Ururka
Wadaniga ee Soha oo Maanta Xafiis Cu sub ka
Furtay Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley

Gabiley (Longlivesomaliland
News):- Ururka Samafalka ee SOHA ayaa maanta xafiis cusub ka furtay
magaalo madaxda Gobolka Gabiley. xaflad balaadhan o o loo sameeyay
furitaanka xafiiska cusub ayaa lagu qabtay isla goobta xafiis
ka laga furayay oo ku taala koonaha bari ee magaalada Gabiley.
Xarlada Furitaanka Xafiiska Cusub ee ururka SOHA ayaa waxaa kasoo
qayb galay masuuliyiinta gobolka Gabiley Sida gudoomiyaha Gobolka
iyo gudoomi yaha Golaha Deegaanka, Gudoomiyaha Degmada
Arabsiyo, Caaqilo, Culama a,udiin, Dhalinyar, aqoonyahan, Haayadaha
Caalamiga ah iyo Dadwayne kale oo tiro badan.
Xafladaasi waxaa hadalo kasoo jeediyay badhasaabka gobolka Gabiley
Maxa med Axmed Aw Cabdi (xabiib) oo halkaasi mahadnaq uga soo
jeedidyay mas uuliyiinta ururka SOHA iyo madaxa haayada Action
Aid. Badhasaabku wuxuu sheegay inuu maanta aad ugu faraxsan yahay in
haayada action Aid oo ay ka wada hadleen barnaamijka sideed bilood
ka hor ay fuliyeen balanqaadk oodii, kaasi oo gudoomiyuhu
xusay inay ka wada hadleen furintaanka xafii skan oo xudun u
noqon doona barnaamijyo faro badan oo SOHA ka fulin doo nto
gobolka.
“anaguan maamul ahaan waxaanu balanqaadaynaa oo aanu hiil iyo hooba
la garab taaganahay wixii la nooga baahdo, madaxa haayada action Aid
aad buu u mahadsan yahay wuxuu inoo sheegay inuu wada jirku waxwayn
tarro, kala tafaraaruquna keeno horumar la,aan”.
Badhasaabku wuxuu ka waramay inay jiraan waxyaabo faro badan oo
ayna an dhaqan iyo caado toona u lahayn oo laga dhaxlay dagaaladii
sokeeye oo ay ka mid yihiin muranka, iyo inaan wada jir waxba loo
qabsan, ilaahayna wuxuu uga baryay bulshada reer Gabiley in ilaahay
fahamsiiyo horumarka iyo wax wadaqabsiga.
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Aadan Muxumed Badde oo isna
halk aasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xafiika cusub ee SOHA ka
furtay Gabiley. Aadan waxaa kale oo uu sheegay inuu SOHA uga
madnaqayo barnaamijyadii hore ee ay ka fuliyeen Gobolka, iyo sidoo
kale kuwa ay hada soo wadaan.
“waxaan leeyahay wixii hore ee aad qabateen SOHA iyo haayada Action
Aid aadbaan idiinku mahadnaqaynaa, waxaa kale oo aan idin leeyahay
isku xid hnaashaha sidaa aad u wada socotaan, dadkana waxbaad ugu
qaban karay saan, anana waxaanu idiin balanqaadaynaa inaanu
idin la shaqayno, oo wixii xagayaga idinkaga xidhma aanu si fudud
idiinku dhamayno” Waxay ka mid ahaayeen hadaladii gudoomiyaha golaha
deegaanka.
Xubin ka tirsan Madaxda ugu saraysa ururka SOHA, isla markaana ku
hadl ayay afka Boodhka SOHA Maxamed Maxamuud Cawaale ayaa ka waramay
ururka SOHA waxa uu u taagan yahay, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa
“ururka SOHA waa urur aan dawli ahayn, macaashdoon ahayn, waxaa
ururku ka shaqeeyaa. Himiladiisuna ay tahay tirtirista iyo
dabargoynta faqriga.
Wuxuuna ururku aaminsan yahay in
faqrigu leeyahay wajiyo badan oo ay ka mid yihiin waxbarasho la,aan,
cunto yaraan, caafimaad xumo oo faqriga iyo saboolnimadana kordhiya,
si taas loola dagaalamana waxay u baahan tahay in dhinackasta laga
weeraro oo wax laga qabto. Ururkuna si uu himiladiisaasi u xaqiijio
waxaa uu qabtay hawlo iyo mashaariic iyadoo la kaashanaysa haa
yada caalamiga ee Action Aid. Waxaa ururka u qabsoomay waxyaabo faro
badan. Ururku wuxuu ka shaqeeyaa Gobolada Hargaysa iyo Gabiley.
meelaha aanu wax kasoo qabanay intii uu ururku jirayna waxaa ka mid
deegaanada Arabsiyo, Huluuq, Agamsaha, Biyo Macaan, Biyo Cas,
Buqdhada, Dhalaada, Magan Ciise, Faro Wayne, Xaraf, Boodhlay,
Kalabaydh, Hora-Haadlay iyo Agabar. Ilaa hada waxay SOHA suuro
galisay iyadoo la kaashanaysa haaya da ay lamaanaha yihiin ee
Action Aid 128 ceel (boqol iyo sideed iyo laba a tan ceel) oo loo
hagaajiyay loona xidhay dadkii ku manaafacaadsan lahaa. Waxay SOHA
hirgalisay oo ka qabatay dhinaca tacliinta ilaa shan iskuul oo ay
hirgalisay iyadoo ka caawinaysa dhismaha iyo qalabka kale ee dugsigu
u baahan yahay iyo sidoo kale iyadoo macalimiinta u tababartay
dugsiyadasi. SOHA waxay qaybisay ugu yaraan 128 Qalab (boqol iyo
sideed iyo labaatan qalab) oo iskugu jira mishiinadii iyo
tuunbooyinkii ay dadkaasi wax kulasoo bixi lahaayeen. Waxaa kale ay
SOHA u fidisay dadka beeralayda ah ee beer aha waraabka ah ka
shaqaysta ugu yaraan 3,000 (sadex kun), oo saacad ood.
SOHA waxay ugu danbaytii maanta u
fadhidaa inay furto xafiiskii barnaamijka loo yaqaano (Child
Sponsorship) oo ah barnaamij lagu horumarin doono buls hada oo
caruurta yaryar ee Gobolkan ku dhaqan lala walaalayn doono caruur
kale oo ku dhaqan wadamada horumaray taasi oo ilmakasta oo
gobolkeena jooga uu horumarkiisa kala qaybqaadan doono ilmaha kale
ee ku dhaqan wadamada horumaray. Oo hadii ilmaha loo dhiso dugsi ama
goob caafimaad oo caafimaadkii ilmuhu wanaagasanaado caafimaadka
guud ee bulshaduna wuu wanaagasanaanayaa”.
Madaxa Haayada Action Aid Mr. Warrior ayaa isaguna faahfaahin ka
bixiyay ururka SOHA intii ay haayadoodu la shaqaynaysay iyo sidoo
kale kaalinta uu xafiiska uga gali doono bulshada reer Gabiley
horumarka gobolka.
Mr. Warrior isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “tani
maanta wa xay tusaalaynaysaa in SOHA si wanaagsan ushaqaynayso
dadwaynaha reer gabilayna ay raali kayihiin arinkaa,
wakhtigaan halkan imiday waxay ahayd 2007. waxaana kashaqaynaayay
Puntland ismana lahayn waad imanaysaa oo waad kashaqo galaysaa
S/land, maantana xafiiskii ugu horeeyay ee uru rka SOHA ku
yeesho gobolka Gabiley ayaan xadhiga kajarnay. waana wax ilaahay
lagu mahadiyo masruucyadani aan wadno halka ugu horaysa ee laga
bilaabaayo waa gobalka gabiley balantii aan uqaadnay way rumowday
maa nta waxaan halkan ka markhaati kacayaa inay SOHA iyo Action Aid
ay lasha qayn doonaan dadwaaynaha Gabiley 8 ilaa 10sano.
maamulka gabiley hadaan waxyar kasheego horta maayarka Gabiley wali
lama kulmin laakiin badhas aabka waan lakulmay waana nin ku
haboon inuu halkan kashaqeeyo. reer gabilayoona waxaad haysataan
maamul wanaagsan oo tayoleh anaguna wa xaan balan qadaynaa
inaan idinla shaqayno dhamaan teena waxaan nahay biliaadam in yarbaa
ah inta dagan had iyo jeer waxaynu jecelnahay in dag dag wax waliba
udhamaado oo aynu guusheena gaadhno waxa weeyi inaynu usamirno
samraabaana sadkiihela”.
Dhanka kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Mustafe Faarax Miigane
oo ah agaasimaha guud ee ururka SOHA oo isaguna halkaasi ka hadlay
ayaa xusay in maanta halkan ay diyaar ugu yihiin inay furaan
xafiiskii SOHA oo uu sheeg ay inuu yahay mid u furan
horumarinta Gobolka Gabiley. Wuxuuna sharaxaad ka bixiyay xafiisyada
kala duduwan oo tusay badhasaabka iyo saxaafadaba.
Caaqil Cabdi Ciidle amaan oo ka tirsan cuqaasha ee gobolka Gabiley
ayaa isa guna sidoo kale soo dhaweeyay furitaanka xafiiskan
kuna tilmaamay inuu wa xwayn ka tari doono baahi aasaasi ah oo
ka jira gobolka.
Xafiiskan Cusub ee ururka SOHA ku leeyahay Gobolka Gabiley ayaa ah
kii ugu waynaa ee laga furo gobolka Gabiley isagoo hore xafiis aan
waynayn ururka ku lahaa magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
Weriye: C/risaaq Axmed Hayaan
(ilkacase)
Longlivesomaliland News Desk
Gabiley Somaliland.
Ilkacasenews@hotmail.com
|