Waa kuma guddoomiyaha magaalada Wajaale?

 



Xaashi wa halyey aqoon yahayan ah kuna takhasusay cilmiga dhaqaalaha iyo xisaabaatka. Xaashi waa qorax ka soo baxday galbeed ka soomaliland. Wuxaanu u dhashay raganimo. Wuxuu yaqaan rag iyo rabigiiba. Waa nin aan cidna dulmiyin uguna habran madax ninimo iyo ehelnimo midkoodna markuu ogyahay in uu saxyahay xaqana ku taaganyahay(He is a man of principle and integrity).



Xaashi wuxuu leyehay taarikh toosan oo la raad raaci karo (a good track record in both his private and public lives). Waxaa markhaati iyo marag madoonta ah isbadalka uu ku sameeyay magaaalada Wajaale intii yarayd ee uu joogay. Waxaan lagaga masuugi karin sida uu u mideey ay bulshada walaalaha ah ee wada dagan isiguna keenay inay wixii danta guud dhinac uga soo wada jeestaan.



Waxaa baryahan soo baxay dad ma gudbayaal ah oon garanayn xushmada saxaafadda(media ethics), kulaalana aqoondaro iyo xishoodaro, calafsadana marmarinta cayda iyo aflagaadaynta madaxda dalka meergaha shaashadaha marka ay waxay rabaan ka waayaan madaxda. Waxaan bulshada kula talin lahaa dhamaan in ay is garab tagaan madaxdooda kana toosiyaan wixii qala da ee ay arkaan si xishmad iyo maamuus leh. Xasuusta murtidii wacnayd ee ahayd “waxaad wa naag ku waydo xumaan kuma heshid. Halyey Qaran dheh!!!!!!!!!Eeboy nin goba, baan ahoy gobi rifaysaaye eeboy anaa kugu gar lehe guusha ha I seejin.



Dhinaca kale waxaan Gudoomiyaha Xashi xasuusisnayaa in aan wanaagu qarsoomin iyo waxtarka madaxda fiican ee daacadda ahi. Waxaa tusaale kuugu filan Engineer Mohamed
Xaashi. Gudoomiye adaa masuul ka ah umadda dagan wajaale iyo nawaaxigeega. Ugu shaqee daacadnimo iyo caddaalad. Umadda waxa deeqaa waa caddaalad. Wax qabadkaagana taariikhdaa qori doonta. Xasuuso gabaygii ninkii yidhi: “Diric kali ahaantii;daleed guusha kama helodadkaa geesi lagu yahay”.




Mohamed Abdi (Afgooye), B-Eng(Hon),Dip London;mmabdi1@hotmail.com