Waa in Dastoorka lagu dhaqma

Dhamaan muwadiniyiinta u dhashay Jamhuuriyada Somaliland waan
salaamayaa,ilaahayna jidka to osan haynagu wada toosiyo.
Maanta waxa aan doonayaa inaan taabto arrimo u baahan in si dhab ah
hogaanka dalku uga fiirsad o.Taasina waxa ay kor u qaadaysaa ku
dhaqanka dimuqraadiyada iyo sinnaanta hogaaminta.
Haykalka guud:
Shacabka Somaliland waxa isu haya oo ay ku heshiiyeen dastoorka
maanta dalka lagu hogaamiyo.H aykalka guud ee dawladnimo waxa aynu
samaysanay hay’ado dastoori ah,kuwaas oo ah Garsoork a , fulinta,iyo
golayaasha xeer dejinta. Hay’adahan qaarkood waynu dooranaa,qaarna
waxa magac aaba Madaxweynaha markaa hogaanka dalka haya.Marka hadaba
aynu eegno hab-dhaqanka siyaa sada guud iyo xeerinta nabada waxaa
saldhig u ah in laysu dheeli-tiro hogaaminta hay’adahaa das
tooriga.Hadaan tusaale u soo qaato Madaxweynaha,Gudoomiyaha
guurtida,gudoomiyaha wakiilada iyo gudoomiyaha maxkamada Sare iyo
dastoorka waxa ay ka soo jeedaan beesha dhexe gaar ahaa n gobolka
Togdheer.Waana mid muujinaysa inaan loo sinnayn hogaaminta guud ee
jamhuuriyada S omaliland.Arrintani maaha aragtidayda gaarka ah ee
waa qaabka maanta haykalka guud u dhisany ahay,mana aha mid aan cid
gaar ah ku leexinayo ee waa arrin ku jihaysan hab-dhaqanka siyaasada
guud.Sidan waxa inoo cadaynaya qodobka dastooriga ah ee hoos ku
xariiqan:
QODOBKA 8AAD
SINNANTA MUWAADINIINTA
1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon
lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo
dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku
leeyihiin xuquuq iyo waa jibaad siman.
2. Kala sarraynta iyo takoorka ku
salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebb an
yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada
xunxun ee 500 jireenka ah waa waajib Qaran.
Dastoorka:
Madaxweynahii 2aad Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal (AHN) waxyaabaha
uu hir-geliyay ee lagu xasuusto waxa ugu qiima badan dastoorka
maanta saldhigga u ah Jamhuuriyada Somaliland.Berig aa dal ayay
dhisnay,dawlad madax-banaan ayay-nu noqonay samaynta dastoorkuna
lama dhama ys tirin.Waxa loo baahnaa inay dawladahii ka danbeeyay
dhamays tiraan oo ay fur-furaan,xeerar na lagu kaabo qodobada
qaar-kood. Waxaynu waayo arag u leenahay murankii ka dhashay muddo
kordhintii Madaxweynahii hore Mudane Rayaale,muddo dhaafka dawladaha
hoose,muddo dhaafka golayaasha xeer dejinta iyo muddo kordhintoodii,
iyo muranka maanta ka taagan furashada ururo siyaasadeed.Sidaa
darteed waxa loo baahaanyahay oo looga fadhiyaa in dastoorka dib loo
eego ,l ana fur-furo qodobada aynu dhibta ka soo maray.
Arrimahani waxay dib-u-dhac ku keeneen hab-socodkii horumarinta ku
dhaqanka dastoorka,waxaa na marin habaabin ku samaysay ku
dhaqankii sharci kasta oo dalka ka jira.Waxaanay curyaamin kartaa
kor u qaadida garsoorka. Sidaasina waxay keeni kartaa dalku inuu
galo xaalad ay itaal dara ato kala danbayn iyo sharci la’aan.Maanta
waxa aynu u baahanay Inaynu la jaan qaadno isbedelka hab-socodka
dimuqradiyada aynu dooranay.Dalku waxa uu u baahanyahy in dastoorka
la fur-furo laguna dhaqmo,shacab iyo dawlad-ba.
Hadaan tusaale u soo qaato qodobada muranku ka dhashay ee ay qasab
tahay in la furo waxa kamid ah:
QODOBKA 88AAD
MUDDADA XILKA
1. Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo
Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka
bo dhaariyo.
2. Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban
karo laba jeer wax ka badan.
QODOBKA 9AAD
NIDAAMKA SIYMSADEED
1. Nidaamka siyaasadeed ee
Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dim
uqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.
2. Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee
dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.
3. lyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi
siyaasi ah, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo
qabyaalad.
La soco qaybta 2aad
Xuseen
Xasan Badmaax
Xubin Amnesty International
Hargeysa/Jamhuuriyada Somaliland |
|