Ha daganee, hooy daadaw, wallaahidaayaa,
ma hongoodo daacadi
.

 



Waa Hamud Ducaale oo la sii dardaarmaya qoyskiisa oo Somaliland u socda, haddii alla yidha, fasaxa dayrta.

"Madaxtooyadu waa dadkoogoo, xil dulsaari maayee, ugu deeq waxaad karto. Doqon yaan lagugu odhanee hooy daadoo ugu deeq waxaad karto"

Hamud Duale

Darmaantaan jeclaayee, hee dheh waa ku dirayaa,

degmadii dalxiiskiyo, Arabsiyaan ku gaadhsiin,

Waa laguu dabaal degi, indhahaad ka doogsani, qalbigaad ka diirsani.

Durbaan baa laguu tumi, hooy daadoo wallaahidayaa
Waa laguu ducaynoo, culimaa diyaar, Daa'uud Macallin la xidhiidh.

Boobe ku daadihin, marwadiisaa dabkuu shidi.
Ree ducaale diyaaroo, Reer Ciisaa diyaafadin
Waa laguu dabaaldegiye, gacantaada dib ha u xidhin

Dhaxan baad ka raysani, hooy daadoo
cadceed baad dugsaniyoo, hooy daadooo
khudrad daraya iyo dubaax baa laguu wadhi.

Hargeysaad ka degiyoo, Wajaalaad dekeenoo, gebiley baad ka daahiri,
Gurigaad ku dhalatiyo, gogeesaad ku sii hoyan.

Arabsiyaad daf soo odhan, hooy daadoo, ku dalxiis macaanaa

Gacal iyo sokeeyaba, hooy daadoo
dadka aydin kulantaan, hooy daadoo
midna ha u dardaarwerin.

Madaxtooyadu waa dadkaygee, xil dulsaari maayee, ugu deeq waxaad karto.
Doqon yaan lagugu odhanee, hooy daadoo, ugu deeq waxaad karto.