Waa Kuma Bashe Awil H Omar

 


Waxaa maanta igu kalifay inaan qalinka qaato oo aan wax yar ka idhaahdo hadalo mudo badan laga sheegayey
Bashe Awil H Omar, oo mudooyinkan danbe qolyaha mucaaridku iyo war xumo tashiilku weerar iyo aflagaadooyin qaawan kula dul kufayeen.


Bashe oo aniga saaxiib ahayn ilaa caruurnimadii inkabadan 30 sanona saaxiib ahayn, ilaa dugsigii dhaxena ka wada dhiganay Sheekh Madar, waxa aan odhan karaa waxa uu yah ay dhalinaradii faro ku tiriska ah, ee ka faaidey wadamada reer galbeedka hadii ay noq on lahayd dhinaca wax barasho ama shaqoba.


Dhalinyarada soomaalida intooda badan ee ku nool wadamada horumarey wax faaido ah kama korodhsadaan wadamada ay joogaan ee hore u maray hadii ay noqon laheyd tacli inta bilaashka ah ee xaga Technolajiga, Engineerinka Scienceka ama Dhaqaalaha iyo Gan acsiga


waxa keliya ee ay ka faaiidaan waa dhaqan xumo iyo wax laga xishoodo iyo weliba bur bur ay naftooda u horseedaan hadii ay noqon laheyd dhinaca nolasha, diinta iyo dhaqan kaba. Waxaaana inta badan loogu magac daraa ama tilmaamaa dad nolosha ka dhacay.


Bashe waxa uu tacliintiisa sare ee uu kula jaan qaaday wadamada horumaray, waxaana uu ka qalinjabiyay jaamacada sadexaad ee dalka ingiriiska ugu sareesa, ee la yidhaah
Univeristy College London UCL (London University) waxaana uu ku takhasusay maadada da Chemistry. Waxaa uu ka helay Scholarship Jaamacada Manchester University isaga o o sii wata tacliintiisa, wuxuuna uu MSc ku sameeyay Petrochemistry.


Waxa markiiba shaqo uu ka helay Shirkada ugu weyn dunida ee sameesa qalabka ama m achiinada caafimaadka lagu baadho, ee magaceeda la yidhaah
Thermo Fisher Scientific, ee xarunteedu yahay dalka USA. Halkaas mudo 10 sanadood ah uu ka shaqeenayay isa ga oo ah Research Scientist. Ka dib waxa ay shirkadiisu u soo wareejisay dalka Ingiriiska magaalada Manchester 2007 kii, waxaana uu halkaa ku sugnaa mudo 4 sanadood ah, int ii aanu u soo wareegin Narobi.

Muduuyinkaa uu degenaa California iyo Manchester ba waxa uu Bashe Awil H Omar ku l ahaa hanti guryo, oo labada magaaloba isagu markaa ka iibsaday. Waxa hadaba aan ma anta jecelahay in aan qoraalkaygan ku cadeeyo in Bashe Awil Omar yahay ninka nolasha nocaas leh soo maray, hanti iyo aduunbana lahaa isaga oo aan Sodagii Ahmed Silanyo k a ahayn dalka Madaxweyne. Isla markaana ahayn nin maanta quud ka daya shilimaadka iyo cashuurta islaanta masaakiiinta ah, ee laamida tamaadhada ku iibinaysa laga soo uru rshay.


Waxa Bashe u dheer intaas, in uu ku darsaday dhaqan wanaag, karti badan, furfurnaan iyo isagoo ah nin aad u kaftan badan oo jecel wadankiisa hadana leh dabeecad wanaag san. Saaxiibkay oo ah nin ingriisa oo aan meel ka wada shaqeyno ayaa ku sifeeyey Bash e inuu yahay (very intellectual).


Hadaba waxaan rabay inaan wax yar u sheego nimanka caadeystay inay muwaadiniin reer Somaliland ah sida (
Bashe Awil) ay wax ka qoraan oo daacayado raqiisa iyo hadalo deel qaaf ku ah, dhaqanka iyo diintaba ka sheegaan naceyb ay u qabaan wanaaga iyo horumarka wadankan gaadhay darteed ay ninkii wax wanaagsan umadiisa iyo dalkiisa u qabanaya ay been iyo xaasidnimo ay ka xun yihiin horumarka dadka reer Somaliland ku talaabsanayo ka hor istaagaya (Waciyaadu Billah).

Ummadana waxa ugu xun ka kula nool ee aad moodayso inuu wax kula doonayo hadana guusha kaa xisdiya. Maanta ma qabato reer Somaliland in loogu yeedho magacyada da dkii shacabkan xasuuqa u geystey ee magaalooyinkeenii wax aynu dad iyo duunyo lahe yn baabiyey. Ragii xasuuqay aabayaasheen, adeeradeena, abtiyaasheen, hooyooyinke ena, wiilasheenii, hablaheenii iyagoo weliba xalaaleystay hantideenii iyo guryaheenii.


Suaasha aan maanta weydiinayo Mustafa Abdi ninka la yiraahdo iyo kuwa la midka ah w axa weeyaan maxaa maanta caruurtii aabayshooda la laayey ee
Moorgan, Ali samatar iyo Gaani laayeen maxaa loogu sheekeyn doonaa oo loo sheegi doonaa? Waxaan oran lahaa inta aad muwaaadin reer Somaliland ah oo wadankiisa doonaya inuu wax u qabto ku misaaleysaan dadkii xasuuqa geystey walaalayaal ilmaaderayaal aan cadawga reer Somaliland ee had iyo jeer doonaya inay wadankan ku soo celiyaan gacantooda aan me el uga soo wada jeedsano oo xaqooda u raadino agoomaha iyo, rajayda dada yar ee wa alidiintooda loo laayey isir naceybka.


Guul Somaliland

 



Ciid Farah Cabdi (Ciid Carab)

Abdir77@gmail.com