WAA KUMA HOGAAMIYAHA LEH ASTAAMAHAN:-

Mudane
Cabdiraxmaan Maxamed (Ciro)
1) Aaminimo.
2) Dulqaad.
3) Samir badan.
4) Cadaali.
5) Daacadnimo.
6) Alle ka cabsi.
7) Qawl wanaagsan.
8) Maslaxo jacayl.
9) Debecsanaan.
10) Run sheegis.
11) Xalaal Quute.
12) Eex laŽaan.
13) Ma Faane.
14) Islamaweyne.
15) Salaad kama tage.
16) Hawl-kar nimo.
17) Aqoon ku filan.
18) Xaas
19) Awlaad, iyo
20) Xilkasnimo.
Waxaan filayaa in dad badani is weydiin karaan qofka intaas oo
astaamood isu raaceen, ayna adag tahay sida jawaabta loogu helo, way
jiraan dad leh qaybo ka mida astaamahan kor ku xusan, balse weli ma
arag shaqsi intaas oo arimoodi isu raaceen gaar ahaan xiliga aynu ku
jirno iyo dunida aynu ku dul nool-nahayba.
Balse waxay ahayd uun maalmo yar ka hor markaan ka qayb-galay xaflad
lagu daahdurayey xafiis kii ugu horeeyey ee ururka
Wadani
xafiiskiisii wadanka ingriiska, taasoon kala kulmay qaab aad uga
duwan xaflado badan oo noocan oo kale loo soo agaasimay oo ka dhacay
goobo badan iyo dadal kala duwanba. Hoolka xafladani ka dhacday oo
ku yaalay Xaafada Harrow ee waqooyiga galbeed ee magaalada
London,
cariga Ingriiska, waxuu ahaa mid aad u camiran, dhamaana kuraastii
loogu tala galay fadhigu way buuxsantay, sidaa awgeed ayay dadku
taagtaagnaayeen afaafka hore ee hoo lka iyo meelaha banaan ee loogu
talogalay socodka, sidaa awgeed ayaa xataa qofkii u baahda inuu
musqulaha soo isticmaalo ay ku adkaanaysay meel uu maro, ama
hadhowba ku soo noqdo.
Waxaa xusid mudan in tiro badan oo xaflada ka hadashay, una badnaa
Suldaano iyo dad lagu soo martiqaaday xaflada oon iyagu ururna ka
tirsanayni aad uga faaloodeen Aqoonta ay u leeyihiin iyo
astaamihiisa qofnimo ee Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka Somaliland
ahna Gudoomiyaha ku-meel gaarka ah ee ururka Wadani
Mudane
Cabdiraxmaan Maxamed (Ciro), kaasoo ay dadkaasi isku raac een inuu
astaamahan kore leeyahay.
Ma filaynin inuu jiro qof astaamahaas maanta lihi, balse waan
rumaystay markaan arkay qaar ka m ida dadkaas oo xataa warbixintooda
dhaar ku xoojinaya; waxaa kaloo xusid mudan in mudadii aan la joogay
Gudoomiye Cirro oon xataa si khaasa wax u weydiinayey in aan
xaqiiqsado badi qodobadan lagu tilmaamay, soomaalidaa ku maah-maahda
(nimaad saacad ku baran waydid sanad laguma bar to).
Waxaa xaqiiq noqonaysa in hadii Cabdiraxmaan Ciro leeyahay
astaamahaas kor ku xusan, uu noqon doono hogaamiye buuxa oo
qalabkiisii u dhan yihiin una qalmo Maya urur qura, Maya xisbi qura,
M aya Gudoomiye baarlamaan, balse Madaxweyne wadan, waana muuqataa
sansaanteedii marka la fiiriyo taageerada xoogan ee uu durba gudo
iyo dibadba ka helay, shacabka cod bixiyayaasha ahna waxaa ku ah
waajib, oo xil ka saaran yahay inay kala saaraan kan dantiisa, danta
Shakhsi, danta Koox, danta Gobol iyo danta Reer wada iyo qofka danta
guud ee dadka iyo deegaankaba wada oo ay codkooda si kalsooni iyo
geesinimo lehba u siiyaan. Iskana ilaaliyaan doorashada qof ay reer
a ma dan khaasa ku doorteen, kaasoo berri markay ka waayaan
dantoodiina ay cay dariiqyada ula is taagaan.
Wasalama-Alykum.
Qore:- Qasim A Saleebaan
Kasslmn@aol.com |
|