WA TALAABO GEESINIMO O HORE LO QAADAY SO DHAWEYNTA WAFTIGA REER BUUHOODLE LAGU SO DHAWEEYAY MADAXTOOYADA JSLAND

 


Runtii waxa muhiim ha hadii ad mucaarid tahay inad ka markhaati kacdo talaabooyinka wanaagsan e ay dawladu ku talaabsato, hadii ad muxaafid tahayn talaabo kaste o ay dawladu sameyso ba ha ku taageerin e iska baandhee o talaabadii qaldan adigoo ilaahey ka baqaneya cod dheer kusheeg markaasad noqoneysa muxaafid dhab ah o dawladiisa u hiilineya lkn waxwalba waan ku aydisanahay ma tihiin muxaafid e daneysta daalin ah baad tahay o an waxba u tareyn maamulkaad muxaafidnimadiisa sheeganeyso..


Waxa igu kalifay in an qormadan so diro maanta markii an arkey sida quruxdan badan e loo so dhaweeyay waftigii reer Buuhoodle e nabada madaxweynuhu ku baaqay so ajiibay islamarkan aqbalay, taasan maanta runtii an ku taageersan nahay dawlada u madaxweynaha ka yahay mudane Ahmed Mohamoud Siilaanayo waan talaabo geesinimo leh o runtii hore loo qaaday


Waxan ku taageersanahay maamulka maanta jira waxkaste o nabadu ku sugnaan karto in la bixiyo hadii ay tahay aduun iyo hadii ay tahay maxaabiis la si daayo iyo hadii ay tahay BAAD LA BIXIYO, si anu askari danbe inooga dhiman - qodobada lagu heshiiyay e muhiimka ah waa mid mudan in la taageero ciidamada o la so qaada wa muhiim hadii aney colaadi jirin o nabad la doonayo, in shacabka walaalaha la waaleeyo o nabadooda laga shaqeeyo wa muhiim, in gobolada bariga horumarka wadan qeybtooda helaan wa muhiim in waxkaste lagu so afjaro wada hadal iyo isafgarad wa muhiim in hore loo socdo o qoriga meel lagu tiiriyo o qalinka iyo caqliga laga shaqeysiya wa muhiim.

Madaxweynaha Wasiirada iyo Madaxda so dhaweysa wafigaasi e marna si ambabixisay waxan leeyahay ilaahey ha idinka jasaaisiyo nabada iyo wanaaga ad wadan, runtii waxa jira o warbaahinta iyo saxaafada ku badan maalmahan waxmagaratada badan oo aaminsan inuu maamulkeeni is dhiibay oo u isku dhiibay niman anwy talo ka go'in, waxan leeyahay waxmagaratada sidaasi aaminsan maaha maanta xiligii qoriga caaradiisa umada lagu cambudhi jirey, maanta runtii ma jiro wuxu ku dhaamo inan ragihi inaad walaalo noqotan nabad kuwada noolaatan horumarhigisatan, runtii waxa nasiib wanaaga ah maadaama ay garteen reer Buuhoole nabadii iyo wada jirkii iyo horumark dagamadoodu inu gacantooda ku jiro o ay nabad dooneyaaan waa in gacmo furan lagu so dhaweeya o kaarbad cas loo dhiga codsigoodan la ajiiba, waxan leeyahay dawlada iyo inta garaadka wacan ba waxa loo baahan yahay in aynu nabad IIBSANO O AY HANTI GALINO si anu askaridanbe inooga dhiman si anu shacabkeenu u qaxin sidaasu garadka caafimaadka qaba ina farayaa..

BUDHCAD BADEEDA IYO KUWA AFDUUBEYDA SAMEYA MAXA MADAXFURASHADA MALAAYINKA DOOLAR AH LO SIIYA E LOO XASUUQI WAAYAY AMA SUUN LOOGU BUUFIN WAAYAY, WAXA LA DIIDAYA INU ASKARI KAGA DHINTO AMA LA HEYSTAYAASHU DHINTAAN, maanta waxa muhiim ah in la badbaadiyo shacabka iyo ciidanka ba o waxkaste o lagu baajin karayo la sameeya..

Maanta wixi hanti ah e la siiyo ba waftigaasi e lagu sooriyey ba wa guul iyo horumar la gaadhey o geesinimo mudan, bakheylku wa dagaal u jooge an abidkii daahirin o colaad jecel, deeqsigu wa geesi nabadjecel o nabad ku raadiya wixi aduunah e u hayo, maanta waxkaste o la taro ama la bixiyo waxan leeyahay wa nabad jecel iyo dadjecel iyo horumar jecel maamulkan aad baan ugu hambalyeynaa talaabadaasi geesinimada leh e ay qaadeen..


Waxan kuso gababgaynayaa guul iyo gobonimo somaliland
 

 


Omar Darood Hassan

Norway