Waa maxay dareenka dadkii arkaayay ka bixiyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo si lamid ah sida shacabka udhex maraaya Hargeysa

 


Waxay ahayd abaaro 11:25 daqiiqo ee subaxnimo maalintii Sabtidii ee 04/10/08, waxaan wakhtigaas kasoo dhaqaaqay Dahabshiil xaruntiisa gargaar anigoo ku degdegaaya Huteelka Hargaysa Club , dabcan wakhtigan wadooyinka waaweyn ee Hargesa waa mashquul xaga socodka baabuurta, waxaan soo maray wadada hormarta Dugsiga Sheikh Bashiir aniga oo wadada kaga soo dhacay dhinaca masaajidka weyn ee uu dhisay Ibraahin dheere agtiisa, gaadhi ah nooca looyaqaano Crown oo madaw ayaan ku hagaagay oo kubeegnaa halka aan kaga soo dhacaayay wadada, waxaan yara jeclaystay in baabuurkaasi uu iga yara joojiyo baabuurta kale oo uu ii ogolaado in aan dhaafo balse markii aan eegay darawalkii baabuurka oo afarta muraayadoodba udegsanaayeen waxaan isha ku dhuftay madaxweyne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo fadhiya kursiga hore ee kuxiga darawalka, xaga danbe ee gaadhiga waxaa kujiray askari dirayska xidhan oo u muuqday in aanu ku hubaysnayn qoryaha ay caanka ku ahaayeen ilaalada madaxweyne kuxigeenka oo ah in in ay kujeeniqaartaan qoriga loo yaqaano PKM, waxaan ku salaamay gacan haadis madaxweyne xigeenkuna oo ay ishayadu isku dhacday isaguna sidoo kale, waxaanu waliba hadana madaxweyne kuxigeenku ii ogolaaday in aan anigu kahorgalo wadada balse sida uu damiirku ina faraayo waxaynu ixtiraamnaa madaxdeena waxaanan usheegay darawalkii gaadhigu in uu iska socdo.

Intii aanu wali dhaqaaqin ayaa arday yaryar oo kamid ah ardayda dugsiga Hoose dhexe ee Sh.Bashiir oo wadada ka talaabayay waxay arkeen madaxweyne kuxigeenka waanay utageen si ay usalaamaan isaguna dhamaan ardaydii wuu gacan qaaday dhamaantood , intii uu wadada maraayay oo dhan madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxaa uu wadada maryaayay isagoo lamid ah sida dadka kale ee shacabka ah oo xataa muraayadaha gaadhigu dhamaan way degsanaayeen waxaa uu daawanayay dadka lugaynaya wadada, meheradaha wadada dhinacooda, iyo baabuurta kale ee wadada maraysay waxaanan anigu is idhi malaha waxaa uu madaxweyne kuxigeenkii dalku qiimaynayaa xaalada dadkii soo doortay ee uu madaxweyne xigeenka uyahay.

markii gaadhiga siday Axmed Yuusuf Yaasiin maryaayay wadada isgoyska ah ee Togdheer ayaa waxaan maqlaayay gabadh dadkale kuleh miyaad arkaysay madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo aan maanta wadan askartii iyo gawaadhidii tignikada ahayd, hadalkeeda way sii wadatay gabadhaasi oo waxay tidhi maxaa sidaas oo kale udiiday inta ay shacabkii doortay xooga ugu dhexmarayaan iyagoo sidan oo kale udhexmari kara, waxaa gabadhaas oo hadalkeeda sii wadatay tidhi tolow madaxweyne Rayaale maka suuroobi doontaa in uu ciidamada iska daayo oo uu sidaas shacabkiisa doortay udhexmaro.

Hadaba aragtida dadkii arkaayay madaxweyne kuxigeenka oo si aad soo jiidasho uleh udhexmaraya Hargaysa ayaa waxay keeni kartaa mid uu ku kasbado taageero shacabka ah, inkastoo qaar kamid ah dhalinyaradii wadada maraysay ee isha ku dhuftay ay ku macneeyeen in uu madaxweyne kuxigeenku sidan uyeelayo bilihii ugu danbeeyay ee xukunkiisa in uu soo jiidasho sameeyo oo hore looga baahnaa.

Isaga oo madaxweyne kuxigeenku maalintaas markaad qiimayso sida uu hareeraha wadada u eegaayay umuuqday qof muddo dheer kamaqnaa magaaladiisa oo daadaawanaya, waxaanu dhinac markaad ka eegto uu lamid yahay qof kamaqnaa magaaladiisa maadaama inta badan wakhtigiisa uu kuqaato madaxtooyada marka uu soo baxana aanu sida maalintaas oo kale isagoon askar wadan dhexsocon.

Sida caadiyan macruufka ah waxaa inta badan lagu yaqaanaa madaxweyne kuxigeenka Somaliland iyo madxweynahaba in ay wadada magaalada maraan iyagoo wata ciidamo xoogleh iyo gawaadhi tigniko ah taas oo waliba hadana ay xawaare xoog ah ku dhexmaraan wadooyinka Hargaysa ee boodhka badan ee dayaca badani kamuuqdo ,waxayna taas dhibta ugu yar ee dadka kasoo gaadhaa tahay in ay camuud indhaha kaga shubaan qaar kamid ah dadkii suuro galiyay in ay kursigaas fuulaan ee doortay oo aan abaalkoodu taas ahayn.

 

 



Aadan Yuusuf Qodax

Kuliyada Saxaafada
Jaamacada Hargeysa
qodax28@hotmail.com