Waa arin Ugub ah, wax kastaba filo ! Aduunyada  nin nooloow maxaa aragti kuu laaban !

 

Waa yaab iyo amakaaag iyo Waa-cusub!, waa is bedel aan hore loo arag!, waa wax ku adag in maskaxda yaree ina saarani ay ruugi karto, waxa ka dhacay dalka Maraykanka maanta oo ay taariikhda tahay 05/ 11/ 2008, Yaabka yaabkiiye ku-ye! Waa nin madaw ninka loo doortay dalka Maraykanka ee ugu magaca wayn aduunyadan aynu dusheeda caga-cagaynayno, Bal hadaba ma wax dhayal iska yimid baa guushan aynu la dhaygagnay ee uu maanta hantay Barack Obama? jswaabtu waa maya.
50-kii sanee ugu danbeeyay, waxa ka dhacay Dalkan Maraykanka waxyaabo mucjiso ah, oo keenay in maanta guriga Cad-ee ee guud ahaan dunida, gaar ahaana dalka Maraykanka looga arimayo nin madaaobi. Badhtaminhii 1950-kii ayaa ay ahayd markii ay dadka madaw ee dalka Maraykan-ka ku nooli dardar cusub oo hor leh galiyeen, doonista iyo u dagaalanka xaqoodii dadnimo, ee laga duudsiiyay qarniyada, xaqaas ay u dagaalamayeenoo ahaa, wax qof kasta oo Bani-aadam ahiba daw u leeyahay inuu helo, nasiib darose ay iyagu waayeen. Waa maxay xaqaasi ayaa ah waydiin meesha taala? Xaqaasi waa inuu qofku xor u yahay naftiisa iyo noloshiisaba.

Bal malee, dhibta ay ka soo doogeen dadka madaw guud ahaan, gaar ahaana dadka ku nool Maraykanka ee maanta ay u soo hoyatay guushii ugu waynayd intii ay ifkan duljoogeen, dhibtaa ay soo mareen waa Adoonsi. Ma jirto wax bani-aadan mudto oo ka meeqaam lidataa in lagu yeesho, sidii hantida, waata ay ku jireen walaalaheena madaw ee Maraykanka ku nooliye.

Bal malee, adoo habeen iyo maalin u shaqaynaya nin ku leh oonad diidi karin, oo haduu ku saluugana waxa uu doono kugu samayn kara, ku dil kara, ku gubi kara, ku kufsan kara, ku iibin karaa iwm.

Bal malee Ooridaada iyo Ilmahaaga oo iyaguna u shaqaynaya caruurta iyo oorida ninkaad u shaqaynayso oo idin wada leh, maxaa ka xanuun badan caruurtaadii oo hortaada lagu silcinayo oonad waxba ka qabin karin?!.

Lagaama sheekayn karo waxa ay dadka madow ee laga qaaday Afrika xiliyadii adonsiga soo mareen oo dilka iyo xadhiga iyo waxasi waxay ahaayeen wax noloshooda ka mid ahaa qarniyo -e, waxa 50-sano ka hor soo iftiimay inuu xaqii dildilaacdo markii dadku ay isa soo taageen ee ay bilaabeen inay diidmo iyo dagaal qayaxan kaga gilgishaan dhibta oo ay la soo joogsadaan, waa markaa markii ay soo mudh-baxeen halyayadan kooban ee hoosta ku qorani, oo ninba meeshiisa ka soo dhalaalay,

1- Rosa Park, 1956-kii waa gabadhii u horaysay ee diiday inay xaga danbe Basaska fadhiisato oo dadka madoobi fadhiisan jireen, mar hadii ay lacag la mid ah kuwa cadaanka ah bixinayso, waxa halkaa ka bilaabmay Silsilad halgan ah oo iska daba timid oo ah tan hada Guriga Cad ku soo afyeelatay.

2- Malcolm X iyo halgankiisa wax iska caabinta afka iyo adinkaba ahaa xaqa ah, ee uu naftiisa u huray, markii danbana lagu dilay.

3. Marthin Luther King iyo halgankiisii qunyar socodka iyo dagaal-didka ahaa ee isna lagu dilay.

4- Dhaqdhaqaaqii Black Panter, ee ragoow rag iska dhaw-da ahaa ee la dabar-gooyay.

5-Jesse Jackson iyo xaq u dirirkiisa weli nool ee socda, oo ah ninkii u horeeyay ee Madaw ee ku dhaqaaqa inuu jagada madaxweynenimo ee Maraykanka hungureeyo.

5- Maxamed Cali, feedh-yaqaankii magaca wayn ku lahaa taageerida xaq u dirirada dadka madaw ee maraykanka iyo dunidaba.

6- Collin Paul, ninkii darajada sare ka gaadhay milatariga dalka Maraykanka ee lala damacsanaa inuu noqdo Madaxweynaha dalka Maraykanka balse isagu diiday.

7- Alex Haley iyo James Baldwin, qorayaashii caanka ahaa ee iyaguna qayb ka qaatay kobcinta maskaxda dadka madaw xasuuso buugii Roots.

8- Oprah, Michael jackson, Michael Jorden, Spike Lee, iyo dhamaan dadka kale ee magaca ku yeeshay Muusiaga iyo Ciyaaraha oo iyaguna dhankooda kaga jiray halganka jaadadka badan ee ay wadeen dadka madaw ee Maraykanku, waa dadkaa iyo dagaalkooda geesinimo waxa maanta midhahiisa la arkay inay soo go' een.

Iskama iman Brack Obama oo aayar ma soo gelin Guriga Cad ee intaa aan dusha ku soo sheegay iyo in ka badan oo qarsoon ayaa dheeecaan, dhiiq, dhidid iyo dhiigba u huray, waa Milgo ugu fadhida ninka madaw ee maraykanka qiimo aad u sareeya waana guushii ugu waynayd ee ay Abid hiigsadaan ay helaana.
 


Waxan leeyahay oo kali ah HANBALYO

 

 

 


By: Cali Cumar Xasan