“Waa Axmaqanimo halkii ugu dambaysay in qof dhintay laga dhigo inuu
nool yahay, si lacag..”
Hargeysa (TNN) :– Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka
mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakii llada Somaliland, ayaa axmaqnimo iyo
fool xumo ku tilmaamay in qof dhintay laga dhigo inuu nool yahay, si
lacag looga gurto ehelkiisa, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay
talaabo adag ay ka qaado Dhakhtarkii falkaas ku kacay.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u warramay Wargeyska
Geeska Afrika ayaa yidhi “Dadka Muslimiinta ah meel kasta oo ay
joogaan waxaa looga baahan yahay inay isku naxariistaan oo ay is
caawiy aan, waxna isku qabtaan, laakiin qof dhintay in laga dhigo
inuu nool yahay si ehelkiisa lacag looga gurto, waa dambi, waana
axmaqanimo halkii ugu dambaysay in qof dhintay laga dhigo inuu nool
yahay, ee talaabo adag ha laga qaado dhakhtarkii ku kacay arintan
foosha xun, si aanay waxan oo kale mar dambe inoogu so o noqon, oo
Xukuumaddu sharci ha hor keento”.
Dhinaca kale, wuxuu Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), tacsi
u diray ehelkii, qaraabadii, asaxaab tii iyo umadda reer Somaliland
ee ay ka baxday Marwo Shugri Xariir, oo shalay ku geeriyootay
Magaalada Hargeysa, waxaanu ALLE uga baryey inuu jannadii ka
waraabiyo.
Xigasho:
Geeska
|