Urur-Siyaasadeedka Gurmad oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Xafiisyo Cusubna Ka Furtay

 


“waxaan reer Gabiley ka rajaynaynaa haddii aanu nahay Gurmad aananu ka heli doono taagee ro wanaagsan…” Gudoomiyaha Gurmad Nuur Faarax



Gabiley (TNN):- Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Gurmad ,Nuur Faarax Xirsi iyo Xoghaya Guud ee urursiyaasadeedkaasi Gurmad Axmed Baaruud Cigeh ayaa maanta si balaadhan loogu dhaweeyay magaalada Gabiley iyagoo halkaasi xadhiga kaga jaray xafiis cusub oo ururkoodu ku yeelanayo magaalada Gabiley.

Soo dhawaynta gudoomiyaha urur siyaasadeedka Gurmad oo uu hogaaminayay gudoomiyaha ururkaasi u qaabilsan gobolka Gabiley Ismaaciil C/laahi Nuur Cuqaal, Aqoonyahan, Xubno sarsare oo ka tirsan urursiyaasadeedkaasi Gurmad iyo Taageerayaasha reer Gabiley ee urur Siyaasadeedkaasi.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedkaasi Gurmad Nuur Faarax oo taageerayaasha ururkooda kala hadlay xafiiskooda cusub horteeda ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhawaynta balaadhan ee ay dadwaynaha reer Gabiley u sameeyeen, una sheegay in reer Gabiley ay caan ku yihiin inay ka qaybqaataan go,aaminta siyaasada dalka iyo cidda qabanaysa hogaankan.

Nuur Faarax oo khudbad dheer oo dhinacyo faro badan taabanaysay ka jeediyay Gabiley ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan jecelahay inaan reer Gabiley si kal iyo laab ah u salaamo, waayo shacab-waynaha reer Gabiley waxay caan ku yihiin oo looga bartay inay siyaasadaha cusub ee reer Somaliland door wayn ka qaataan. Maadaama maanta la furay asaxaabta siyaasiga ah inay Somaliland awoodeeda ku tartamaan, oo ay galaan doorashooyin inay ka mug wayn yihiin ama ay ka baaxad wayn yihiin marka loo eego doorashooyinkii hore tirada asaxaabta ku tartamaysa inay ka qayb galaan doorashooyinka soo socda. Sidaa daraadeed, waxaan reer Gabiley ka rajaynaynaa haddii aanu nahay Gurmad aananu ka heli doono taageero wanaagsan. Taageeradaa waxaan ku macnayn lahaa ama aan doonayaa inaan ku tilaamo inay noqoto ciyi balaadhan ama cad buuran oo ay nasiiyaan dadwaynaha reer Gabiley. Waayo, sidaana waxaan u leeyahay waxaan hubaa inaanan Gabiley ku qadayn. Gabiley meel dad siyaasad u socdaa ay ku qadaan inay noqoto kama rajaynayo.”


Gudoomiyaha urur Siyaasadeedkaasi Gurmad ayaa hadalkiisa kusoo gabogabeeyay in xafiiskoodaasi yahay kii labaad ee ay ka furtaan gobolada dalka jamhuuriyada Somalialand isagoo taageerayaashoodana ugu baaqay inay marar faro badan kusoo laaban doonaan Gabiley.

Xoghaya Guud ee urursiyaasadeedkaasi Gurmad Axmed Baaruud Cigeh oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyay dadwaynaha reer Gabiley ee soo dhawaynta u sameeyay urursiyaasadeedkaasi Gurmad, isagoo sheegay in maanta waa cusub uga baryay Gabiley xafiiskaasina yahay kii labaad ee ay ka furteen gobolada Dalka.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedkaasi ee Gobolka Gabiley Ismaaciil C/lahi Suwayn oo isagu hor kacayay taageerayaasha balaadhan ee waftigaasi balaadhan ee uu hogaaminayay Gudoomiyaha urur Siyaasadeedkaasi Gurmad, Waftigana ugu baaqay inay yimaadeen magaaladoodii iyo gobolkoodii ee aanay Gabiley marti ku ahayn.

Xafiiska ay urur Siyaasadeedka Gurmad ka furteen magaalada Gabiley ayaa noqonaya xafiiskii labaad ee ay ka furtaan guud ahaan gobolada Dalka Jamhuuriyada Somaliland tan iyo intii ururkooda lagu dhawaaqay, iyagoo dhawaan la filayo inay gobolada dalka oo dhan kasoo furtaan maadaama ay ka mid noqdeen ururada ku guulaystay inay u tartamaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee bisha afraad ee sanadkan cusub.
 

 

 


Ahmed Biito.
Timacade News Desk
Gabiley Somaliland
ahmed_biito@hotmail.com