Waa maxay Shaqada Dhabta Ah ee Golaha Barlamanku?

 

Sida caadiga wadan kasta waxa uu leeyahay astaamo guud oo u dejisan aduunka laguna yaqaan jiritanka qaran. Badiba dawalad kasta oo  dadke edu aqoonsanyihiin waxa ay ka koobantahay sadex waxood oo mid  wali ba shaqo u tagantahay una xilsaarantahay kuwaaso kala ah (fulin, sha rci-degji iyo garsoor) waxa loo yaqan kuwan sadexda dhardhaar ee ay ku tagantahay dawalad, ujeedada sida loo yeelay waxay tahay in waax kataba shaqadeed ku ilaaliso waaxyahay kale si loo helo ilaalin iyo isu dheeli-tir xaga awwodaha maamul ah (check and balance).

Sida jirta somaliland waxa ka jira khilaaf ku saaxbsan xaga kala lahaans haha shaqooyinka ay qabtaan sadexda waxyood ee aynu xusnay, wax ana muuqata gar ahan in waax kamida waxyahaas ay maroorsatey  shaq ooyinkii iyo wajibadki waxyahay kale ee qaranaka.

Waaxda fulinta oo ka kooban Madaxweynaha, ku-xigaha madaxweynaha iyo Golaha wasiiradu waxay mar walba dhabarka u riteen shaqadii  sharc idejinta iyo garsoorka, waxana muqata in ay luntay isu dheeli tirkii  awoo daha sharci ee uu ku dhisnaa dalkanu, mar walbana waxya ku doodan in ay iyagu waxkasta awood uleeyiniin waxanay meesha kasaaran  wajiba dka hay’adaha kale ee qaranka gaar ahan sharci-dejinta oo ah  Barlam anka.

Mar walba waxaynu maqala masuuliyiin ka tirsan fulinta oo ku doodaya in shaqaada barlamanku tahay sharci-dejin oo keliya oo aanay wax kale ka hadli Karin isla markana sharciga ay dejinayaan yahay mid ay ogolaansho uga haystaan fulinta.

Hadaba bal aynu eegno waxa ay tahay shaqada dhabta ah ee barlamanku:

1. Sharci dejin (legislation): golaha baralamanku waxa uu curiyaa sharciyo iyo xeerar ama waxa uu wax kabedel iyo kaabis ku sameeya sharci/xeer ay usoo gudbiso Golaha fulinta/wasiirada iyo hayadaha kale ee qaranka.

2. Wakiilnimo(Representativeness): barlamanku wuxu wakiil ka yahay dhamaan bulshaweynta soo dooratay waxana uu soo saari karaa go’aamo gole isagoo ku metalaya shacabka, go’aanka ay gaadhana waxa uu noqonaya mid ka turjumaya dareenka bulshada.

3. Ku ilaalinta sharciga (over-sight) baralamku waxa uu sharciga ku ilaaliya waxyaha dawalda ee kale fulinta iyo garsoorka, sidoo kale wax uu ogolaansho ka gaadha heshiisyada caalamiga ah taso ka dhigan in aanu dalku heshiis uu galay fulin Karin hadii aanu ogolaansho buuxa ka helin barlamanka.

Marka aynu eegno shaqada barlamanaka waxa kuu cadanaysa khaladaadka iyo gefka ay fulinta somaliland ku hayso waxyaha kale ee qaranka taas oo hadi ay sii socoto horseedi karta burbur iyo dhibaato, hadaba marka ay sidan noqonto waxa garsoor noqoda bulshada waxana cad dareen ahan in bulshada reer somaliland kasoo horjeedo ficilida ay ku kacayso xukuumadu kuwaas oo ka dhan ah qanuunka dalka u yaal iyo dhaqankaba.

Waxan usoo jeedinaya xukumada somaliland in ay u hogaansato sharciga isla markaan faraha kala baxdo shaqada waxyahay kale ee ka jira dalka ee dastuuriga ah.
 

 

 

Axmed SAleeban Nuur
Hargeysa Somaliland
Axmed_saleeban@hotmail.com