Ururka Wadanig Ah Ee SOYDA Oo Shahaadooyin Gudoon Siiyey 50 Arday Oo Bartay Xirfado Kala Duwan .
 




Ururka Hurumarinta dhalinyarada Somaliland ee SOYDO ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey 50 arday oo bartay qaar ka mida xirfadaha kala duwan ee lagu shaqaysto.


Hargeysa (TNN)-Adaydan ayaa waxa ay barteen xirfadaha kala duwan ee maamulka Xafiisyada, dawaarka iyo Qalabka electaronikada sida loo hagaajiyo, aradaydan oo ka kooban 25 wiil iyo 25, gabdhood, barnaamijkan ay aradaydaasi wax ku barteen ayaa waxa maal galisay Hay’ada  caali miga ah ee Save The Childhren, waxa hir galiyey ururuka wadaniga ah ee SOYDA waxana fuLusay oo aradaydaasi waxa bartay ururka wadaniga ah ee BADE.

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay qalin jabinta ardaydaasi ayaa waxa ay maanta ka  qabsoon tay hotelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, waxana ka soo qayb galay Gudoomiyaha  Urur ka SOYDA Faysa Aw Yuusuf Cali, Agaasimaha SOYDA Md.Xaashi Cabdilaahi, Md Caqli Oo  AhSark aal sare oo ka socaday hay’ada Save The Chilthern, iyo Md. Xasan Cabdi Badde oo ka socaday Xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland.

Furitaankii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadalay Agaasimaha Ururka SOYDA Md. Xaashi  Cabdila ahi hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “ waxa aynu maanta halkan u fadhinaa in aynu shahaadooyin gudoonsiino 520 arday oo dhigtay xirfadaha kala duwan oo ay ka mid yihii dawaarka, barashada sida loo hagaa jiyo qalabka Electoroniga iyo sida loo maamulo xafiisyada, waxa ay ardaydaasi oo gaadhaysa 50 araday u qayb samayaan sadexdaa qaybood, waxana aynu gudoon siin doonaa aradaydaas shahaadooyin ay u soo diyaarsay Xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland, waxa ay ardayada maanta qalin jabisaya ay da;oodu u dhaxaysaa 14 – 17 sano jir oo ah dada  dhaliny aranimada.”

Waxa kale oo uu Agaasimaha Ururka SOYDA Md. Xaashi Cabdilaahi u mahad naqay Hayada  caala miga ah ee Save The Chilthern iyo ururka wadaniga ah ee BADE kuwaas oo dadalaa badaadhan u galay hir galinta barbnaamijkan, waxa kale oo uu Md. Xaashi u mahad naqay Wasaarada  Waxbar asha iyo xafiiska imtixaanaadka qaranka ee Somaliland.

Waxa kale oo iyadu halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha Ururka SOYDA Marwo Faysa Aw Cali  Yu usuf iyada oo sharaxaad ka bixsay arimaha ay ku hawlan yihiin, waxana ay sheegtay in Ururka SOYDA uu dadaal ugu jiro hurumarinta Haweenka iyo caruurta iyo sidoo kalena sidii loo ilaalin lahaa xuquudooda iyo daryeelkooda, waxana ay sheegay Marwo Faysa in aanay taas  macanahe edu ahayd in SOYDA ay gaar u tahay waxa ka qabashada labadaas qaybood ee bulshada ka mida, balse ay u doorbideen in ay yihiin kuwo mar walba u baahan adeeg gaara iyo mucaawamo.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadalay Maxamed Maxamuud Caqli Oo ah xubin ka socday  Ha y’da Save The Childhren waxana uu sheegay in ay haydaasi u taagan tahay daryeelka iyo  ilaalin ta xaquuqda caruurta, isaga uu sheegay in ay wax wey tahay in ay da’yartu yeeshaan aqoon iyo xirafado ay nafahooda ku ancaan oo ay ku shaqaystaan, waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay ururka SOYDA, isaga oo sheegay in ay ka hay’ad ahaan ku dadaali doonaa huru marinta  barnaa mijyada nocaasi oo kale ah.

Ugu damabaytiina waxa ay masuuliyiinta ururka SOYDA ay shahaadooyin Gudoon siiyeen aradadii tababarka dhamaysatay, oo haa dhalinyaro da’yar ah, oo bartay xirfado ay ku anfaci karaan  naf ahooda iyo mustaqbalkoodaba.


Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland.