduu dayocoodii dhacay

Damiirkii shalay I badan

In aan labada isku daro

Maantana dibu gurashiyo

Dudada xidhabuu iyidhi

Xusuunaada qaranimo bilaash maaha waxaanan idinku boorinayaa in aynu gaadhi doono inta inaga dhiman ee ah aqoonsiga usamroo suga

Maanso midnimo qaran

Midnimo qarankeena weeye

Mahiigaan hooray weeye

Man iyo ubax baxaya weeye

misbaax iyo sagal iftiimay

markaan selolaan kacaba

midkaan ku hadaaqo weeye

mid hobaani taalo weeye

mirood subixii hilaacay

hubaal mayay gaaxday weeye

macaankii nolosha weeye

midi loo hagar baxaayay

midkaan ku maqsuudnay weeye

milgaha nolosheena weeye

muraadkiyo aayaheena

mdkuu kudanbeeyay weeye

muuqii afrikoo dhan weeye

maxaa halyay loo idleeyay

madaafiic lagu afmeeray



MIDNIMO QARANKEENA WEEYE



maxaa geesi loo xabaalay

magliga lagu jeexay qoorta

magaanbaa intaa kujooge

maxay dib ujeesan wayeen

maxay jaah wareer ku beereen

maxay cadawgii irdheyeen

maxay gayigaba xoreyeeN



MIDNIMO QARANKEENA WEEYE

maxay calankii katageen

maxay nabadii ilasheen

maxay aqoontii tayeeyeen

maxay dhalinyariyo wayeel

maxay diin tooda shawreen

maxay jamacado samaysteen

maxay jahligii takooreen

maxay dhismayaal katageen

maxay bilicdii asteeyeen

maxay sharcigii kutalabsamen

maxay golayaal uqaybsheen

maxay gobanimada dhawreen



MIDNIMO QARANKEENA WEEYE

miidiyo hadalkiyo dhamaad

midaan udanleeyay waa

mudnaanta bulshadeena weeye

mulaaxdiyo geedaheeda

markuu mayaygii ku hooray

maxay laydh macaan iqaaday

markaan dhinacaa jaleecay

maxaan uhadaaqay guusha

maxaan gobanimo haleelnay

maxaan hurdo gama jagsiinay

soomaaliland maxaan kutaamay

midaan uhorumarayo

MIDNIMO QARANKEENA WEEYE

 

 

 

 

Erayadii nafisa X.Ciise Yusuf {kalagacal}
Email”nafisasomaliland@hotmail.com