XASARADII LAGU MAAGAY XIRSI IYO XOGOGAALNIMADIISII Qaybtii: 2aad





(Qof waliba waxa uu noqonayo, meesha uu tegayo iyo waxa uu cunayaba waa qadar Ilaahay. Sidaasi darteed qof walba nasiibkiisu waa wax qoran, aniguna ma qawadsani nasiibkayga).Waa hadalkii XIRSI CALI XAAJI XASSAN.





Wasiirka Madaxtooyada Somaliland
BARASHO HORTEED HA I NICIN
Waa kuma Xirsi Cali xassan?

XirsiCali Xaaji Xassan waa siyaasi ka mida siyaasiyiinta Somaliland gaar dhalinta kuw a ugu magac weynle, Waa siyaasi albaab cusub u furay dhalinta siyaasi doonka ah.W aa hawl kar shaqa badan hibana eebe u siiyey in masuulka xil u dhiibaa si dhib yar uu qalbigiisa u dago.Waana shakhsi isku kalsoon hadalkiisa wuxuu odhanayo u meel day a aadna ugu fekera ereyga uu odhanaayo.


Xirsi Cali x xassan waxa uu ku dhashay Gobolka Togdheer magaalo madaxdiisa Burco. Aabihii waa Cali X Xassan, Hooyadiina waa Faadumo Cabdi Jaamac oo ku nool Magaal ada Burco.Xirsi Cali waxa la dhashay oo ay walaalo yihiin afar wiil iyo Laba gabdhood. Waxa u dhaxay saddax dumara oo u dhalay lix iyo toban Caruura.Waa Aabo Alle ku a rsaaqay awlaad fara badan.Waxa uu ku barbaaray Koonfurta soomaaliya gaar ahaan Jubooyinka.Muddo ka dibna Xamar ayuu u wareegay iyadana kumuu sii raagin ee wu xuu salka dhigay magaalada Burco.

Xirsi isagoo dhalinyaro ayaa waxa uu Magaaladiisii Burco la qaybsaday xanuunkii sha cabka Somaliland ay kula keceen Melaterigii uu gadhwadeenka u ahaa Afweyne.

Xirsi isagoo aad u tixgelinaya inuu culayska dadkiisa haysta ka dul qaado ayuu u tala abay dhinaca SNM kuna biiray 1987kii.Waana wakhtiyadii xoogagii SNM isku diyaarin ayeen in dagaal fool ka fool ah inay lagalaan faqashta.Xirsi isagoo ka sheekaynaya sidii uu ku talaabay waxa uu yidhi :-?Waxaan gaadhi ka raacay burco waxaanan sii maray tuulo reerkayagu dagan yahay halkaa ayaanan lug ka bilaabay ilaa aan gaad hay goob lagu ururinayey ciidan beeleed ?.


Xirsi cali x xassan waxa uu dhamaan kala qayb galay xoogagii SNM dagaaladii qadha adhaa ee dalka lagu xoreeyey. Isagoo jabhad ah ayuu 1991kii markii dalka la xoreey ey inta uu qorigii iska tiiriyey u dhaqaaqay inuu qabsado hawlihiisa u gaara ah. weli ay taagan tahay in shakhsi aan SNM ahaynin uu weli ku qadhaabsado Mujaahid aya an ahay.Waa kan Xirsi oo ka sheekaynaya dagaalkii ugu darnaa ee uu galay ?Balanbal ayaanu isaga hornimid ciidamadii faqashta toddoba casho oo xidhiidha ayuu dagaalkaygu socday markaa ayaa waxa igu dhacday inuu kaare ama taangi I jiidho oo aan hoos galay laba silsiladood ee kaaruhu ku socdo waxaanu iga maray gacanta halka sanka iyo afkana ii dhiig iga burqanayey sidaad ayaana la iigu tiriyey mayd aha an, mar dambe ayaana meeshii laga qaaday.?


Xirsi waxbarashadiisa iyo shaqooyinkii uu qabtay.

Xirsi waxa uu waxbarashadiisa ka bilaabay degmadiisii Burco iyo koonfurta Soomaali ya.Waxbarashadiisii jaamacadeedna waxa uu ku dhamaystay dalka Hindiya isagoo ka hantiyey afar shahaado oo ku tacaluqa dhanka Itga.Waxaanu shaqo ka bilaabay dah abshiil, somtel oo uu ka gaadhay maareeye iyo Dugsi lagu barto cilmiga tiknoolajiyad a oo uu isagu aasaasay halkaa oo ay ka faa,iidaysteen arday badan oo maanta shaq eeya.Waxaana la odhan jirey SIDCO waxaanu xidhiidh fiican lalahaa Jaamacada Harg eysa.Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey oo uu maamule ka noqday Islamic Banking Dahabshiil Djabuti.



La soco Qaybta 3aad oo aad u xiiso badan
 

 


Qore: Abdirahmaan Hamud Omer Gubadle