WAA MAANSO LA YIDHAA DILAAL

 

 

Waxaan halkan salaamay Timacade website group meel ay joogaan ba,iyo dhamaan Reer soma liland.Idin koo mahadsan,halkan waxaan ku soo lifaaqay maanso la yidhaa DILAAL,waxaan jecl aystay in ilaahay wadaagayn.


Waana mahadsan tihiin.

Abdulkhaliq
S.Arabiya.





1-Mohamdoow dabuub tii wacnayd
deel ki noo yimiye

2-Dareen kii qarsoona ikici
doogta nabar kiiye

3-Damqashada ilaah bayna baday
Deeqoow maantanae

4-Dadnimadii horee lays ka nacay
Waa dakhara-deediiye

5-Darxumay hubaal weheshataa
Daaim abid keede

6-Wixii hore usoo daashaday
dabada haysaaye

7-Doqoniimo waa cudur hubaal
Aan dawalo lahayne

8-Dirqi bay ku nooshay haddeer
daayac lagu eegye

9-Waxa laysku dilayaana waa
duul abaarsadaye

10-kuwaas baa dilaal iyo malaal
Doolar daafasaniye

11-Ilaahay dushuu kala socdaa
dulin kaa maatidae

12-Aqal kii dushuun laga dhisee
hoos ta laga daabin

13-Daroori maha kaama cesho
Dirika cawleede

14-Dildilaac day maashii xumayd
Waanu dumayaaye

15-Kulmiyoo dabayluhu sitaan
Daad ka madaxiisu

16-Isagoo dayoobaan arkaa
door kan maantae

17-Duul kii xumaan huursadaa
Daayac baa xigae

18-Iga qorea dabuub taan hordhigay
Magacu duugawye

19-Dagal rooban,diraac soo onkoday
dayrtan nagu hoortay

20-Duufaanadaa soo kacee
didiyay shaydaan ka

21-Dabadhilif ka door yaan ka badan
diirta nagu fooftay

22-Digo qiiqday, dhuxulaha dahsoon
Boob kan dami waayay

23-Dar ilaahay baa lays ka nacay
doorkan maantae

24-Dubi hii ilaah baa ku dhacay
boqol kii daaquude

25-Dubjir ka iyo maatida hubaal
doogsin baw maqane

26-Danyar tana ilaah baa jiroo
diifta naga biine

27-Dayn kii hore laga galiyo
daalac baa maqane

28-Darar keedu maandeeq ku filan
duul walaalo ahe

29-Dilaal kiiyo malaal kuun ka jira
dooxataa badane

30-Dhalintiyo dirkeenoow ka kacay
damaca nooleeya

31-Yaanu damin iftiin kii shidnaa
dogobyo sii saara

32-Isku duubni baa khayr lagu helaa
garashadii dooja

33-iska diid dirsooc iyo qabiil
daaim baa jirae

 

*********



34-Dayday madax nimo dirays loogu xidhay
Boobna loo dirayo

35-Niman aan dareen wacan lahayn
Daacad nimo taama

36-Dilaal kaa habeen iyo dhaar
fadhaya diir keena

39-Duul habaara kufsaday
dawlad nimadiiye

40-Dalkanoo nimcaduu buuxdaoo
Daad ku soconaayo

41-Dixida iyo dareema ba hubaal
dalagu noo beermo

42-Dadkoo wada walaalo ahoo
dagal nabdoon jooga

43-Damal hadhaca , daris lagu nastiyo
daal ka naga biiya

44-Ayuun baa durbaan looga tumay
meel dushoodae

45-Dayacan farteenaa dhigtoo
Loogu dawgalaye

46-Dambarsada xumaan ta fasheen
Waa dunuub culuse

 

*********



47-Dundumuu aboor kuba dhistaa
Dayro dhaafayadae

48-Dugsi buu u hoydaa markuu
Daalo waa badan

49-Ubad kuu daryeelaa intuu
deeq usoo dhigoa

50-Indin ku disrscooc baydin dilay
Daaim abadidkiina

51-Darajaa qabiil mooda saan
Loo dabaal dagae

52-Darxumaa xigaal nimo baddeen
Daris kii fiicnaaye

53-Daluun baa ku tuurteen garaad
Sharaf u diideene

54-Dabad daa ku dhaafteen hubaal
Kii dadkuu xigaye

56-Dambi baa dhalaan laga galiyo
Mid kaa diir wadaag taane

57-Qof waliba xumi huu diiday buu
Caayay duul kale

58-Dungi nimo kuwaa kula mudee
Dayr ka lagu meesrahay

59-Dambibaa aqoon laga galiyo
Diirkan oogadae

60-Dadnimana cidlay taagan tay
Daacadda ilaahe

61-Dib u raaca taariikh da mudan
Duulala baa jabaye