Urur-Siyaasadeedka Nasiye Oo Soo Dhawayn Meeqaam Sare Leh Lagu Qaabiley. Iyo Gudoomiyaha Oo Xadhiga Ka Jaray Xafiiska Cusub Ee Uu Yeelanayo.
 

 

 


“Ururkan Nasiye oo dhawaan la aasaasay waxa aas-aaskiisa iska lahaa dhalinyaro aqoonyahano ah, iyo waxgaradkii dhalinta..."
Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Nasiye
 

Gabiley(TNN)-Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Nasiye Axmed Maxamuud Cige iyo Wafti uu hog aaminayo ayaa Maanta Soo dhawayn meeqaam sare leh kala kulmay Taageerayaal Laxaad wayn leh oo ka tirsan Taageerayaashiisa Urur-Siyaasadeedkiisa Nasiye. Isla markaana Xadhiga ka jara y Xafiis cusub oo Ururku ku yeelanayo Xarunta Gobolka Gabiley ee Gabiley.

Gudoomiyaha iyo Waftigiisan ku wehelinayey Socdaalkiisan kooban ee uu ku yimi Xarunta Gobolka Gabiley oo Taageerayaasha Ururku ay kaga hor tageeen Duleedka Bari ee Magaalada, iyaga oo watay Gaadiid Tiro badan oo ay ku xardhan yihiin Astaamaha Ururku, isla markaana ku dhawaaqa ya Hal-ku-dhegyo muujinaya taageerada ay u hayaan Ururkan Nasiye. Ayaa soo gaadhay guda ha magaalada abaaro 11:00 am ee Barqonimo. Kuwaas oo ku soo dhex wareegay Gudaha Magaa lada.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey furista Xafiiska cusub ee Uururku ku yeelanayo Magaal ada Gabiley, iyo soo dhawaynta Gudoomiyaha iyo Weftigiisa oo si heer-sare ah loo soo agaasim ay ayaa waxa ka soo qayb galay Cuqaal tiro badan, Wax-garad ka tirsan Bulshada reer Gabiley, iyo qaar ka tirsan Ururada Haweenka iyo kuwa Arrimaha Bulshada iyo waliba Taageerayaal aad u tiro badan. Waxaana ugu horreyn halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Nasiye oo sheegay cida aas-aasay Ururkan, iyo Sababaha loo aas-aasay, “Ururkan Nasiye oo dhawaan la aasaasay waxa aas-aaskiisa iska lahaa Dhalinyaro aqoonyahano ah, iyo waxgaradkii dhalinta, kana soo kala jeeda dhamaan Gobolada Somaliland oo dhan, waxaana Mabaa’diida Ururka ka mid ah in wax ka badal lagu sameeyo, qaabkii ay Xisbiyadii hore ku sallaysnaayeen, iyo Nolosha Dadka Reer Somaliland”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Nasiye Axmed Muxumed Cige.


Waxaanu ku daray hadalkiisa oo uu yidhi: “Waxaan kale oo aan idiin sheegayaa in Ururkani yahay mid buuxiyey dhamaan Shuruudihii Qaranku ku xidhay dhamaan Ururada u tartamaya Doorashoo yinka Golayaasha Deegaanada ee inagu soo fool leh. Waxaan idiin sheegayaa Reer Gabileyow in aan jecelahay in aan marar badan soo noq-noqdo , si aan uga wada hadli doono arrimo badan. Waxaanan idinka codsanayaa in aad Taageeradiina na siisaan”. Ayuu yidhi Gudoomiyuhu.

Waxa kale oo Iyaguna halkaa ka hadlay Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan iyo Caaqil C/laahi Warsa me Fariid oo si wayn u soo dhaweeyey Gudoomiyaha iyo Xubnaha Saraakiisha waftigiisani ka koo ban yihiin, kuwaas oo ay ugu baaqeen in ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan Gudoomiyaha U rur-Siyaasadeedkan Nasiye oo ay ku sheegeen in uu yahay hogaamiye ka soo jeeda Gobolkan. Waxaanay ugu duceeyeen in Illaahay ku guuleeyo in uu ka mid noqdo Sadexda Urur-Siyaasadeed eek u guulaysta in ay noqdaan Sadexda Xisbi ee u tartami doona Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada ee Sanadada Danbe. Waxaanay xuseen in Magaca nasiye tilmaamayo Nasasho Alle na uga dhigo Urur lagu nasto. Waxaanay reer Gabiley ugu baaqeen in ay si wayn u taageeraan Ururkan.

 

 



Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland