Waa afar iyo labaatan jir. Waa
qaangaadh dhammeys ah. Waxa reer Somaliland debed iyo gudaba,
dhalaan, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar, miyi iyo magaalo,
waxay is-dhaafsanayaan salaan iyo bogaadin kal iyo lab ah

Waa mahad AllE oo dalkeena Somaliland waxuu ku sugan yahay nabad,
ammaan, barkhad iyo baddh aadhe. Waxa dhiman waa aqoonsi caalami ah,
waa mid aynu ku gaadhi doono samir, wadajir iyo ded aal, iyo mahadda
Alle.
Qaranimada Soomaliland waxa loo huray dhiig, maal iyo nool. Waxa
lagu helay kifaax hubaysan oo ururkii SNM ku guulaysatay. Waxaana
lagu fooladeeyey Burco 18kii May 1991, kolkii qalin iyo qalbiba ay
ku midoobeen beelahii SNM iyo beelihii ka baxsanaa ururka, ka dib
markii dood dheer oo cad, si siman loo gorfeeyey.Waxa leysku raacay
in lala soo noqdo qaranimadii luntay 1960, waxaana la dhisay dawlad
ay hogaaminayso SNM muddo laba sano ah. Waxaana Madaxweynahii u
horeeyey noqday Cabdirahmaan Axmed Cali Allah ha u naxariistee.
Waxaa la dhisay Guurti lagu soo daray beelihii darafyada iyo
xukuumad loo dhan yahay oo beelahu kulmisay.
SNM waxy noqtay jabhadii u horreysay dunida ee hab dimuquraadi ah ku
dhisan, iyadoo horeba tijaabada dimuquraadiga ku guulaysatay oo shan
hoggaamiye kala bedeshay mudadii tobanka sano ee halganku socday.
SNM oo raacaysa habdhaqankaas waxay dhistay dawlad ka koban 17
wasiir oon lahayn ku-xigeeno iyo wasiir dawlayaal. Waxayna noqotay
mid si taam ah u fulisa mudadii ay qabsatay. Inkastoo qas siyaasi
ihi dhaliyey isku dhac, haddana waxay noqtay mid talada u celisa
dadweynaha oo ay hagayaan guurtida beelaha Soomaliland oo dhan.
Waxaana dhacday in Boorame oo ah magaalo madax beel aan SNM ahayni
noqotay halka lagu amboqaado horusocodka Soomaliland. Waxa xilkii ku
wareegay Madaxweyne aan ka tirsanayn halkankii SNM, Alle ha u
naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Waxaa xigay Madxweyne
Daahir Riyaale oo ka tirsan beelahii ka maqnaa ururkii SNM oo nasiib
u yeeshay inuu noqdo Madaxweynahi u horeeyey ee si toos ah loo
doortay. Waxayna dhammeysay seddex marxaladood oo dalku soo maray
muujisayna in talada dalka loo siman yahay.
Waxa xigtay doorashadii labaad ee Madaxtooyada 2010, waxayna guul
weyni ku raacday xisbiga KULMIYE, waxaana Madaxweyne noqday Axmed
Maxamed kuxigeena Cabdiraxmaan Saylici oo ah hoggaanka maanta.
Guushaasi waxay kor u qaaday dimuquraadiyadda Soomaliland oo noqotay
kolkii ugu horreysay taariikhda Soomaaliyeed guud ahaan ee mucaarid
doorasho ku guuleysto, isla markaasna geeska Africa kow ka ahyd,
dunida seddexadna guud ahaan ku ah naadir iyo teel teel.
Illaahay mahadi ha ka gaadhee, dalku waa nabad, dadkuna waa dar
niyad wacan oo ididiilo wanaagsan hiigsanaaya. Waxa jirta colaad
inagu xeeran, waxa jirta qabyaalad curyaamisay qaranka, waxa jirta
dhutis dhaqaale, Waxa se hubaal ah in xukuumadda Axmed Maxamed wax
weyn qabatay oo marag ma doon ah, maanta ujeedadu ma aha inaan taas
taabto, waayo mucaaridkaan rabaa inay la farxaan. Waxa dhimman waa
qaar u baahan wadajir iyo gacmaha oo aynu is qabsano. Waa bedel
dhaqanka qabiilka ee siyaasadda galay, mana aha mid xisbi keliye
bedeli karo, waa mid mucaarid iyo muxaafidba u baahan. Dawladnimadu
waa guri oo kale oo haddii meel dilaacdo oon dilaacaas la gufeen ay
galaafan doonto guriga oo dhan. Waxa dalku qaatay nidaam dimuquraadi
ah oo ku salaysan axsaabta badan. Taasi waxay waajib ka dhigaysaa
tartan xisbiyada dhex mara Tartanaku waxa ka dhasha mucaarid iyo
muxaafid. Mid waliba xil gooni ah oo u gaar ah ayaa saran.
Muxaafid waa kan haya awoodii dawladnimo, waxa shacbi weyne kula
xisaaabtamayaa wax qabadkooda. Waa se in looga dambeeya maamulka, oo
waxa sharcigu u baneeyey lagu jiq siinin. Waxa laga rabaa ma aha wax
ayna awood dhaqaale amba farsamo u lahayn, waa mid lagu qiyaasaayo
dhaqaalha yare e dalku leeyahay, iyo aqoonta aan fidsanayn ee jirta.
Togba waa ku taagtii, dawsladna waa ku tamarteed.
Mucaaridda u daa dhaliil iyo dhaleecayn. Taas waxaa raacda inay
dhaliisha raaciyaan waxa ay la iman karaan si ay ku toosiyaan. Waxay
la imanayaan barnaamaj siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo ay
dadweynaha soo hor dhigaan. Ma aha inay waqtigooda ku dhammeeyaan
casho sharaf qurbaha ah iyo xafladdu gudaha ah iyo makarafoon aan
weedha ka baxaysa loo fiirsan.
Kaalinta dadweyne waa inay la socdaan labada garab, oo ay danta guud
ku cabiraan si ay u kala doortaan. Dadweynaha intiisa badani waa
inay noqdaan dar u dhego fudud qiimeynta arrimaha socda, ayna u kala
raacaan marba meesha danta guud ku jirto. Guntuna waa garabka ay u
bataan kan shukaanta ay u dhiibayaan. Dadku ha ka koro dan gaaban,
dhuuni maalmeed iyo nin neceyb iyo reer jaceyl.
Tartanku ma aha mid ina ilowsiiya qaranimadeena, midnimada dal iyo
danaha badan ee aynu ka simannay. Waa geed ka go'an inaynu
qaranimada wado daafacno. Waa inaynu wadajir ugu halganaa
ictiraafka. Waa inagoo kala xisbi ah wado shaqaynaa, sharkado wada
dhisanaa, ururo bulsho wada maamulnaa. Ogow wax qabadka xukuumaddu
dadka waa u siman yahay. Jidka la dhiso, dugsiga la bineeyo, ceelka
la qodo, shaqaalaha mushaharka loo kordhiyo, cisbitaalka la dhiso,
garoomada ciyaaraha, iyo madaarada midna reer ma leh. Waa mid loo
siman yahay.
Waxaan bogaadin u dirayaa dadweynah Soomaaliland meel ay joogaanba,
dawlad iyo mucaarad, yar iyo weynba, gudo iyo debedba. Si gaar ah
waxaan u hambalyeenayaa Madaxweynha Soomaaliland Axmed Maxamed iyo
ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Guurtida, Wakiilada, La-taliyaasha
Madaxweynha, Ciidanka Qaranka booliis iyo Militariba, Hoggaamada
Xisbiyada, iyo xisbiyahanka dhabta ah. Waxaan leeyahay meel fiican
ayeynu maraynaa, inta dhimman waa is faham iyo isla jaan qaad iyo
dulqaad leysu yeesho, cadowga oo leyska jiro iyo danta guud oo loo
wado guntado, iyo Illaahay oo la mahad iyo nabadda aynu ku suganay
oonu wado ilaalino.
DHAMMAAN KU CIIDA NABAD, CAAFIMAAD, WANAAG IYO FARXAD.
SOOMALILAND HA NOOLAATO
Guul iyo Mahad Allah
Ahmed Hassan Arwo
LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA JSL
DHAQAALAHA, GANACSIGA IYO MAALGASHIGA
|