Waa
Maanso Daah-furaysa Silsilad Suugaaneed Cu
sub, Oo U Furan Hal abuurrada. Curiye Abwaan
Gabyaaye
Akhristayaal Waa Kulan kale,
Madal Murtiyeysan iyo Daah-fur Dood cusub. Kollay wada fahante,
Faah-faahintana gadaal ayeydun ka heli doontaan. Laakiin Sidaad
nooga barateenba Waxaan Maanta halkan idiinku soo gudbinayaa Maanso
Cusub oo ujeedada iyo Abbaarteedaba uu innoo Faah-faahin doono Hal-abuurka
Curiy ey. Ka hor intaasi, bal aan idin Xasuusiyo Hal-abuurkan, Waa
Abwaan Max’uud-Gabyaaye, oo sidaan horeyba ugu niqiinay Suugaantiisa
Hodanka ah ay innooga iman jirtay dhankaa iyo Qurbaha, Laakiin
Nasiib Wanaag Maanta Hooyadii Fanka ee Hargeysa ayuu kasoo
Shalwinayaa.
Akhriste haddii aad taqaanay
Gabyaaye Suugaantiisii uu Curiyey intii Qur-baha,M axaad filan
kartaa issagii oo Hooyadii Xikmadda Fanka iyo Suugaanta kasoo
lalina aya Murtidiisii Macaanayd?!
Waxaad Malaysataba, Waxaan idiin hayaa, Abwaan Max’uud-gabyaaye oo
Maan sadan Qiimaha badan si toosa Hargeysa aan ugu kala wareejisanay
Labadayadii PC, Waayo inabad waxaan Suugaantiisa ku kala qaadan
jirnay Si dadban ( By Net).
Abwaan Maxamuud-gabyaaye, Waxa uu leeyahay oo Maskaxdiisa kasoo
maaxat ay Suugaan faro badan, Waxaanan ka xusi karaa Maansooyin
aanay Micnahooda iyo Mdhahooduba duugoobayn oo uu kaga qayb qaatay
Silsilado Suugaaneedo hore usoo maray Mareegaha Netka, Waxaana ka
mid ahaa Silsiladda KALAMAAN oo uu ku lahaa Labo Maanso, Silsiladda
QAADKA iyo Silsiladda AFTI-QAAD.
Habeenkii Jimcaha 23/10/2009 ayaa Hargeysa loogu qabtay Kulanka loo
yaqaan Hal-abuurka Hirgalay, oo isaga Lagu soo dhawaynayey, laguna
sharfayey. Waxa anu Gabyaaye Habeenkaasi Wacdarro ka Muujiyey
Madashaasi. Intaasin Xasuusin Kooban ha iga ahaatee, Hadaba bal aan
Oodda idiinka rogo Filashada Maanta iyo Faallada Gabyaaye.
Anigoo ah Maxamuud Sheekh Cabdillahi-Maaray “Gabyaaye”, waxaan
halkan kus oo bandhigayaa, anigoo dhiirri galin iyo boorrinna
ka helay Nin-door , Aqoonyahan , iyo Hal abuur fara badan oo aanu
Somalilandnimada iyo Wadaninimada isku hayb ka nahay.
( RAAD-RAAC ) Waa Maanso aan ugu talo-galay, inay furitaan iyo tusmo
u noqo to Silsilad Suugaaneed aan rajaynayo ama aan filayo in
ay Aragtidooda Hodanka ah ee kala gedisan kaga dhiibtaan Hal-abuurka
Somaliland Lab iyo Dheddigba, Iyagoo si qotta dheer uga baaraandegi
doona Biyo dhaca Ujeedada. Sidoo kalena Aragtidooda ku salaynaya
Jirtada iyo Joogtada uu Dalka Hooyo ku sugan yahay maanta.
Lafa gurkaasoo lagasoo anba qaadayo Sooyaalkii taariikheed ee Dalkan
iyo Dadk ani soo mareen , si aynu kedibna ugu gudubno
masanuuninta iyo saadaalinta Himilada ay umaddani hiigsanayso , ee
ay ku rabto in ay noqoto ummad si buuxda mayalka uu u hayo Sharciga
iyo Distuurka u dajisani , ugana qayb qaadato Caalamka, iyadoo
buuxinaysa kaalinteeda umadnimo ee dhammaystiran , sida mid Degmo
iyo mid Caalamiba .
Waxa ka reebban silsiladdan wax kastoo Sawriira oo Diinta , Dhaqanka
iyo Dadn imadaba meel kaga dhacaya, Waxa kaloo ka reeban
Aflagaado Qof weerar magacdhaw toos ah watta iyo Hayb si mutuxan
farta loogu godo .
Maansada ama Tixdii wadata tilmaamahaa aynu kor kusoo xusnay ama mid
ka mid ah Sumadooda laga helaana way ka reebbantahay Silsiladdan
lagumanasoo dari doono hadii Eebbe idmo .
Silsiladiina waxay inoogu furantahay maansada Magaceedu yahay
RAAD-RAAC. Waxa kale oo iga codsi ah inaan lagu degdagin jawaabta
ama duridda Maansooyinka Silsiladdan kusoo bixi doona, iyadoo aan la
dhuuxin waxa uu Curiyuhu ka hadlayo iyo dulucda ujeedadiisa.
Waxana ila qurux badan Maxamuud ahaan inuu Hal abuur kastaa dhiibto
aragti diisa gaarka ah ka hor inta aanu u gudbin ama aanay Hamuuntu
ka boobin wax ka odhashada aragtida Hal abuur kale, isla markaana
aan lagusoo celcelin wax uu hal abuur kale ka hadlay, hadaan si kale
loo dhigayn ama aan lagu ladhayn Hummaagyo kale oo bilicdooda wata .
Waxaan si gaara u xusayaa kuna baraarujinayaa inuu Hal abuurku raaco
Xarafka laga unkayo oo ah ( R ), kana bogto Dhudda ama Laagta ama
Badda ay Silsiladu ka socoto, oo ah Laagta laga jeexay Hees
Dhaqameedkan :
Waaryaa kodhoow heedhe Kodhe wacad qaboow heedhe
Manaa ku dhay lulaya
Iyadoo aan la bartirayn waa in la raacaa Tubtaasi, si aan Dhabaq iyo
Is dhex-yaac innooga ragaadin Silsiladda.
Waxaana ay dhammaan u furntahay ama annu kusoo dhaweyneynaa
Hal-abuurka Somaliland, meel kastoo ay Aduunyada ka joogaanba.
Waana tane Hormo iyo Durduur Wacan.
Ilaahaybaa Mahad iyo Maamuusba iska leh
RAAD-RAAC
RAADRAAC bilawgeedu
Samawacan inuu reebo
Xumahana rugtiis sheego
Rajjo waayo shaydaanku
Ku holladay raxmaankeena
RAXIIM inuu wanaageeda
Ribixeed na siiyaaye
Bismillaahi riiraash dhe
Magac raaga oon duugmin
RABBIBAA leh maamuus dhe
Milga badan rasuulbaa leh
Run la hubo FURQAANBAA le
Murti ROONE uu siiyay
Hal-abuur rijaalaa le
Iyo gaari ruuxeedu
Ragga aan ka laalaadin
Adna Raabbi aashayda
Iyo rogo abbaartaydan
Ruga maalka taariikhda
Ilbaxnimaba raarteeda
Umadiba riyaaqeeda
Raasamaal waxay gaadhay
Himilaynta roorkeeda
Ruqa kaca nasiibkeeda
Ribbashiyo ragragadkeeda
Rafashada aqoonteeda
Iyo wax iska riixeeda
Ama rays fagfagadkeeda
Dhabbadii ay soo raacday
Rakka iyo xaraar oodan
Haduu raad kusoo oodmo
Arrin goyska geedkeedu
Iyo ruug caddaageedu
Rucla orodka diihaalka
Rucdi soo affaaf yeeshay
Hanba inuu ka reebaayo
Laga raysan karo aafo
Iyo inay radeebmayso
Wad u yahay ragaadkeedu
Suxal raatub meerkeeda
rukumada asoolkeeda
Rugta falagu saadaasho
Rarrabbay u fuulaane
Murankiyo ribeyntiisa
Aragtida rigaynteeda
Shilka yimi rogrogiddiisa
Maaray ka raadshaane
Rag nin aamusoo quustay
Iyo riyo dhawaaq daayay
Gabe reerahoodii dhe
Umad raratay maankeeda
Kana ridatay xeesheeda
Ruux keli muquunaystay
Hadii ay isku badi raacday
Talo aan la wada ruugin
Inaan roob ku hooraynin
Raadqaad nuglaanteeda
Ruun geedisocodkeeda
Rufuqrufuqda siiqeedu
Haduu raafdillaaciisa
Ama raari damqeeda
Ama raran gubyoodkiisa
Raja quus ku maydhaamo
Marna riyo miciin moodo
Rag alloow astaan weeyi
Kala saarta raadweyne
Qaran sawlacii raagay
Sharcigoo la raadraaco
Dantoo wadari ay riixdo
Rukkunbay ku goobteen dhe
Rabbi iyo Rasuulkeenu ( csws)
Sunnuhuuyna yidhi raaca
Rumay iyo daryeelkiisa
Afkaan loogu roonaanin
Raarahdaad ku diidaaye
Rasadani kusoo ciirtay
Xilkan raarta loo geeyey
Rogaal loogu maamuusay
Misna ruug caddaagiina
Kolba raashin loo fiiqay
warab uu ku raacaayo
Kordhinaayo riiqdiisu
Raffaad iyo dhib weeyaane
Isku roon is xaagaanta
Madal maalku raamoole
Dantii way ragaadsheene
Samahaba haddaan raacno
Runta inaan la shaashaynin
Maqashaa ku rayn leyde
Rays maalin loo aayo
Rajjo laysku maaweesho
Maxaan kaa raseeyaa dhe
Affartaa riyaaqooda
Haku raago qoomaale
Riddadiyo abbaartayda
Wadani iyo rogaalkiisa
Barre iyo rakkaaddiisa
Xamdi raallinimadeeda
Luul raaxa hadalkeeda
Runta ay Ifraax sheegto
Midhka Xiiray loo reebo
Hal-abuur leh rooxaamo
Rag nimaan ilduufaynin
Raadraac aroorkeeda
Danta ay u roorayso
Iyo raasamaalkeeda
rajadaan ka fooshaaye
Murtimaal shidhayntooda
Adigaan ribaynayne
Geli Raage buuggaaga
Affar kalena raandhiiska
Robogbaa la moodaaye
Innta aanad soo roorin
Hubi rooble miisaanka
Ricidhoow sidalagteeda
Haku saxxan rakkaadeeda
Mustafoow run iyo beenna
kala reebdhe soohooda
Rag nin labay nimaaddiisa
Ama reer u xulay saawe
Sida raxan qudhaan fooftay
Dumarkiyo raggu u hiisho
Ruugcaddaa ahoy beeshu
U rax-leyso weedhiisa
Hadii raawi saarkiisu
Raartiyo doc soo dhaafo
Raagiyo bal haystiisa
Sixin rooma laga keenay
Rib habeed ahoo soocan
Rafiiq xumi shil weeyaane
Hadii raqay wadaagoodu
Roga maan waxsoociisa
Anshax raaco sawriira
Kana reebban ooddeena
Iyo dhaqanka raaxeeye
U rabbaysan diinteena
Haduu raabbi deyn waayo
Maatadu rogrogiddeeda
Xanta way ku raagtaaye
Isna warab ruclayntiisa
Kolba raydab soo fuulye
Una dhow ragaadkiisu
Sidii roomad duugoowday
Rarrab uu xar halakeeyey
Rash inuu yidhaahdaaye
Rag nimuu ka xidhay dawgu
Misna raani qoor goys ah
Baashaha u rimiyaana
Raran iyo marraaq duugan
Iyo qodax kusii riixye
Inta riba la doonaysa
Run ha moodo aaloole
Raantiyo u fidhidooda
Iyo daba raxlayntooda
Anna buuni ruuxaygu
Ninna aniga oon raacin
Hebelladan is riixaaya
Roobsheeg casaawiiri
Isu roge gabaareey e
Sabadiyo rugtay buuxdo
Furi maayo reerkayga.
Raran iyo abaar soogan
Dhulka oo habaas raarmay
Rays iyo ugbaad waayay
Hadii Roone soo daayo
Raxmaad iyo gugoo hooray
Ricidhaha haduu saaro
Laga raysay jiilaal dhe
Raanweynta geeduuna
Ubaxiyo mankoo raaran
Rooshaamo hoobaana
Lagu reeb hamuuntiiye
Go aan raaqa duudeena
Kolba ruux in loo daayo
Rabitaanku kala saaro
Mayalkaaga raartiisu
Rag nimay u laacayso
Uma bahna raasqooje
Rakuub inuu u fuulaaye
Maxaw diiday rooxaani
Rabbi inuu saraw tuugo
kana sugo raxmaankeena
Sadkan raaxada u diiday
Waxan taa ku rooxeeyey
Hadaan eedi raacaynin
Ridda fulay ma naafayso
Raqduu aarka moodaaye
Raha ciyay adoon qoonsan
Maxaan kaa raseeyaa dhe
Affartaa riyaaqooda
Haku raago caynaane
Riddadiyo abbaartayda
Maygaag raxayntiisa
Rakkaduu siciid saaro
Iyo maanyo reenkiisa
Saadiyo rablaynteeda
Murti reebta raad fiican
Beeneey run weeyaanta
Foosiyi ku raadjoogto
Hal abuur leh rooxaamo
Rag nimaan ilduufaynin
Raadraac aroorkeeda
Danta ay u roorayso
Iyo raasamaalkeeda
Rajadaan ka fooshaaye
Murti kala rasaynteeda
Geli raage buuggaaga
Affar kalena raandiiska
Robog baa la moodaaye
Innta aanad soo roorin
Hubi rooble miisaanka
Ricidhoow sidalagteeda
Ha ku saxan rakkaaddeeda
Mustafoow run iyo beenna
Kala reebdhe soohooda
Dadku rixin wadaag weeyi
Rajo iyo agoon weeyi
Ratti iyo haluu daajo
Idihiyo riyaa soofa
Raaf weyn lo oo deeqa
Risiqoo barrow hiirta
Raffaad iyo ku tiigaala
Nololbay ku raadshaane
Raaxadoodu nabad weeyi
Hadhac ay ku raystaane
Rabsho iyo nin buubaala
Rash ma qaadi karayaan dhe
Ka u roon dantoodaanay
Cod ku raaci doonaane
Taladiyo ramaadkeeda
Raraygii u muraaqooday
Ruux iyo inuu gooyo
Ama riiq ku naafeeyo
Rimaydaasi beerqaaday
Ku rakkaabto hiinraaca
Berritana la raaxaysto
Raggii uuygu dhidhinaayay
Kolba ruux dantay moogi
Raashin meel ku wada siiyo
Uma baahna raaskeenu
Ra ayi foosha diihaale
Shaki raaran beerkiisa
Iyo laab ruqaankiisa
Haduu rooble aw aadan
Ruun iyo dumaasheeda
Boolida ku raadceeyo
Tala weeyi rooyaane
Waxan taa ku reebaana
Xakamaha ku ruugaa dhe
Hadii raabbi qiilkiisu
Ri uu gees ka ridi waayay
Rabbi iyo ragbaa jooga
Rixin goys ma liibaano
Ratti heerya cuna weeyi
Maalin ruugga lays aastay
Fule libini may raacin
Danta raacataw soogan
Ridda weecsan kii tuura
Ruqasha aan kasoo doogay
Lama jaman raffaadkii dhe
Tala uu riyaaqeedu
Sida roobka noo maydho
Maxaan ka raseeyaa dhe
Affartaa riyaaqooda
Haku raago qoorgaabe
Riddadiyo abbaartayda
Kaynaan rogrogiddiisa
Badeed raadca reebtiisa
Canbalaashna raartiisa
Rugta uu ka maansoodo
Raan ina mataanoowna
Rimi awlaxaagiidhe
Hakaa reebto qaantiiye
Murti runa sandheeroowna
Ha umiyin rakkaynteeda
Hal abuur leh rooxaamo
Rag nimaan ilduufaynin
Raadraac aroorkeeda
Danta ay u roorayso
Iyo raasamaalkeeda
Rajadaan ka fooshaaye
Murtimaal shidhayntooda
Geli raage buuggaaga
Affar kalena raandhiiska
Robogbaa la moodaaye
Innta aanad soo roorin
Hubi rooble miisaanka
Ricidhoow sidalagtaada
Ha ku saxan rakkaaddeeda
Mustafoow run iyo beenna
Kala reebdhe soohooda
Ninku yidhi rafiiqiisa
Intaan dunida rooraayay
Wixii mood isoo raacay
Amaan reer kusoo qaaday
Marna eexdu ii riixday
Malkadaan ku raad joogay
Raar sare hadaan fuulay
Anigoon asaag reebin
Nimcaday rudhaayaanna
Raysma gaadhaday qoynin
Kursi iigu hilan rayfal
Anoon iilka lay riixin
Uma dabanin rayigayga
In riyaaqu kaa keeno
Raarta iigasoo daadag
Figtan aan u raamaystay
Rooma kaama siisteene
Riyo yaanay kuu dhuubin
Waxaan raafle loo sheegin
Rag inuu is gurayaaye
Madaalahan rummaan toobe
Maxaan kaa raseeyaa dhe
Rati guunahoo qooqay
Raray sibiq la buubaalay
Roob da ay naquu goostay
Haduu raari saac oogay
Rujiyoo uu isku aadkiisa
Taran raadiyuhu kiilay
Misna raxan itaalkiisa
Ruun baacsan kari waayay
Rooxiyo bildhaanteeda
Roorsiga orgoodkooda
Markuu reerihii dhaafshay
Baarqabkii ku raadjoogay
Ricidhaha haduu gooyo
Ama rudho sibaraa daawad
Ama daro ku riiq gooyo
Doob iyo rakkaad jiiba
Raqda uu ka guud yeedhsho
Rajadiisu waa xeefe
Haddaan roone caynaanin
Dhuun yeedhis reen gaabta
Birtaa lagula rooraaye
Ninka ruubtay qooqaamo
Ama dabin la galay raafka
Galabnool is rogiddiisa
Kolba raar ka tookhiisa
Maxaan kaa rumaystaa dhe
Raja li ida daaduunka
Rubad go a colmoogtaadu
Duniday raffaadsheene
Badahay ku riiqmeene
Xilka ruux dumaaloowba
Eed qaaday riiraashe
Waxad reebtayoo duuga
Maxaan kaa raseeyaa dhe
Kala rogasho waa foofe
Adigoon u ridin faalka
Xiddigaha ristood baafin
Rayigaan axadhidiisa
Lagu raagin fooshiisu
Miyirkuu ragaadshaaye
Inta aan riyaaqaaga
Sida layligii raasun
Riddada aanu kaa boobin
Raashimi aqoontaada
RAADRAACNA kuu loogan
RAASAMAALNA ii raaci
Dhammaad.
Waa Curintii Abwaan Maxamuud Sheekh-C/laahi-Maaray (Gabyaaye). Oo
Wakhtigan ku Sugan Hargeysa, S/land.
E-mail: mxmud-gabyaye@hotmail.com
Waana Tebintii iyo Isku-dubaridkii C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu
Hurayra).
Salaanmuctasim@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland
|