Waa kuma Wasiirka Cusub ee Loo Magac aa bay Wasaarada Ganacsiga Somaliland



Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Abiib Xasan Filfil waxaa uu  dh ashay Sanadkii 1949-kii, waxaana uu ku dhashay Magaalada Gabiley, waxa uu wax barashadiisii hoose ku qaadtay Dugsi Gaar loo  leeya hay oo magaciisa la odhon jiray i Mahad magaadi oo ku yaalay  Maga alada Moqdisho, sanadihii 1971-1975 waxaa waxbarashadiisii  dugsi ga Dhexe ku soo qaatay Dugisigii Xamar Jajab ee Magaalada  Muqd isho .


Abiib Xasan waxaa uu ka mid ahaa Ciidamadii Qalabka siday ee  Hoga anka Maamulka lacagta ee qaybtii guutada taangiyada Xamar.

Sanadihii 1995-1976 waxaa uu ku jiray Dugisigii Xalane ee tababarka Macalimiinta ee loo yaqaanay (PP).

Sanadihii 1976-1979 waxaa uu noqday Macali wax ka dhigi jiray  Du gsiyadii hoose/dhexe ee ku yaalay Tog-wajaale iyo Hargeisa iyo Me elo kale.


Sanadihii 1979-1981 waxaa uu ku jiray kana soo qalin jabiyay  Mach a dkii Culuumta Bulshada ee Xalane Qaybtii siyaasada iyo Arimaha Bulshada. Sanadkii 1981-1983 waxaa uu ka soo shaqeeyay Xeryihii Qoxootigii itoobiya sida sabacad, Dhaamka, adhicadays iyo laas  dhu ure.


Sanadihii 1983-1986 waxa uu ka hawl galayay oo uu ka mid ahaa  Ho gaankii Abaabulka ee Xisbigii Hanti wadaaga Somaliyeed oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay meelo badan oo ka mid ah dalka Gudihiisa ah sida, Oodwayne, Togdheer iyo Xamar gudeheeda oo ka soo  shaq eeyay Xaafadaha ay ka mid yihiin Hodan iyo hawl wadaag.

Sanadihii 1989 waxa uu ka qayb galay Halgankii Hubaysnaa ee la soo noqoshada Xornimada Jamhuuriyada Somaliland ee SNM .

Sanadkii 1999 waxa uu ka qayb galay doorashooyinkii golaha  deega anka ee Somaliland waxaana uu qabtay Xilka Duqa Degmada Gabiley oo mudo ku dhaw ilaa laba sanno.

Intaasi ka dib abiib xasan filfil waxaa uu ka mid noqday Ganacsatada iyo Odayaasha talada Gobolka looga danbeeyo isaga oo qayb libaax ka qaatay halgankii ay bulshada reer Gabiley in badan ku doonayeen in Gobol loo magacaabo.



Abiib Xasan mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa uu si wayn uga dhex muuqday Xukuumada Somaliland gaar ahaan Xisbiga Talada haya ee UDUB.



Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office